Skien: 16 sano kadib, ayaa hooyadan soomaalida iyo caruurteeda lagu amray inay Norway ka baxaan.

0
163

Sida uu qoray wargeyska lokalka ah ee Varden ee kasoo baxa magaalada Skien ee gobolka Telemerk, hooyo soomaali ah, ninkeeda iyo 5 caruur ah oo ay dhaleen oo dhamaantood Norway ku dhashay, ayaa lagu amray inay dalka isaga baxaan, kadib markii hooyada lagu qabsaday inay ka been-sheegtay aqoonsigeeda shaqsiga ah.

Sida uu qoray wargeyska Varden, hooyadan oo 36 sano jir ah ayaa Norway soo gashay 16 sano Norway kahor(sanadkii 2004). Waxeyna markii ay magangalyada codsaneysay sheegatay ama isku dhiibtay inay kasoo jeedo dalka Soomaaliya, iyada oo gadaal ay kasoo baxday inay kasoo jeedo dalka Jabuuti ee Soomaaliya dariska la ah.

Hooyadan soomaalida ayaa Norway ku dhashay shan caruur ah oo da´ahaan kala jiro 2, 5, 6, 8 iyo 9 sano. Waxeyna markii danbe qiratay inay macluumaad aan sax aheyn ay siisay hey´addaha qoxootiga, si ay u hesho sharciga magangalyada, kan degenaaanshaha iyo markii danbena kan dhalashada Norway.

Balse waxey sheegtay inay jireen arrimo qoys oo iyada u gaar ahaa, oo markaas ku qasbayay inay kasoo cararto dalkeeda Jibuuti. Ayna baasaboor soomaali ah ka iibiyeen dadka ka shaqeeya tahriibinta dadka.

UDI: Qoyska dhan wadanka haka baxaan.

Sida uu qoray wargeyska Varden, booliska ayaa codsaday in 120 maalmood oo xabsi shuruudeysan ah(betinget) lagu xukumo hooyadan, iyaga oo ku eedeeyay inay been soo noq-noqotay u sheegtay hey´addaha dowlada. Balse maxkamada ayaa rumeysatay sharaxaada hooyadan, waxaana laga cafiyay mudada ciqaabta xabsiga.

Hey´adda qoxootiga ayaa bishii Juni ee sanadkan hooyadan, shanteeda caruurta ah iyo ninkeeda ku amartay inay dalka isaga baxaan, kuna noqdaan dalka Jabuuti. Waxaana loo sii raaciyay go´aan ah inaysan abidkood Norway dib ugu soo noqon karin.

Qoyska ayaa racfaan ka qaatay go´aanka Hey´adda UDI-da. Waxeyna hooyada soomaalida ah sheegtay in ninkeedu uu kamid yahay mucaaradka dowlada Jabuuti, ayna dhibaato kala kulmi doonaanH xukuumada dalkaas, hadii ay Jabuuti ku noqdaan.

Wargeyska ayaa qoray in markii ay UDI-du bilowday ka shaqeynta kiiskan ay hooyadan iyo ilmaheedu ay ku maqnaayeen dalka Canada, balse ay gadaal danbe hadana kusoo noqdeen Norway.

Xigasho/kilde: Fembarnsmor løy om hvor hun kom fra i 16 år. Nå blir hele familien kastet ut.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments