Baarlamaanka Norway oo isku raacay mamnuucista guurka ilma adeerada/Abtiga.

0
282
Foto: Stortinget.no

Sadexda xisbi ee Ap, Frp iyo Sp ayaa maanta isku waafaqay gudbinta sharci dhawaan la horgeyn doono baarlamaanka Norway, kaas oo ku saabsan in la mamnuuco guurka dhexmarada labada qof ee ilmo adeerka ama ilma abtiga isku ah. Sadexdan xisbi isku dar baarlamaanka Norway ku leh ayaa tiro aqlabiyad xildhibaano ah oo ay ku meelmarin karaan sharcigan.

Xisbiga Høyre oo markii hore taageersanaa soo jeedeyntan, ayaa arrimo farsamo darteed maanta u sheegay inay kasoo horjeedsadeen xeerkan ay sadexda xisbi rabaan inay baarlamaaanka u gudbiyaan.

Labada xisbi ee Frp iyp Ap ayaa hada isku heysta qaadashada sharafta xeerkan la gudbiyay. Frp ayaa aaminsan in qorshaha lagu gudbiyay sharcigan uu ahaa mid ay iyagu ka danbeeyeen, halka Ap ay iyagu dhinacooda ka sheegayaan guusha gudbinta sharcigan.

Booliska Norway ayaa horey u codsaday in la mamnuuco guurka dhexmara dadka ilmo adeerada ah ama ilmo abtiga ah, si looga hortago arrimo ay kamid yihiin guurka qasabka ah, dadka si sharci darada ah Norway lagu keeno iyo arrimo kale. Halkan kasii akhri.

Xigasho/kilde: Stortingsflertall forbyr søskenbarnekteskap.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments