Keshvari oo maanta ay maxkamad xabsi ku xukuntay.

0
111
Foto: NRK/SKJERM

Afhayeenkii hore ee arrimaha soo galootiga xisbiga Frp, ahna xubin katirsan baarlamaanka Norway, ayaa maanta lagu xukumay 7 bilood oo xabsi ah. Kadib markii maxkamada Nedre Romerike ay ku heshay danbi la xiriira wax is dabamarin dhaqaale oo halis ah.

Keshvari ayaa ku eedeysnaa inuu baarlamaanka Norway ka khiyaanay lacag gaareyso 450.000 kr, taas oo si aan sharci aheyn uu baarlamaanka uga qaadan jiray. Wuxuuna gudiga dhaqaalaha baarlamaanka u diri jiray warqado been abuur ah oo ku saabsan safaro uu galay, waxeyna usoo celin jireen lacag uusan xaq u laheyn.

Xildhibaan Keshvari ayaa qirtay xukunka lagu soo oogay, wuxuuna dib u celiyay lacagtii uu baarlamaanka ka qaatay oo dhaneyd 450.000 kr.

Xeer ilaalinta ayaa horey u dalbatay in sanad iyo bar xabsi ah lagu xukumo Keshvari, balse maxkamada ayaa maanta ku xukuntay 7 bilood oo xabsi ah.

Keshvari ayaa isbuucii hore sheegay inuu isaga baxay xisbiga Frp, uusana raadsan doonin jago danbe oo siyaasadeed.

Marka laga tago xukunkan, waxaa keshvari sugeyso maxkamad kale oo ku saabsan dacwad la xiriirta hanjabaad dil oo uu sanadkii hore u geystay qof haweenay ah.

Xigasho/kilde: Mazyar Keshvari dømt til sju måneders fengsel

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments