torsdag, mars 28, 2024

Norway oo ah dalka dadkiisu ugu qanaacaad yaryihiin dalalka Nordica.

Sanad walba Qaramadda midoobay ayaa qiimeyn ku sameysa dalalka dadkiisu ugu qanacsanyihiin aduunka ama ugu ay faraxsanyihiin nolosha. Waxaa inta badan boosaska koowaad gala dalalka Nordica ee dhaca cirifka woqooyi ee dunidda.

Waxyaabaha la qiimeeyo qanacsanaanta ayaa waxaa kamid ah heerka nolosha dadweynaha dalkaas, helitaanka adeegyadda aas-aasiga ah ee nolosha sida waxbarasho, caafimaad, amni, howlgabka iyo isgaarsiinta. Sidoo kale fursaddaha helitaanka shaqooyinka iyo adeegyadda kale ee la xiriira

Finland ayaa markii lixaad(6) oo isku xigta noqotay dalka ku jira booska koowaad ee dadkiisu ugu qanacsanyihiin, halka Norway ay gashay booska todobaad(7) oo ah booska ugu danbeeyo dalalka Nordica. Norway ayaa dhowrkii sano ee ugu danbeeyay hoos usii dhaceysay qiimeynta, waxaana arrintaas lagu fasiray isbadalo bulsho iyo dhaqan-dhaqaale oo ka jira ama ka dhacay Norway.

Sababaha hoos u dhaca u keenay Norway, ayaa waxaa lagu sheegay inay kamid yihiin dhaqaale xumi soo wajahday qeybo kamid ah qeybaha bulshada Norway, iyo feyruskii korona.

Dalalka Denmark ayaa ku jira booska labaad(2) ee dalalka dadkiisu ugu qanacsanyihiin aduunka, halka Sweden ay ku jirto booska lixaad. Dalalka kale ee ku jira waxaa kamid ah: Finland(1), Denmark(2), Island/3), Israel(4), Holland(6), Sweden(6), Norway(7) Switzerland(8), Luxembourg(9) iyo New-Zealand(10).

Sideed(8) kamid ah tobanka(10) dalk ee ugu horeeyay liiskan ayaa ku yaal qaaradda Yurub, marka laga reeyo Israeil iyo New-Zealand.

Xigasho/kilde: Norge er det minst lykkelige landet i Norden – Finland topper listen

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x