lørdag, april 20, 2024

Jens Ronde: Kiiska qoyska soomaalida ah wuxuu ridi doonaa xukuumada hada talada heyso

Jens Ronde oo ah xildhibaan katirsan golaha baarlamaanka ee midowga Yurub ayaa qeylo-dhaan ka muujiyay go´aanada dowlada Denmark. Wuxuuna tusaale usoo qaatay kiiska qoyska soomaalida ah ee dowlada dalkaas ay kala noqotay sharciyada magangalyada, ayna ku amartay inay wadanka isaga baxaan.

Foto: Camilla Schiøler, TV MIDTVEST

Qoyskan soomaaliyeed ee uu xildhibaankan ka hadlayo ayaa ka kooban 7 qof, waxaana kujirto caruur yar-yar oo wadankaas Denmark ku dhalatay. Aabaha qoyskan soomaaliyeed, Said Abdullahi ayaa Denmark magangalyo soo weydiistay sanadkii 2009, wuxuuna hada ka shaqeeyaa shaqada buss-wadida. Said ayaa sheegay inuusan wax caawin dhaqaale ah  ka helin dowlada dalkaas, isla markaana uu yahay qof isku filan.

Maalmo kahor ayaa lagu wargaliyay in magangal-yadiisii kumeel-gaarka aheyd dib loogala noqday, isla markaana lagu amray in wixii ka danbeeyo 13-ka Maarso ay wadanka isaga baxaan. Racfaan ayuu ka qaatay go´aanka dowlada, isaga oo sheegay inuu dacwadiisa gaarsiinayo maxkamada xuquuqul insaanka Yurub, ee xarunteedu ay tahay France.

Halkan kasii akhri sheekada qoyskan. 

Warbaahinta dalkaas ayaa si aad ah u hadalheyso kiiskan aabahan soomaaliga ee 8 sano kadib lagu amray inuu dalkaas isaga baxo. Gaar ahaan waxaa la hadalhayaa shantiisa ilmood oo dowlada dalkaas ay rabto iney ku celiso wadan aysan waligood arkin.

Xildhibaankan katirsan golaha midowga Yurub ayaa sheegay in kiiska dacwada qoyskan soomaaliga ah uu gacantiisa ku geyn doono maxkamada xuquuqul insaanka ee Yurub, isla markaana uusan shaki ka qabin iney ku guuleysan doonaan. Wuxuuna raaciyay in kiiska qoyskan uu tusinayo in nidaamka magangalyo doonka wadankaas ay wax ka khaldanyihiin. 

Rohde ayaa sheegay in xaalada amaan ee Soomaaliya aysan aheyn mid la isku haleyn karo, isla markaana uusan qofka hubin xiliga ay bombo ka qarxi karto goobta uu ku suganyahay. Wuxuuna sheegay in go´aanka dib u celinta qoyskaas uu yahay mid mas´uuliyad daro iyo foolxumo ah. 

Wuxuuna raaciyay in kiiska qoyskan soomaaliyeed iyo kiisaska kale ee noocan oo kale ah, ay aakhirka keeni doonaan in xukuumada dalkaas ay dhacdo.

Wasiirada arimaha soo galootiga dalkaas ayaa sheegtay in xildhibaanka uu sida uu rabo arintan isagu howli karo kiiskan, laakiin dowlada dalkaas uu go´aankeedu yahay inay dib dalkoodii ugu celiso dadka aan u baahneyn magangalyo. 

Xigasho/kilde: Politiken.dk

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x