fredag, april 19, 2024

Wasiirada shaqada iyo arimaha bulshada oo soo bandhigtay 22 qodob oo wax looga qabanayo saboolnimada caruurta.

Hey´ada tirikoobka iyo xog uruurinta dalkan Norway ayaa shaley soo bandhigtay in ku dhawaad 100.000 oo caruur ah, ay kunoolyihiin nolol saboolnimo ah. Waxaana caruurta ugu badan ee kunool saboolnimada ay kasoo jeedaan qoysas soo galooti ama qoxooti ah, soomaaliduna waxey uga jirtaa booska 1-aad. 

Wasiirada shaqada iyo arimaha bulshada dalkan Norway, Anniken Hauglie ayaa maanta soo bandhigtay 22 qodob oo ay sheegtay in dowladu ay rabto iney kaga hortagto saboolnimada caruurta,  gaar ahaan kuwa soo galootiga oo sii baaheyso. 

Iyada oo raacisay inay muuqato in soo galootiga ay si aad ah uga dhex-muuqdaan caruurta kunool saboolnimada kunool, isla markaana ay tahay arin aan la dhayalsan karin, hadii uu jiro saboolnimo iyo farqi weyn u dhaxeeyo daqabadaha bulshada. 

Wasiiradan oo katirsan xisbiga Høyre ayaa sheegtay in hadii ay la rabo in wax laga qabto saboolnimada, ay muhiim tahay in laga taxadaro ineysan noqon mid dhaxaltooyo ah, oo ilmuhu aysan kasii dhaxlaan waalidkooda. Sidaas darteed ayey sheegtay iney muhiim tahay in lagu dadaalo shaqo-geynta dadka soo galootiga ah, korna loo qaado aqoontooda xaga luuqada norwiijiga ah. 

Qodobada maanta ay soo bandhigtay ayaa waxaa kamid ah:

  1. In la kordhiyo barashada luuqada norwiijiga lagu barto, goobaha shaqada ee la geeyo dad soo galootiga ah iyo qoxootiga. 

  2. In si gaar ahaaneed loo dar-dar galiyo shaqo-geynta dadka qoxootiga ah ee leh aqoon looga baahan-yahay suuqa shaqada.

  3. In kor loo qaado adeegsiga nidaamka Lønnstilskudd. Oo ah nidaam qofka lagu geynayo goob shaqo, isaga oo qaadanayo lacagtii uu qaadan lahaa, hadii uu meeshaas si caadi ah uga shaqey lahaa.  Waxeyna wasiiradu sheegtay in taas ay soo galootiga aan heysan khibrad shaqo, ay ka caawineyso iney shaqo helaan, goobaha shaqada bixíyo. 

  4. In shuruudo adag lagu xiro da´yarta qaadatay lacagta ceyrta ah. Waxeyna wasiiradu sheegtay in da´yarta soo galootiga ah ay aad ugu badanyihiin, kuwa qaata ceyrta.

  5. In wixii kayar 30-sano ee nav ku xiran, la siiyo jaanis shaqo, howl-maalmeed ama waxbarasho lagu geynayo mudo labo bilood ah gudahood ah.

  6. In qoysaska dhaqaalahooda uu yar-yahay la siiyo canshuur dhimis dheeri ah. Waxeyna sheegtay in markii dadku ay wax uga soo haraan, lacag ay shaqeysteen ay sifiican isugu filnaan karaan. 

  7. Nidaamka taageerida kirada guryaha ee qoysaska saboolka ah oo la hajaajiyo.

  8. In la fududeeyo in boos xanaano(barnehageplass) ay helaan caruurta kasoo jeed qoysaska soo galootiga ah. 

  9. In la sameeyo jaanisyo badan oo caruurta kasoo jeedo qoysaska soo galootiga ah, ay ku heli karaan fasax(ferie). 

  10. In bilaash laga dhigo boosaska xanaanada caruurta ee kasoo jeedo qoysaska dhaqaalahoodu uu yaryahay. Laga bilaabo markii ay sadex sano gaaraan. 

  11. In aan qoysaska laga jaran lacagta kaalmada ah, hadii caruurtooda ay helaan shaqo, dhaqaalahooduna uu kor u kaco. 

  12. In kor loo qaado lacagta ay dowladu ku bixiso, sidii goob tababar loogu heli lahaa dhalinyarada kasoo jeedo 

 

Xigasho/kilde: Kommunal-portalen.no 

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x