Norway: Ruushka ayaa jabsaday computerada baarlamaanka Norway.

0
80
Foto: MIKHAIL KLIMENTYEV / Sputnik

Dhamaadka bishii august ee sanadkan 2020, waxaa loo dhacay oo la jabsaday qeybta computerada ee aqalka baarlamaanka Norway. Waxeyna laamaha sirdoonka dalkan Norway tuhmayeen in arrintaas ay ku leg leeyihiin hey´addaha sirdoonka dalal kale oo raadinayo inay helaan xogaha ay isweydaarsadaan xubnaha baarlamaanka Norway.

Wasaaradda arrimaha dibadda dalkan Norway ayaa shaley sheegtay in qiimeyn dheer kadib, ay tuhmayaan in weerarkaas ay ka danbeysay dowlada dalka Ruushka ee dariska la ah Norway. Waxeyna noqoneysaa markii ugu horeysay ee Norway ay eedeyn cad oo toos ah usoo jeediso dowlada Ruushka oo horey looga qabay tuhuno badan.

Wasiiradda arrimaha dibadda Norway, Ine Eriksen Søreide ayaa shaley sheegtay in weerarkaas uu ahaa mid culus oo lagu soo qaaday mid kamid ah tiirarka dimuqraadiyaha dalkan Norway, oo ah aqalka baarlamaanka.

Dowlada Ruushka ayaa dhankeeda iska fogeysay eedeynta loo jeediyay, waxeyna sheegtay inay tahay mid mala-awaal ah oo xaqiiqada ku dhisneyn. Iyaga kasii digay in arintan ay xumeyn karto xiriirka labada dowladood.

Wasaaradda arrimaha dibadda Norway ayaa shaley u yeertay safiirka Ruushka ee Norway, si su aalo looga weydiiyo dhacdadan.

Xigasho/kilde: Russland reagerer kraftig på at de beskyldes for å stå bak datainnbruddet på Stortinget og forventer svar fra norsk side..

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments