Maxkamada sare oo mudada xabsiga usii kordhisay eedeysane Keshvari.

0
78
Foto: NRK/SKJERM

Maxkamada sare ee dalkan Norway ayaa maanta 11 bilood oo xabsi ah ku xukuntay Mezyar Keshvari oo ah siyaasi horey uga tirsanaa xisbiga midigta fog, kana tirsanaa xubnaha baarlamaanka Norway. Keshvari ayaa maxkamada sare u gudbiyay cabasho ku saabsan xukun hore loogu xukumay oo 7 bilood ahaa, isaga oo rajo ka qabay in loo fududeeyo.

Balse maxkamada sare ayaa Keshvari xukunkii hore ee 7-da bilood ahaa ugu dartay 4 bilood oo kale, wuxuuna hada isku dar ku xukumanyahay 11 bilood oo xabsi ah.

Keshvari ayaa loo xukumay danbi la xiriira wax is daba marin iyo khiyaano dhaqaale, isaga oo lacag gaareyso 450.000 ka khiyaanay golaha baarlamaanka Norway oo uu katirsanaa. Wuxuuna qirtay inuu baarlamaanka usoo gudbin jiray warqado safar oo been ah, si loo siiyo qarashaadka ay baarlamaanka ugu talagaleen xildhibaanada safarada shaqa u baxa. Halkan kasii akhri

Xigasho/kilde: Keshvari får strengere straff – dømt til elleve måneders fengsel.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments