torsdag, mai 2, 2024

Booliska: Waxaan ku rajo qabnaa inaan xalino kiiska dilka A.H.U Xamse Xaashi Aadan

Booliska magaalada Oslo ayaa maanta soo bandhigay magaca iyo sawirka wiilkii soomaaliga ahaa ee habeenkii khamiista lagu dilay magaalada Oslo, gaar ahaan xaafada Mortensrud.

Booliska oo ogolaansho ka heysta qoyska marxuumka iyo qareenkooda, ayaa xaqiijiyay in 20-jirkii habeenkii khamiista aheyd lagu dilay agagaarka iskuulka Lofsrud uu ahaa Xamse Xaashi Aadan. Waxeyna sidoo kale maanta sheegeen in ilaa hada aan kiiskan dilka ah loo soo qabanin qofna, inkasta oo ay sheegeen inay wadaan baaritaano xoogan oo arintaas la xiriirto. Dhawaana ay ku rajo qabaan inay ka salgaaraan natiijada kiiskan dilka naxdinta lahaa ee gilgilay xaafada Mortensrud iyo guud ahaan magaalada Oslo.

Marxuumka oo 20 sano jir ahaa ayaa habeenkii khamiista lagu toogtay xaafada Montensrud, waxaana isaga oo dhaawac daran ah la geeyay isbitaalka Oslo, halkaas oo uu ku geeriyooday maalintii danbe ee jimcaha aheyd.

John Christian Elden oo ah qareenka qoyska marxuumka ayaa sheegay in qoysku ay aaminsanyihiin in wiilkoodu uusan aheyn bar tilmaameedka tooska ah ee falkan toogashada ah, maadaama aysan jirin wax keeni karay in wiilkoodu uu noqdo bal tilmaameed dil ah.

Grete Lien Metlid oo ah madaxa qeybta baaritaanka booliska Oslo ayaa sheegtay in ilaa hada aysan boolisku saxaafada la wadaagi karin qaabka uu falkaas u dhacay iyo sababta midna, maadaama ay wali wadaan baaritaanka kiiskan. Waxeyna xaqiijisay in goobta uu falkaas ka dhacay ay ku sugnaayeen dad kale, ayna dadka dariska ah maqleen dhowr xabadood oo halkaas ka dhacay.

Dhinaca kale waxaa maalintii sabtida isku soo bax balaaran oo xus loogu sameynayo Xamse lagu qabtay xaafada Mortensrud, waxaana kasoo qeybgalay boqolaal qof oo ka kala yimid dhamaan xaafadaha magaalada Oslo, iyo siyaasiyiin katirsan golaha deegaanka Oslo.

Xigasho/kilde: Politiet om Mortensrud-drapet: – God tro på oppklaring

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x