fredag, mars 29, 2024

Mid kamid walaalihii ku eedeysnaa dilka Xamse Xaashi oo Turkiga laga soo qabtay.

Sida ay shir jaraa´id shaley ku xaqiijiyeen booliska Oslo, waxaa dalka Turkiga laga soo qabtay mid kamid ah labadii nin ee walaalaha ahaa ee ku eedeysnaa dilka Allah ha u naxariistee Xamse Xaashi Aadan oo ahaa wiil dhalinyaro soomaali ah oo bishii Oktober ee sanadkii 2021 lagu dilay xaafada Mortensrud ee Oslo.

Xamse oo ahaa wiil aad looga yaqaanay xaafadda uu ku noolaa ee Mortensrud iyo aageeda, saameyna ku lahaa dadka deegaan ayaa waxaa Todobadda(7) bishii November ee sanadkii 2021 xili fiidnimo ah lagu dilay meel barxad ah, isaga oo markaas la joogay dhalinyaro kale. Wuxuuna dilkiisu argagax weyn ku abuuray dadka deegaanka, oo boqolaal isugu soo baxay duugiitiisii.

Booliska ayaa maalmo kadib marka uu dilka dhacay, waxa ay falka dilka ah ee Xamse ku eedeeyeen inay ka danbeeyaan labo(2) nin oo walaalo ah oo u dhalatay dalka Kosovo, balse heysta dhalashada Norway. Labaddan nin ayaana labo maalin kadib markii uu dilka dhacay ka baxsaday Norway, waxeyna u safreen dalka Kosovo. Halka kasii akhri. Booliska ayaana ilaa xiligaas ku guuleysan soo qabashada raggan oo maxkamadda Oslo ay amartay in lasoo qabto, si loogu maxkamadeeyo dilka Xamse.

Midkii weynaa ayaa lasoo qabtay:

Booliska ayaa shir jaraa´id oo ay qabteen Talaadadii isbuucan xaqiijiyay in ugu danbey ay gacanta kusoo dhigeen mid kamid ah walaalahii ku eedeysnaa dilka Xamse, kaas oo laga soo qabtay dalka Turkiga. Waxaana loo soo wareejiyay dalka Norway, iyada oo maalintii Talaadadda ay Oslo kasoo degtay diyaaradda waday eedeysanaha.

Ninka ay boolisku soo qabteen ayay sheegeen inuu yahay midka da´ahaan weynaa walaalaha ku eedeysnaa dilka Xamse. Waxaana laga qabtay dalka Turkiga, halkaas oo uu ku joogay qaab sharci daro ah. Booliska Norway ayaana ninkan horey warbixintiisa ugu gudbiyay hey addaha booliska kale ee caalamka.

Booliska ayaa wali ku raad-jooga ninka kale ee ku eedeysan falka dilka ah ee xamse loo geystay.

Xigasho/kilde: Politiet bekrefter pågripelse av siktet etter drap på Mortensrud i 2021

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x