Booliska: Waxaan rabnaa in la mumnuuco guurka ilmo-adeerada/Habreedka.

0
172

Sida uu qoray wargeyska NRK, booliska magaalada Oslo ayaa warqad codsi ah oo ay u gudbiyeen xafiiska xeer ilaaliyaha Oslo ku dalbaday in la mamnuuco guurka dhexmara labada qof ee ilma adeerka ama ilma habreedka ah.

Booliska ayaa arintaas ku sababeeyay inay ka hortagi karto cadaadiska dhalinyarada lagu saaro guursiga qoyska dhexdiisa ah iyo in waalidku ay ilmaha u go´aamiyaan qofka ay guursan lahaayeen, iyada aan talada guurka wax laga siin qofka ay khuseyso, balse qoysasku ay dhexdooda ka heshiiyaan.

Booliska ayaa dokumentiga codsiga ah oo ay xeer ilaaliyaha u direen ku sheegay in marka laga tago dhibaatooyinka caafimaad ee ka dhasha isguursiga labada qof ee ilmo adeerka ah, ay sidoo kale jirto falal jirdil, hanjabaad iyo xitaa dilal mararka qaarkood ka dhasha arintan, hadii tusaale ahaan ay ilmuhu diidaan inay ina adeerkood/ina adeertood guursadaan.

Waxeyna cadeeyeen in mararka qaarkood ilmo Norway ku koray loo qorsheeyo in loo guuriyo qof qoyskiisa ah katirsan oo wadanka dibadiisa degan, taasna ay dhibaato nafsiyad ahaaneed iyo cadaadis maskaxeed ay ku tahay ilmaha ay waalidkiisu guurkiisa qorsheeyeen. Ayna dhici karto in qofka loo guurinayo uusan daacad ka aheyn guurka, uuna rabo inuu kusoo dhoofo.

Wasiirka dhaqanka Norway Abid Raja iyo afhayeenka arrimaha soo galootiga xisbiga Ap ayaa arintan soo dhaweeyay.

Athar Ali oo madax ka ah ururka golaha ajaaniibta ayaa arintan kasoo horjeestay soo jeedinta booliska, wuxuuna sheegay in qof walbe loo ogolaado inuu guursado qofka uu rabo.

Xigasho/kilde: Oslo-politiet vil ha forbud mot søskenbarnekteskap

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments