torsdag, april 25, 2024

Maryan oo beri noqon karto mid kamid ah siyaasiyiinta ugu awooda badan Norway.

Xisbiga SV ayaa berito oo sabti ah yeelan doono shirweynaha guud ee xisbiga, halkaas oo lagu dooran doono gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenadda xisbiga SV. Maryan Cabsi Xuseen oo ah xildhibaan katirsan baarlamaanka Norway ayaa kamid ah dadka ugu cad-cad inay ku guuleystaan kursiga awooda badan ee gudoomiye ku xigeenka xisbiga SV.

Kirsti Bergstø ayaa sida hadaba cad noqon doonto gudoomiyaha xisbiga gudoomiyaha badali doono Audun Lysbakken oo xilka gudoomiye baneynayo. Booska gudoomiye ku xigeenka koowaad waxaa iyadana sidoo kale loo doortay Torgeir Knag Fylkesnes oo waa lagu kala baxay, Balse wuxuu wali tartan adag ka jiraa kursiga gudoomiye ku xigeenka oo ay tartan ugu jiraan Xildhibaan Maryan Xuseen iyo Lars Haltbrekken oo isagana ka tirsan baarlamaanka.

Gudiga doorashada oo todobo qof ka kooban ayaa ku kala qeybsan qofka noqon doono gudoomiye ku xigeenka xisbiga labaad ee xisbiga, waxaana afar(4) ay doorteen Lars Haltbrekken, halka sadex(3) kamid ah ay doorteen Maryan Cabdi Xuseen.

Inkasta oo Lars uu da´ahaan iyo khibrad-siyaasadeed ahaanba ka weynyahay Maryan, hadana dad badan oo xisbiga katirsan ayaa aad u rabo in Maryan ay ku guuleysato booskaas. Xildhibaan Maryan ayaa ah qofkii ugu horeeyay ee dal Afrikan ah kasoo jeedo ee kamid noqdo baarlamaanka Norway.

Maryan oo wareysi siisay warbaahinta ayaa sheegtay inay niyad-wanaag ku qabto inay ku guuleysan karto booska gudoomiye ku xigeenka oo aad muhiim ugu ah xisbiga, saameyn siyaasadeed oo fiicana ku leh xisbiga oo xiligan taageero u ah xukuumadda talada heysa.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x