fredag, mars 29, 2024

Turkiga oo kala reebay Finland iyo Sweden: Finland oo ogolaansho heshay.

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Jimcihii sheegay inay dawladdiisu ay taageeri doonto ansixinta xubinimada Finland ee Isbahaysiga NATO, taasoo u fududaynaysa in dalkaasi uu xubin buuxda ka noqdo NATO.

Hadalkan ayaa ku soo beegmay iyada oo uu dalka Turkiga ku sugan yahay madaxweynaha Finland Sauli Niinisto, isaga oo la kulmay madaxweyne Erdogan. Sweden iyo Finland ayaa hore u codsaday ka mid noqoshada isbahaysiga NATO, muddo haatan laga joogo toban bilood, iyaga oo tobanaan sano ku soo dhaqmayey siyaasado dhexdhexaad ah.

Xubnaha cusub ee ku biiraya NATO ayaa looga baahan yahay inay ansixiyaan dhammaan 30-ka dal ee xubnaha ka ah, waxaana codsigooda ka horyimi dalalka Hungary iyo Turkey, iyada oo dalalka kale ay ogolaadeen.

Turkiga ayaa labadan dal ku eedeeyey inay gabbaad siiyaan ururo uu Turkigu u arko inay argagixiso yihiin, isaga oo si gaar ah farta ugu sii fiiqay dalka Sweden.

Ogolaanshaha xukuumadda Turkiga ka dib, haatan waxaa la filayaa in baarlamaanka dalka Turkigu inuu ansixiyo arjiga Finland, waxaana la filayaa in tallaabadani ay dhammaato ka hor doorashada madaxtinimada ee dalka Turkiga ee dhacaysa bisha May 14-keeda.

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in ogolaanshaha Turkiga ee arjiga Sweden inay ku xidhan tahay, tallaabooyinka ay qaaddo xukuumadda dalkaasi.

Xigasho/kilde: VOA-SOMALI

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x