tirsdag, april 23, 2024

Booliska: Maseyr/Hinaase ayaa sabab u ahaa dhacdadii uu ninka soomaaliga ah, gabadha soomaalida ah ku dhaawacay

Booliska Moelv/Hamar ayaa soo gaba-gabeeyay baaritaankii ay ku hayeen falkii uu ninka soomaaliga ah, dhaawacyada halista ah ku gaar-siiyay gabadha soomaalida ah, deegaanka Moelv 8-dii Desember 2016. 

Waxeyna warbixintooda kusoo af-meereen in maseyr ama hinaase uu sabab u ahaa falkaas uu ninka soomaaliga ku dhaawacay gabadha soomaalida ah. Booliska ayaa horey u sheegay inuu nooc xiriir haasaawe ah, uu ka dhaxeeyay labadaan qof ee soomaalida ah ee dhibaatada is-gaarsiiyay. 

Sida ay boolisku warbixintooda kusoo bandhigeen baaritaanka kadib, ninka ayaa aaminsanaa inuu xiriir-haasaawe kala dhaxeeyay gabadha, halka gabadhuna aysan arintaas aysan ku raacsaneyn. Taas oo sabab ama gundhig u aheyd weerarka lagu dhaawacay ee mindida loo adeegsaday, sida uu qorayo wargeyska Hamar Arbeidsblad. 

[adsenseyu2]

Ninka soomaaliga ayaa si kumeel-gaar ah ugu xirnaa xabsiga Hamar ilaa markii uu falkan dhacay, iyaga oo boolisku ay sheegeen inay ka cabsi qabaan inuu wadanka ka baxsado, hadii laga sii daayo xabsiga, maadaama uu ka dhacay sharciga dal kujooga.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay inay hada sugayeen warbixinta qiimeynta dhameystir ahaanshaha qofka ee xaga maskaxda, taas oo ah mida loo adeegsado in qofka loo xukumi karo danbi-ciqaabeedka uu geysto. 

Sida ay boolisku horey u sheegeen, ninka soomaaliga ah ayaa minida uu u adeegsaday weerarka, saacado kahor kasoo iibsaday deegaanka Moelv oo ah deegaanka uu falkan ka dhacay.

Bilowgii kiiskan, waxaa ninkan soomaaliga ah lagu soo oogay dacwad ah inuu dhaawacyo jir ahaaneed geystay, laakiin baaritaano kadib ayey boolisku sheegeen in dacwadiisa ay u badaleen fal-danbiyeed isku day dil ah. 

Warbaahinta lokalka ee deegaanka uu falkan ka dhacay, ayaa wali si aad ah u xiiseynayo kiiskan, iyaga oo wixii kusoo kordhaba horey kasoo gudbinayo. 

Xigasho/kilde: GD.NO, Hamar-Arbeidsblad.no

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x