torsdag, april 25, 2024

SSB: Caruurta soomaalida oo mar kale noqday kuwa ugu saboolsan Norway(77%).

Wakaalada tirokoobkta iyo xog uruurinta ee SSB ayaa maanta soo saartay warbixin tiro koob ah oo ku saabsan caruurta ku kora nolosha saboolnimada wadankan Norway. 

Isku-dar 98 200 oo caruur ah, da´dooduna ay ka yartahay 18-sano ayaa sanadkii 2015, nolol saboolnimo ah ku noolaa Norway. Iyada oo tirada caruurta saboolnimada kunool ku yimid kor ukac gaaraya 10%. Waxaana kor ukacaas sababay sida ay SSB sheegayso, tirada soo galootiga dalkan kunool oo kor u kacay sanadadii ugu danbeeyay.

Caruurta ajaaniibta iyo saboolnimada:

Caruurta ay dhaleen dad soo galootiga ah, gaar ahaan dadka qoxootinimada wadanka ku yimid ayaa ah caruurta ugu badan ee kunool saboolnimada. Ajaaniibta ayaa tiro ahaan dhan 14% dad weynaha Norway, laakiin 53% caruurta saboolnimada kunool waa ajaaniib.

SSB ayaa warbixinteeda ku xustay in sababaha ugu waaweyn ee arintaas keeneyso ay tahay, ajaaniibta oo dhala caruur tiro badan marka loo eego dadka wadanka u dhashay, qoysaska ajaaniibta oo aan dhaqaale ahaan isku filneyn, kuna xiran kaalmada hey´adaha kala duwan ee dowlada, ka qeybqaadashadooda suuqa shaqada oo aad yar iyo waliba iyaga oo markii hore qaab qoxooti ahaan ah wadanka kusoo galay.

Inkasta oo caruurta soo galootigu ay yihiin kuwu ugu badan, hadana markii loo sii qeybiyo qowmiyado ahaan, waxaa jiro farqi weyn oo u dhaxeeyo.

Tusaale ahaan caruurta waalidkood ay kasoo jeedaan Srilanka, waxey kujiraan kuwo ugu yar tiro ahaan ee kunool noloshada saboolnimada ah.Dadka kasoo jeedo Srilanka iyo Soomaalidu, waxey Norway qoxootinimo kusoo wada galeen isku xiliyo.

Caruurta Soomaalida:

Caruurta soomaalida ayaa ah kuwo ugu saboolsan caruuraha kunool Norway, hadii loo xisaabiyo qowmiyad ahaan. 77% caruurta soomaalida ah ee Norway degan, waxey kunool yihiin nolol saboolnimo ah. Taas oo ka dhigan in 8 kamid ah 10-kii caruur soomaaliyeed ab oo wadankan kunool, inay kunool yihiin nolol saboolnimo ah, marka loo eego caruuraha kale. 

Waxaana booska labaad kujiro caruurta u dhalatay wadanka Siiriya oo badankood qoxootinimo wadanka kusoo galay dhowrkii sano ee ugu danbeeyay. Halka booska 3-aad ay soo galeen caruurta ay waalidkood kasoo jeedaan wadanka Ciraaq.

Xigasho/kilde: SSB. 

[adsenseyu2]

 

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
1
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x