lørdag, mars 15, 2025
Home Blog Page 26

Daraasad: Muslimiin badan ayaa dareensan in aysan qeyb ka ahey bulshada Norway.

Ku dhawaad kala bar dadka muslimiinta ah ee Norway kunool ayaan dareemayo in aysan boos ku laheyn mujtamaca Norway. Waxaa sidaas lagu sheegay daraasad dhawaan la sameeyay oo ay ka qeybgaleen 821 qof oo muslimiin ah.

Wax ka badan 40% dadka muslimiinta ah ee warbixintan ka qeybqaatay, ayaa sheegay inay dareensayihiin inaysan qeyb ka aheyn bulshada Norway, ayna dareemaan cunsuriyeyn iyo takoor joogto ah oo diintooda lagu faquuqayo.

wax ka badan 30% dadka muslimiinta ah ee warbixintan lagu wareystay ayaa sheegay inay qariyaan diintooda, iyaga oo ka cabsi qabo inay la kulmaan falcelin guracan iyo takooris. Waxaana warbixinta lagu sheegay in takoorkaas uu culeys iyo dhibaato maskaxeed ku yahay dadka la kulmay ee muslimiinta.

Ragga iyo haweenka muslimiinta ah ee daraasadda lagu wareystay ayaa sidoo kale sheegay in shaqadooda laga xanibay sababo la xiriiro diintooda, halka hal kamid ah afartii qof ee la wareystay ay sheegeen in goobaha dadweynaha ay kula kulmeen cunsuriyad iyo faquuq uga imaanayo dad aysan aqoon.

Muslimiin badan ayaa qaba in warbaahinta Norway, ay qaab guracan oo taban ay inta badan uga hadlaan qadiyadaha la xiriira muslimiinta.

Xigasho/kilde: Fire av ti muslimer har følt at de ikke hører til i det norske samfunnet, ifølge rapport.

Muwaadiniin norwiiji ah oo dowlada Austria ku dacweeyay qaadsiinta corona.

Saddex qof oo norwiiji oo ka mid ah dacwad wadareed ka dhan ah maamulada Austria iyo Tyrol ayaa dalbanaya magdhow wadar ahaan dhan 1.2 milyan NOK ka dib markii
uu korona ka dillaacay Ischgl sanaddi 2020.

Dacwad wadareedkan ayaa waxa qayb ka ah in ka badan 5000 oo qof, 42 norwiiji ayaa horaantiisi ka mid ahaa, laakiin qaar badan ayaa ka noqday ama «kiiskii waa laga saaray,» waa sida uu qoray Aftenposten.

Saddex Muwaadin oo norwiiji ah ayaa weli ku lug leh dacwadda, dhammaantoodna waxa ku dhacay xanuunka covid-19. Mid ka mid ah wuxuu dalbanayaa qadar ka ag dhow 300,000 NOK wuxuuna ka sheeganaya dhibaatooyin ay ka mid yihiin miyirkiisa oo laciifay iyo daal, halka mid kalena uu dalbanayo in ka badan 400,000 NOK, muwaadinkaan ayaa ka sheeganaya hoos u dhac ku yimid badqabka sambabadiisa, dhibaatooyin soo food saaray xusuustiisa, helitaanka ereyada oo ku adag, timo daadasho, hurdo la’aan iyo murqo xanuun.

Kan ugu dambeeya si gaar ah uma qeexin dhibaatooyinka uu corona ku reebay, laakiin wuxuu dalbanayaa NOK 500,000.

Dacwadda waxaa culayskeeda lagu hagayaa mas’uuliyiinta Austria iyo maamulka deegaanka ee Tyrol. Dacwad oogayaasha ayaa ku andacoonaya in mas’uuliyiintu aysan
noqon kuwo kaso baxay waajobaadkooda ay ka mid tahay ilaalinta badqabka dadka safarka ah inta lagu guda jirey faafitaanka corona, iyo in aysan dadka u digin si ay isaga caabiyaan khatarta caabuqa waqtigaas jirey. Mas’uuliyiinta Austria, ayaa dhankooda sheegaya inay u wajaheen xaladda waqtigaas taagnayd si mas’uuliyad leh.

Dhawaan ayaa la filayaa in go’aan ka soo baxo maxkamadda sare, ayuu qoray Aftenposten.

Xigasho/kilde: For tre år siden ble han smittet av korona på skiferie i Ischgl. Livet ble ikke det samme etterpå..

Sucuudiga oo 5 Bilyan $ ku caawineyso dowlada Turkiga.

Sacuudi Carabiya ayaa maanta sheegtay inay $5 bilyan ku shubeyso Bankiga Dhexe ee Turkey, taasi oo taageero xooggan u ah dalkaas oo la tacaalaya sicir-barar xooggan iyo waxyeelada dhul-gariirkii ku dhuftay bishii tegtay.

Ahmed Al Khateeb, oo ah wasiirka dalxiiska Sacuudiga, iyo xubin ka tirsan Sanduuqa Horumarinta Sacuudiga, ayaa heshiis la saxiixday guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Turkey Sahap Kavcioglu “si loo sameeyo lacag ku shubistan muhiimka ah ee $5 bilyan,” waxaa sidaas bayaan ay soo saartay ku tiri dowladda Sacuudiga.

“Lacag ku shubitsan waxay caddeyn u tahay iskaashiga dhow iyo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo Jamhuuriyadda Turkiga iyo shacabka walaalaha ah,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Go’aankan oo xoojin doona kaydka lacagta qalaad ee Turkiga, islamarkaana ka caawin doona inay la dagaalanto sicir-bararka, ayaa lagu sameeyay amarka Boqor Salmaan iyo Dhaxal-suge Maxamed Bin Salmaan, ayuu bayaanka intaas ku daray.

Tallaabadan ayaa muujineysa isku soo dhawaanshaha Riyadh iyo Ankara kadib markii xiriirkooda uu soo gaaray dhaawac culus oo ka dhashay dilkii 2018-kii ee saxafiga Sacuudiga Jamaal Khaashuqji, oo lagu dhex-dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.

Turkey ayaa ka carysiisay Sucuudiga ayada oo xilligaas si adag u raadisay baaritaanka kiiskan, kadibna xog joogto ah siineysay warbaahinta caalamka.

Saraakiisha sirdoonka Mareykanka ayaa rumeysan in howlgalka lagu dilay Khaashuqji uu “ansixiyey” Amiir Maxamed bin Salmaan, inkastoo mas’uuliyiinta Sacuudiga ay arrintaas beeniyeen.

Madaxweynaha Turkey, Recep Tayyip Erdogan ayaa horey u sheegay in xubnaha “ugu darajada sarreeya” dowladda Sacuudiga ay amreen dilka, inkasta oo uusan marnaba eedeyn Amiir Maxamed bin Salmaan.

Erdogan ayaa si aad ah ugu dadaalay in dib loo soo nooleeyo xiriirka, tallaabadaas oo taxliiliyayaasha siyaasadeed ay ku qeexeen mid ay dhiiri-geliyeen dano dhaqaale.

Bishii April ee tagtay, wuxuu booqashadii ugu horreysay ku tegay Sacuudiga tan iyo dilkii Khaashuqji, halkaasi oo uu kula kulmay Amiir Maxamed kahor inta aanu u safrin magaalada Makka.

Amiir Maxamed ayaa kadib ku xigsaday oo booqasho ku tegay magaalada Ankara bishii June.

Turkey oo markii horeba la tacaalasay sicir-barar aan horey loo arag iyo lacagta dalka oo qiimo dhacday ayaa waxaa bishii tagtay ku dhuftay dhul-gariir cabirkiisu yahay 7.8, kaasi oo dalkaas iyo dalka deriska la ah ee Syria ku dilay in ka badan 50,000 oo qof.

Ayada oo dhowr bil un ay ka harsan yihiin doorashooyinka dhacaya bisha May, madaxweyne Erdogan ayey qasab tahay inuu la tacaalo waxyeelada dhul-gariirka oo Bankiga Adduunka uu ku qiyaasay $34 bilyan oo dollar.

Xigasho/kilde: VOA SOMALI + RUETUERS

Soomaalida oo lagala baxay booska 3.aad ee ajaaniibta Norway ugu badan.

Sida lagu sheegay tirokoob ay sameysay wakaaladda tirokoobka iyo xog uruurinta ee SSB, sanadkii lasoo dhaafay ee 2022, waxaa dalkan Norway soo galay ku dhawaad 58.000 qof oo ajnabi ah, taas oo tirada ajaaniibta Norway kunool ka dhigeyso inay tiro ahan gaarayaan 877.000 qof.

Ajaaniibta ugu badan ee sanadkii hore soo galay Norway ayaa ah dad kasoo jeedo dalka Ukraine ee colaaduhu ay ka socdaan, waxaana sanadkii hore oo kali ah Norway dib u dajin looga sameeyay 30.000 qof oo Ukraine kasoo jeeda.

Ajaaniibta kasoo jeeda dalka Ukraine ayaa hada ah qawmiyada sadexaad ee ugu badan ee ajnabiga ah ee Norway kunool. Waxeyna booska kala baxeen soomaalida oo tobankii sano ee ugu danbeeyay ahaa ajaaniibta ugu badan ee Norway kunool, marka laga reebo dadka kasoo jeedo dalalka Poland iyo Lituania.

Kiniiniga uurka kahortaga oo dhalinyarada ka yar 20 sano bilaash looga dhigay.

0

Kaniiniga iyo daawooyinka hormoonka ah ee ka hortaga uurka ayaa bilaash u noqon doono gabdhaha ka yar 20-ka sano, sida lagu sheegay war kaso baxay dowlada. arrintan ayaa ka dhigan in dhalinyarada ka yar dadaas ay bilaash ku heli karaan kiniiniga uurka kahortago ee loo yaqaan P-pille iyo dheecaanka garabka la isaga mudo ee P-Stav.

Ujeedka laga leeyahay arrintan, ayaa sida lagu sheegay warka kasoo baxay dowlada ah, in dhalinyarada ka yar da daas loo fududeeyo isku galmoodka, iyaga oo aan ka cabsi qabin uur aysan raali ka aheyn. Waxaana arrintan soo dhaweeyay xarumaha caafimaadka ee xiriirka dhow la leh dhalinyarada. Siri Kløkstad oo ah dhakhtarka haweenka ayaa sheegtay in dhalinyaro badan ay dhib ku qabaan qaaditaanka uurka, iyaga oo aan raali ka aheyn ama ogeyn.

Wixii hada ka horeeyay degmooyinka iyo dowladaha hoose ayaa masuul ka ahaa in bilaash dhalinyarada looga dhigo daawooyinka kahortaga uurka, balse hada dowlada dhexe ayaa bilaash uga dhigeyso, waxeyna dhalinyaradda daawooyinka ka heli karaan xarumaha caafimaadka.

Daawooyinka kahortaga uurka ayaan la siin doonin gabdhaha aan wali helin dhiiga caadadda(mensen), balse waxaa heli kara oo kali ah gabdhaha jir ahaan uurka qaadi kara.

Dowlada uu hogaamiyo xisbiga Ap, ayaa sidoo kale sheegtay inay xoojin doonto casharada ku saabsan jinsiga iyo galmadda ee lagu dhigo iskuuladda, si dhalinyarada fahan fiican looga siiyo arrimahan.

Xigasho/kilde: Hormonell prevensjon blir gratis for alle under 20 år

NAV oo qalad cusub qiratay inay sameysay: dad badan ayay quseyn kartaa..

0

Sanadkii 2019 ayaa waxaa xafiiska shaqada NAV kusoo baxday fadeexad weyn, taas oo ku saabsaneyd qalad ay u turjuntay sharciga, qaladkaas oo sababay in dad badan si qaldan xabsi loogu ganaax lacageed oo boqolaal kun ama ciqaab xabsiyeed. Halka kuwo kalena loo diido lacago ay xaq u lahaayeen. Halkan kasii akhri..

Hey adda NAV ayaa maanta mar kale qiratay inay sameeyaan qalad kale oo ku saabsan si qaldan oo loo turjumay sharciga Yurub, kuna saabsan xuquuqda qaadashada lacagta taakuladda waalidka caruurta dhalay.

Arrinta cusub ayaa sida uu sheegay hantidhowraha guud ee Norway, waxa ay khuseyn kartaa qoysas badan oo caruur ku leh Norway, kuwaas oo loo diiday lacagta taakulada caruurta, sababo la xiriiro inaysan Norway ku nooleen, balse ay ku noolyihiin dal kale oo Yurub ah. Arrintaas oo sida uu hanti-dhowruhu sheegay, NAV-na ay qirtay aheyd qalad dhanka turjimadda sharciga ah oo ay NAV sameysay.

Arrintan ayaa sababi karto in dad horey loogu xukumay ciqaab xabsiyeed arrimo kiisas la xiriira arrimaha, dib loo furo doono kiisaskooda.

NAV ayaa hada dhamaan dadka horey loogu diiday lacagta taakuladda qoysaska sababo la xiriira in ay ku noolaayeen wadan kale oo Yurub ah ka codsaneyso, inay NAV lasoo xiriiraan.

Xigasho/kilde: Nav innrømmer ny EØS-feil: Straffesaker kan bli gjenåpnet.

Denmark: Wasiirkii difaaca oo jaajuusnimo maxkamad loo soo taagayo.

0

Wasiirkii hore ee difaaca Denmark, Claus Hjort Frederiksen ayaa lasoo taagi doonaa maxkamadda, isaga oo ku eedeysan inuu bixiyay sir qaran, lana wadaagay dowlad shisheeye. Sidaas waxaa qoray wargeyska Ekstra Bladet.

Wasiirkan oo 75 sano jir ah, ayaa mudo dheer ku jiray siyaasadda Denmark, waxa uuna markii ugu danbeysay ahaa wasiirka difaaca Denmark inta u dhaxeysay sanadihii 2016-2019.

Sanadkii hore ayaa waxaa soo baxay fadeexo gilgilsayd dalkaas, kuwaas oo xambaarsanaa eedeymo ka dhan wasiirka oo lagu eedeeyay inuu xogo sir ah oo qaran oo la wadaagay sirdoonka dalka Mareykanka. Waxa uuna sida gal-dacwadeedku sheegayo uu jabiyay qodobka xifdinta sirta ee dastuurka Denmark.

Wasiirka ayaa hada muteysan karo ciqaab xasiyeed oo gaareyso ilaa 4 sano, hadii lagu helo danbiga lagu eedeeyay.

Xigasho/kilde: Danmarks tidligere forsvarsminister Claus Hjort tiltalt for å ha lekket statshemmeligheter

Booliska: Arrintan dadka safri doono xagaaga ha sameeyeen hada.

0

Sanadkii na dhaafay ee 2022 waxaa abuurmay xaalad jahwareer ah oo ka dhalatay booliska Norway, qeybtooda baasabooradda oo awoodi waayay inay baasabooro ku filan u sameeyaan dadka baasabooradu ka dhaceen ee rabay in loo cusbooneysiiyo. Arrintaas ayaana keentay inay dheeraadaan safka sugitaanka balanta baasaboorka ee booliska, sidoo kale ay dad badan awoodi waayeen inay u baxaan safaro dibadda ah oo ay qorsheysteen.

Booliska ayaa sheegay inay sanadkan 2023 sugayaan in dad badan ay soo codsan doonaan cusbooneysiinta baasaboorka Norwiijiga ah, waxeyna sidaas darteed dadka ku fakaraya inay u baxaan safar dibadda ah ka codsanayaan in xili hore ay balan ka qabsadaan booliska, si uusan mar kale u abuurmin jahwareer baasaboor bixinta booliska ah.

Ilaa 317.000 baasaboor ayaa dhacayo sanadkan 2023 sida ay boolisku sheegeen, waxeyna sugayaan in loo soo diro 1,3 milyan codsi oo baasaboor cusbooneysiin ah. Tiradaas oo le eg tirada dadkii sanadkii horey codsaday baasaboorka, abuurteyna jahwareerka iyo dib u dhaca balamaha baasaboorka.

Si looga maarmo arrintii dhacday sanadkii 2022, booliska ayaa hada ku boorinayo dadka ay baasabooradu ka dhacayaan, ama dadka raba inay safar dibadda ah u baxaan sanadkan 2023 ee baasaboorku dhici rabo inay hada sii qabsadaan balanta cusbooneysiinta, kahor inta aysan soo dhawaan bilaha fasaxa.

Xigasho/kilde: Politiet: Bestill time på pass og ID-kontoret nå.

Dad badan oo ka cabanayo hanaanka dakhtarka gaarka ah ee qofka.

0

Sanadkii 2001 waxaa Norway laga dhaqan-galiyay hanaan cusub oo qof walba oo degmo Norway kutaak ah kunool xaq u siinayo inuu lahaado dhakhtar gaar ah( Fastlege). Laakiin degmooyin badan oo Norway ah, ayaa wali ku dhiban helitaanka dhakhtaatiir ku filan.

Hanaanka dhakhtarka gaarka ah ayaa sanadkii hore ee 2022 waxaa laga gudbiyay 3329 kiis oo cabasho ah, tiradaas oo aheyd midii ugu badneyd abid ee laga gudbiyo dakhtarada gaarka ah, sida uu qoray wargeyska Aftenposten.

Dadka ugu badan ee ka cabanayo hanaanka dhakhtarka gaarka loo leeyahay ayaa sheegay in dhakhtaradu aysan si wanaagsan ula socon xaaladda caafimaad ee qofka, in dhakhaatiirtu aysan markii loo baahdo la heleyn oo balantu ay daahdo, in qofku uusan ku qanacsaneyn daaweynta uu helay iyo in dakhaatiirta gaarka ah aysan qofka u gudbin dhakhaatiirta taqasuska gaarka ah leh, iwm.

Ingvild Kjerkol oo ah wasiiradda caafimaadka ayaa sheegtay inay ka wel-wel qabto cabashada ay dadweynuhu ka gudbiyeen hanaanka dhakhtarka gaarka ah, waxeyna sheegtay in ay ka cabsi qabto in arrintan ay saameyn ku yeelato dadka nugul ee caawinta caafimaad ee deg-dega ah u baahan.

Wasiiradda ayaa sheegtay inay sameysay gudi khuburo caafimaad ah oo arrintan soo baaro, kadibna keena soo jeedin ku saabsan sidii loo xalin lahaa dhibaatooyinka laga sheeganayo dhakhtarka gaarka ah.

Xigasho/kilde: Fastlegeordningen mottok rekordmange klager i 2022.

Israel oo aad uga carootay tallaabo uu qaaday Midowga Afrika.

0

Israa’iil ayaa Sabtida maanta ah cambaareysay “sida ba’an” ee ergaygeeda looga saaray shir madaxeedka Midowga Afrika, iyadoo ku eedeysay dowladda cadawga weyn ay yihiin ee Iran in ay soo abaabushay tallaabadaas iyadoo gacan ka heleysa dalalka Aljeeriya iyo Koonfur Afrika.

Muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya ilaalada oo galbinaysa ku xigeenka agaasimaha guud ee Israa’iil u qaabilsan Afrika, Sharon Bar-li, oo ka soo baxay shirka Midowga Afrika ee ka dhacaya magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Israa’iil ayaa ku tilmaamay dhacdada mid “aad u daran”, isagoo xusay in Bar-li uu ahaa “goobjooge ka qeybgalkiisa la aqqoosan yahay, oo haysta calaamadda ka qeybgalka shirka”.

“Waa wax laga xumaado in la arko Midowga Midowga Afrika oo gacanta u galay tiro yar oo ka mid ah dowladaha xagjirka ah sida Aljeeriya iyo Koonfur Afrika, kuwaasi oo uu ku jiro naceyb, ayna maamusho Iran,” ayuu yiri afhayeenka.

Dawladaha Afrika waa in ay “ka hortagaan falalkan, kuwaasi oo dhaawacaya dhaqdhaqaaqa Midowga Afrika iyo guud ahaan qaaradda Afrika,” ayuu yiri afhayeenku.

Midowga Afrika ayaan ka jawaabin mar AFP ay arrintan wax ka weydiisay.

Afhayeenka Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa, Vincent Magwenya oo la weydiiyay eedda Israa’iil ee ah in Koonfur Afrika iyo Aljeeriya ay ka danbeysay in ergaygeeda laga ceyriyo shir madaxeedka ayaa u sheegay AFP, “Waa in ay caddeeyaan sheegashadooda.”

Israa’iil ayaa 2021-kii Midowga Afrika ka heshay maqaam goobjoogenimo ka dib tobanaan sano oo ay dadaal diblomaasiyadeed ku bixisay, tallaabadaasi oo ay ka soo horjeesteen dowlado awood leh oo ay ku jiraan Koonfur Afrika iyo Aljeeriya, kuwaasi oo ku dooday in taasi ay qarineyso bayaannada Midowga Afrika ee taageeraya Falastiiniyiinta.

Sannadkii hore, dood adag ayaa ka dhalatay aqoonsiga Israa’iil ee goobjoognimada shir madaxeedka Midowga Afrika, iyadoo Falastiiniyiintu ay ku boorrriyeen in lagala laabto.

Shir madaxeedkii 2022-kii ayaa hakiyay dood ku saabsan in aqoonsiga lagala laabto Israa’iil iyo in kale, iyadoo la unkay guddi arrintan loo xilsaaray.

Muranka ayaa ka dhashay markii Moussa Faki Mahamat, oo ah madaxa Guddiga Midowga Afrika, uu aqbalay maqaamka goobjoognimada Israa’iil, taasi oo dhalisay khilaaf naadir ah oo ka dhex dillaacay hay’addan qiimeysa is afgarad wadajir ah.

Midowga Afrika ma uusan sheegin haddii ajandaha sanadkan ay ku jirto in dood laga yeesho maqaamka Israa’iil ee ka qeybgalka shir madaxeedka Midowga Afrika.

Finland: Waxba kama qaban karno, hadii Turkigu codsigeena aqbalo.

0

Madaxweynaha dalka Finland  Sauli Niinistö ayaa sheegay in dowladiisu aysan diidi doonin ama istaajin karin, hadii dowlada Turkigu ay aqbasho codsiga Finland ee kamid noqoshada ururka Nato. Xitaa hadii aysan markaasi Turkigu aqbalin codsiga dalka Finland la codsaday ee Sweden.

Madaxweynaha finland ayaa hadalkan ka jeediyay shirweynaha amniga ee isbuucan ka socdo magaaladda Munich ee dalka Germany.

Dowlada Turkiga ayaa horey u sheegtay in ay aqbali doonto codsiga Finland ee kamid noqoshada ururka Nato, balse ay dib u hakineyso codsiga dowlada Sweden oo Turkigu ay ka tabanayaan eedo badan oo la xiriira balan fulin la aan iyo midii ugu danbeysay ee kitaabka quraanka kariimka ah lagu gubay afaafka hore ee safaradda Turkiga ee Sweden.

Finland oo si wadajir ah ay codsiga u wada xareysteen Sweden, ayaa hada u muuqato inay diyaar u tahay in kaligeed ay Nato kamid noqoto, hadii dowlada Turkigu ay hakiso ama diido codsiga dowlada Sweden.

Hadii Turkigu uu aqbalo codsiga Finland kahor inta aan laga shaqey codsiga Sweden, arrintaas waxbo kama qaban karno, ayuu sheegay madaxweynaha Finland Sauli Niinistö.

Xigasho/kilde: Finland: Får ikke gjort noe om Tyrkia godkjenner deres søknad.

Booliska Sweden oo ugu danbeyn diiday gubitaanka Kitaabka quraanka.

0

Booliska dalka Sweden ayaa diiday codsi loo soo dirsaday oo ku saabsanaa in kitaabka quraanka kariimka ah lagu gubo afaafka hore ee safaaradda Ciraaq ee dalka Sweden. Waxaa sidaas soo wariyay muuqaal-baahiyaha SVT.

Diidmaddan cusub ayaa noqoneyso midii labaad ee mudo hal isbuuc gudahiis ah ay bixiyaan booliska Sweden, iyaga oo maalmo kahor diiday in kitaabka quraanka kariimka ah lagu gubo afaafka hore ee safaaradda Turkiga ee Sweden.

Horey waxey caro xoogan oo ka timid dunida muslimka, gaar ahaan dowlada Turkiga, uga dhalatay markii booliska dalkaas ay ogolaadeen in kitaabka quraanka ah lagu gubo afaafka safaaradda Turkiga ee dalka Sweden.

Booliska ayaa diidmada ku sababeeyay in gubitaanka quraanka uu keeni karo inay kor u kacdo halista weeraro argagaxiso oo ka dhaca Sweden. Waxeyna boolisku sheegeen in gubitaankii hore loo gubay kitaabka quraanka ah ay keentay inay kor u kacdo khatarka ka dhanka Sweden ama danaha dowlada Sweden.

Sweden ayaa noqoneyso dalkii sadexaad ee dalalka Woqooyiga yurub ee diida gubitaanka quraanka kariimka ah. Horey booliska dalalka Norway iyo Finland ayaa u diiday in meel fagaare ah lagu gubo kitaabka qiimaha weyn ugu fadhiyo umadda muslimka ah ee quraanka kariimka ah.

Xigasho/kilde: Svensk politi innvilger ikke tillatelse til koranbrenning.

Shir: Madaxweynaha ururka Bisha CAS ee Soomaaliya oo Oslo imaanayo.

0

Dhowrkii bilood ee ugu danbeeyay, waxaa dalalka Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya ka jiray abaaro xoogan oo saameyn ba an ku yeeshay nolosha dadka iyo duunyadda kunool Soomaaliya. Waxaana jira gurmad tiro badan oo hey addaha kheyriga ah ee ka howlgala Soomaaliya, iyo kuwa gargaarka caalamiga ah ay u fidinayaan dadka ay waxyeelooyinku kasoo gaareen saameynta abaaraha.

Inkasta oo abaarta ay ka jirto dalalka Geeska Afrika oo dhan, gaar ahaan Kenya, Ethiopia iyo Soomaaliya, waxaase si gaar ah looga dareemayaa Soomaaliya oo aysan ka jirin dowlad xoogan oo dhaqaale ahaan awood u leh inay samatabixin u sameyso dadka Soomaaliyeed ee la dhibaateysan waxyeelooyinka abaaraha. Waxaana gudaha Soomaaliya ka jiro barakac xoogan, xili dad badan oo ku noolaa dhulalka baadiyaha ay usoo hayaameen dhulka magaalooyinka ka agdhow, kadib markii ay ka dhamaadeen duunyadii ay miyiga ku dhaqan jireen.

Maalinta sabtida ah ee isbuucan ( 18-ka Febraayo), waxaa magaaladda Oslo ka dhici doono kulan looga hadlayo xaaladda abaareed ee Soomaaliya iyo doorka ay qurbo-joogta Soomaaliyeed ka qaadan karto samatabixinta dadka soomaaliyeed ee ay sameeyeen abaaraha.

Kulanka oo ka dhici doono hoolka shirarka bisha cas( Rødekors) ee xaafadda Grønland, ayaa waxaa si wadajir ah u qaban-qaabinayo ururka Grace Center For Peace and Development  iyo hey adda Bisha Cas ee Norway. Waxaana kasoo qeybgali doono bulshada Soomaaliyeed ee Norway, iyo ururadda daneeya arrimaha Soomaaliya.

Faah-faahinta kulanka🙁 Halkan ka fiiri macluumaadka iyo barnaamijka/jadwalka kulanka)

Goobta: Hoolka shirarka hey adda Rødekurs ee xaafadda Grønland.

Cinwaanka: Adresska: Hausmanns gate 7, 0186 Oslo

Saacadda: 14:00-16:30.

Qatar oo guryihii yaryaraa ee Koobka Adduunka ugu deeqday dadkii ka badbaaday dhulgariirka

0

Dalka Qatar ayaa qorshaynaya inuu ugu deeqo dalka Turkiga, illaa 10,000 oo ah degsiimooyinkii yaryaraa ee loogu talo galay dadkii ka qayb gelayey koobkii dunida ee ka dhacay dalkaas iyo weliba gadiidkii martida qaadayey. Guryahan yaryar ayaa loogu talo galay inay hoy noqdaan, dadkii ay guryahoodu ku burbureen dhulgariirka.

Dalka Qatar ayaa sheegay inay mar walba qorshaynayeen inay guryahaan cid ugu deeqaan. Guryahan yaryar ee guurguura, ayaa hoy u ahaa, illaa 1.4 milyan oo qof oo ka qayb galay koobkii adduunka ee dalkaas ka dhacay.

Dufcaddii ugu horraysay oo gaadhaysay illaa 350 guryahaas yaryar ah ayaa la raray Axaddii, sida uu sheegay Sanduuqa Horumarinta ee dalka Qatar.

Dhulgariirka ku dhuftay dalalka Turkiga Syria, ayaa khasaaraha ugu badan gaadhsiiyey dhinaca Koonfureed ee dalka Turkiga. Guud ahaan khasaaraha dhimashada ayaa kor u dhaaftay illaa 41,000 oo qof.

Dalalka Khaliijka ayaa bilaabay inay taageero u fidiyaan dadka khasaaruhu ka soo gaadhay dhulgariirka Turkiga, Imaaraadka Carabta ayaa ku yaboohay $100 milyan oo dollar, halka dalka Sucuudiguna uu u kala diray Turkiga iyo Syria illaa 8 diyaaradood oo sida sahay kala duwan.

Xigasho/kilde: VOA SOMALI

Booliska oo 6 qof hal mar leysinka baabuurka ka qaaday.

0

Booliska magaaladda Oslo ayaa leysinka baabuurka hal mar, hal meel uga wada qaaday lix(6) dhalinyaro ah, kuwaas oo ku balamay in ay orodka baabuurta ku tartamaan waddada weyn ee E6.

Dad goob-joogayaal ah ayaa boolisku ku wargaliyay inay arkeen 6 ilaa 8 baabuur uu tartan orod ah ku jiro wadda dhexdeeda, wuxuuna falkaas ka dhacay waddada E6 ee koonfurta ka xigta magaaladda Oslo. Booliska oo ku baxay fariinta soo gaartay, ayaa 6-da baabuur ugu tagay kaalin shidaal ah.

Isla goobtaasba waxey boolisku leysinka baabuur wadista uga qaadeen lixdii darawal ee waday baabuurtaas, iyada oo lagu eedeeyay inay baabuurta ku wadeen xawaare xad ka bax ah oo gaaraya 180 km/saacadii.

Sharci ahaan, qofkii baabuurka ku wada wax ka badan 150km/saacadoo, iyada oo xawaaraha wadadu ay tahay 110 km/saacadii ugu badnaa, waxaa qofka si toos ah looga qaadaa leysinka baabuur wadista.

Xigasho/kilde: Seks sjåfører mistet førerkortet – samtidig.

Fariintan hadaad hesho, ogow arrintan ayaa dhacday.

0

Waxaa maanta Norway laga dhaqangaliyay nidaam cusub oo wargalin ah, kaas oo dhamaan dadka Norway kunool ee heysta mobiladda gacanta ay mobilkooda ku heli doonaan farin qoraal ah oo digniin xambaarsan, marka ay dhibaato ka dhacdo ama xaalad deg-deg ah ka jirto agagaarka goobta uu qofku markaas ku suganyahay.

ku dhawaad 90% dadka Norway kunool ayuu adeegan cusub gaari doonaa, sida ay sheegtay dowladu. Waxaana fariintan heli karo qofka heysto adeega internetka ee 4G ama 5G, sidoo kale heysto mobilada gacanta ee casriga ah. Fariinta kadib, waxaa qeylin doono ama dhawaaq digniin ah oo ka yeeri doonaa mobilka gacanta ee qofka, xitaa hadii uu codka ka xiranyahay mobilka( Silent).

Norway waxaa horey looga adeegsan jiray digniinta hoonka dheer ama sameecado waaweyn oo qofka uga digi jiray marka ay wax dhacaan. Nidaamka cusub ayaa kaabi doono nidaamkii hore, wuxuuna noqon doonaa mid qofka siiya digniin kusoo gaarta hab fariin qoraal ah.

Fariinta digniinta ah ee qofku uu heli doono ayaa qofka u sheegeysa arrinta dhacday, iyo waxa ay tahay inuu sameeyo markaas.

Nidaamka cusub ee digniinta ah ayaa bilowga qofka uga digi doono fariin khuseyso dalka oo dhan, balse waxaa dhawaan lagu soo kordhin doonaa in fariimaha qofka usoo dhacaya ay noqon karaan kuwa khuseeyo gobolo ama deegaamo gaar ah.

Xigasho/kilde: Slik skal du få varsel i krise.

error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.