mandag, mars 18, 2024

Jawaab: Maalinta ciida ah qofkii shaqada fasax ka qaato, mushaar ma leeyahay?

Waxaa lagu gudo jiraa, maalintii afaraadna mareyso bisha barakeysan ee Ramadaan. Dalkan Norway waxaa kunool kumanaan soomaali iyo muslimiin kale ah, kuwaas oo ka shaqeeyo dhamaan qeybaha kale duwan ee shaqooyinka dalkan Norway.

Su aal marar badan soo noq-noqotay ayaa ah, in qofka muslimka ah ee shaqeeyo uu xaq u leeyahay in shaqada fasax laga siiyo maalinta ciida ah, si uu waqti ula qaato qoyskiisa, saaxiibadiisa iyo bulshada inteeda kaleba. Iyo in qofka fasaxa la siiyay uu xaq u leeyahay inuu helo mushaarkiisii maalintaas fasaxa la siiyay.

Qofku xaq ayuu u leeyahay in la fasaxo, balse mushaarku goobta shaqada ayay ku xirantahay:

Su aal arrintaas ku saabsan ayay NorSom News weydiisay gudoomiyaha Golaha islaamka Norway( IRN) oo marti noogu ahaa Studio-yaha NorSom TV ee Oslo. Wuxuuna madaxa IRN ku jawaabay in sida caadiga ah qofka muslimka ah ee shaqeeyo uu xaq u leeyahay in fasax uu helo maalmaha ciidaha, balse ay muhiim tahay inuu sii sheego xili hore oo munaasab ah, si goobta shaqadu ay u hesho qofkii badali lahaa maalintaas shaqada.

Caqabadda dad badan qabsan jirtay ayaa ah inaysan ogeyn maalinta ay ciida ku beegantahay, arrintaas oo ah in maalin ama 2 maalin kahor ay sheegaan inay shaqada fasax uga baahanyihiin. Arrintaas oo keeneyso in mararka qaarkood ay adkaato in qofka fasax laga siiyo shaqada, xitaa asaga oo xaq u leh.

Arrinta in qofku uu xaq u leeyahay inuu helo mushaarkiisa maalintaas fasaxa, ayaa ah mid ku xiran goobta shaqada, iyo nooca shaqada, sidoo kale xiriir wanaaga ka dhaxeeyo goobta shaqada iyo qofka shaqeeyo.

Goobaha shaqooyinka qaarkood ayaa qofka fasaxa u helay maalinta ciida siiya mushaarkiisa oo buuxo maalintaas, balse gadaal ka codsado inuu sameeyo shaqooyin dheeri kale, si uu u kabo maqnaanshihii maalintaas. Halka kuwa qaarkoodna aysan qofka siin mushaar maalintaas uu fasaxa ku maqanyahay.

Hoos ka daawo wareysiga buuxa oo ku saabsan duruufaha soonka iyo soomaalida Norway.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x