lørdag, april 27, 2024

Kulan-aqooneed ku saabsabn xiriirka waalidka iyo ilamaha oo ka dhacan Trondheim

Magaaladda Trondheim oo ay ku noolyihiin mid kamid ah jaaliyaddaha Soomaaliyeed ee ugu xoogan Norway tiro ahaan, ayaa waxaa galabnimadii jimcaha ka dhacay shir aqooneed balaaran oo looga hadlayay wacyigalinta iyo wanaajinta xiriirka waalidka iyo ubadka Soomaaliyeed ee ku dhashay ama ku korayo qurbaha. Waxaana shirka isla soo qaban-qaabiyay masaajidka soomaalida iyo muslimiinta Trondheim ee Dar- El Eman Islamic Center iyo xarunta wacyi-galin iyo aqoon-fidin-diimeedka al Injaaz.

Kulanka oo ka koobnaa labo kulan-fadhi oo lagala qabtay labo(2) maalin oo kala duwan, loona gala qabtay waalidka oo kulan gooni ah, iyo dhalinyarada oo kulan kale oo gooni ah, ayaa waxaa kasoo qeybgalay aqoonyahano iyo khuburo aqoon, khibrad iyo xiriir shaqo la leh mawduuca. Waxaana sidoo kale furay oo kalmado la xiriira muhiimadda kulanka ka jeediyay imaamka masaajidka Dar El Eman, Sh Cabdinaasir Jaamac Aadan iyo maamulaha xarunta Injaaz Sh Cabdifitaax Maxamed Maxamuud.

Mawduucyada lagu darsay, aqoon iyo khibrad isweydaarsigana la isku dhaafsaday intii ay kulamaddan socdeen, ayaa waxaa kamid arrimaha la xiriira barbaarinta toosan ee ubadka ku korayo qurbaha, horumarinta waxbarashada ubadka Soomaaliyeed ee qurbaha, barashada iyo ku camal-falka diinta iyo dhaqanka islaamiga ah, sidoo kalena barashada iyo weyneynta hiddaha, dhaqanka iyo afka Soomaaliyeed. Waxaana inta uu kulamadani socdeen aad xooga loogu saaray habka ugu macquulsan ee waalidka Soomaaliyeed ee kunool qurbaha uu abadkiisa ugu gacan-siin karo ka qeybqaadashada bulshada uu ilmuhu ku dhex koroyo, sidoo kale heysashada iyo ku camal-falka dhaqanka iyo diinta.

Gaba-gabadii kulanka waalidiinta iyo kasoo qeybgalayaasha kulanka ayaa bogaadiyay, una mahad-celiyay qaban-qaabiyeyaasha kulanka muhiimka ah. Waxa ay muujiyeen dareenka loo qabo joogteynta kulamadda aqoon-iyo-khibrad isweydaarsiga noocan oo kale ah, si mawduucan loogu abuuro dareen lahaanshiyo in dhawaansho.

W,Q. Maxamed Maxamuud Xalane( Trondheim).

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x