lørdag, april 27, 2024

Kalenderka: Ramadaanka oo maalinta khamiista ah ka bilaaban doono Norway.

Maalinta Khamiista ah waxaa inta badan caalamka oo dhan, gaar ahaan dunidda muslimka laga wada sugayaa bilaabashada bisha barakeysan ee Ramadaan ama soon-qaad.

Wali lama xaqiijin dal kamid ah dunidda muslimka oo caawa oo arbaco ay soo galeyso laga arkay bisha Ramadaan, waxaana sidaas darteed ay u badantahay( hadii aysan caawa wax isbadalin) in maalinta Khamiista ah ay noqon doonto maalinta koowaad ee bisha bakareysan ee Ramadaan.

Norway: Habraac iyo Jaantus-taariikheed(Kalender) gaar ah:

Inta badan Ururadda, xarunaha diimaha iyo masaajidadda muslimiinta dalkan Norway ayaa sanado kahor isku raacay in la mideeyo waqtiyadda salaadda iyo soonka. Waxeyna soo saareen jadwal mideynayo xiliga sanad walba oo bilaabanayo soonka, iyo maalinta ciida ah.

Hadaba hadii la tixraaco jaantus-taariikheedka ay ku heshiiyeen ururadda islaamka Norway ee magaciisa yahay HIJRIKALENDER(HALKAN KA FIIRI), Maalinta khamiista ah ee bisha Maarso ay tahay 23, ayaa ah maalinta koowaad ee bisha Barakeysan ee Soonqaad.

Ururadda iyo xarumaha diimaha ee ku midoobay jadwalkan ayaa sheegay in arrintan ay u sameeyeen, si looga badbaado kala duwanaanshaha soo noq-noqday ee muslimiinta Norway ay ku kala duwanyihiin xiliyaddaha salaadaha, soonka iyo ciidaha. Taas oo qofka Muslimka ah ee Norway kunool u keenta caqabado dhanka shaqada, waxbarashada iyo u fasax-qaadista caruurta ee xarumaha xanaanadda ah.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x