Waxaan qabanay daawooyinka la isku cadeeyo oo Norway dhuumasho lagu soo galiyo.

0
93
Foto: Ilustraion

Waaxda ilaalaha xuduudaha Norway ayaa sheegtay in sanadkii lasoo dhaafay ee 2019 ay xuduudaha Norway ka qabteen boqolaal nooc oo daawooyinka la isku cadeeyo ah, kuwaas oo Norway mamnuuc ka ah.

Waaxda canshuuraha ayaa sheegtay in sanadkii hore ay baaritaan aan lasii sheegin ay ku tageen dukaamada qaarkood, iyaga oo sheegay inay 27 dukaan oo kamid ah 5o dukaan oo baareen ay si qarsoodi ah u iibinayeen daawooyinka la isku cadeeyo. Macaamiisha ugu badan ee daawooyinkan iibsada ayaa lagu sheegay inay yihiin dumarka ajaaniibta ee kasoo jeedo wadamada Africa, Latin Amerika iyo qeybiyo Aasiya kamid ah.

Daawooyinkan ayaa waxaa qaarkood ku jirto maadooyin sun ah oo laga sameeyo curiyaha loo yaqaan «Mercury», kaas oo dhaawac halis ah gaarsiin kara xubnaha jirka qofka bini-aadamka. Gaar ahaan kalyaha, neerfaha iyo difaaca jirka. Sidoo kale laga dhexlo wel-wel badan oo qofka ku keeno inuu bulshada iska takooro ama ka soocmo.

Waaxda canshuurasha ayaa ganaax gaaraya 180.000 dulsaartay dad lagu qabtay iibinta daawooyinka iyo kareemada mamnuuca ah ee la isku cadeeyo.

Xigasho/kilde: Helsefarlige hublekekremer smugles inn i Norge og selges under disk.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments