torsdag, mars 28, 2024

Deg-deg: Labadan nin ee walaalaha ayaa loo raadinayaa dilkii Xamse Xaashi Aadan.

Booliska magaalada Oslo ayaa maanta soo bandhigay sawiradda iyo magacyada labo nin oo walaalo ah, kuwaas oo ku eedeysan inay ku lug leeyihiin dilkii 7-dii bishan Oktoobar magaalada Oslo loogu geystay Alle ha u naxariistee Xamse Xaashi Aadan oo ahaa 20 sano soomaali ah.

Valon Avdyli( 35 sano jir) iyo Visar Avdyli( 32 sano jir) oo walaalo ah ayay boolisku sheegeen in loo raadinayo dilka Xamse, waxaana labadan oo ka baxsaday Norway warbixintooda loo gudbiyay dhamaan hey´addaha booliska caalamka. Waxeyna Norway dalbatay in lagu gacan siiyo sidii labadaas nin gacanta loogu dhigi lahaa, looguna soo celin lahaa Norway.

Booliska ayaa cadeeyay in labadan nin ay Oslo ka baxeen sagaalka(9) bishii October(10), labo maalin kadib markii marxuumka lagu toogtay xaafada Mortensrud ee magaalada Oslo. Waxeyna diyaarad u qaateen magaalada Pristina ee dalka Kosovo. Xiligaas labadooduba ma aysan aheyn eedeysanayaal, sida ay sheegeen boolisku.

Horey ayaa loogu xukumay danbiyo argagaxiso:

Labada nin ee walaalaha ayaa horey loogu xukumay danbiyo la xiriira argagaxiso, wuxuuna midkood kamid ahaa dagaalyahanada ururka Daacish, halka kan kalena lagu helay danbi la xiriira inuu lacag u diray urur argagaxiso ah.

Valon Avdyli( 35 sano jir) oo ah labada nin ee walaalaha kan weyn ayaa sanadkii 2016 lagu xukumay afar(4) sano iyo bar xabsi ah, kadib markii lagu helay danbi ah inuu usoo dagaalamay kooxda Daacish. Halka Visar Avdyli( 32 sano jir) loo xukumay inuu taageero dhaqaale u diray urur argagaxiso, waxaana lagu xukumay sideed(8) bilood oo xabsi ah.

Booliska ayaa dhanka kale sheegay ineysan jirin wax ilaa hada la ogyahay oo xiriir ah oo ka dhaxeeyo danbiyada argagaxiso ee nimankan horey loogu eedeeyay, iyo danbiga hada ay ku eedeysanyihiin ee ah dilka Xamse Xaashi Aadan.

Qareenka labadan nin ay dowladu u magacowday ayaa sheegay in eedeysanaashu, ay iska fogeeyeen danbiga loo heysto. Waxeyna sheegeen ineysan wax lug ah ku laheyn falkaas, sida uu qareenkoodu u sheegay TV2.

Marka laga tago labadan nin, waxaa jimcihii lasoo dhaafay xaafada Grønland ee magaalada Oslo lagu qabtay nin 41-sano jir ah oo ku eedeysan inuu qeyb ka ahaa falka lagu dilay Xamse. Halkan ka akhri.

Xigasho/kilde: Etterlyser terrordømte brødre etter Mortensrud-drapet.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x