Norway: 270 qof oo 24-tii saac ugu danbeysay laga helay Corona.

0
77
Foto: FHI

24-tii saac ee ugu danbeysay waxaa dalkan Norway laga diiwaangaliyay 270 qof oo laga helay xanuunka Corona, kuwaas oo 79 kamid ah ay Oslo kunoolyihiin. Tirada ayaa noqoneyso midii ugu sareysay ee la diiwaangaliyo tan iyo bishii Maarso.

Magaalada Oslo ayaa ah meesha ugu badan ee laga diiwaangaliyo dadka laga helay xanuunka Corona-virus. Waxaana soo labeeyo magaalada Bergen.

Labadii maalmood ee ugu danbeysay waxaa sidoo kale isbitaalka la dhigay 15 qof oo uu soo ritay xanuunka Coronavirus. Tirada dadka isbitaalka u jiifa xanuunka Corona virus ayaa hada ah 44 qof.

Hey´addaha caafimaadka ayaa ka digaya tirada sii kordheyso ee xanuunka, xili dalalka kale ee Yurub ay si xawli ah kor u kaceyso tirada dadka sida maalinlaha ah looga helayo xanuunka Corona.

Xigasho/kilde: 270 nye smittede i Norge: – Tydelig at vi må gjøre endringer.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments