torsdag, april 25, 2024

Sweden: Meydka haweenay Norwiiji ah oo talaagad laga helay.

Sida ay xaqiijiyeen booliska dalka Sweden, waxaa guri kuyaal deegaanka Bergslagen ee dalka Sweden laga helay meydka haweenay Norwiiji ah oo la weysanaa mudo aad u dheer. Qeybo kamid ah jirka haweeneyda geeriyooday ayaa waxaa laga dhex helay qaboojiye dhexyaal guriga, sida ay boolisku xaqiijiyeen.

Falkan waxaa xabsiga loo dhigay ninka guriga degenaa, oo la sheegay in isaguna uu yahay nin Norwiiji ah. Haweeneyda meydkeeda la helay in ninka loo xiray falkan ayaa Norway ka wada guuray sanado kahor, waxeyna degeen dalka Sweden.

Booliska ayaa sheegay inay heleen xogta ku saabsan in meydka haweeneydan la weysanaa uu ku dhex jiro qaboojiyaha guriga yaalo. Booliska oo xogtaas ku howlgalay ayaana qaboojiyaha kasoo dhex saaray meydka haweeneyda oo sanado badan meeshaas ku jiray.

Hey addaha amnigu ma xaqiijin nooca xiriir ee ka dhaxeeya ninka rasmi ahaan falka loogu eedeeyay iyo haweeneyda meydkeeda la helay, balse boolisku waxey sheegeen in ninka la qabtay uu yahay nin ay horey boolisku aqoon ugu lahaayeen.

Xigasho/kilde: Aftonbladet: Norsk kvinne funnet død i fryser i Sverige – var forsvunnet i åtte år.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x