lørdag, april 27, 2024

Xeer cusub: Maalin kasta darawaliinta bussas-ka waxaa la baari doonaa khamri.

Laga bilaabo maalinta koowaad ee sanadka cusub, darawaliinta wada bussaska gaadiidka dadweynaha iyo buss-yaraha(mini-buss) ayaa laga baari doonaa inay khamri soo cabeen/khamri jirkooda ku jiro, kahor inta aysan shaqada bilaabin. Waxaana baabuurka bussas-ka ah lagu soo rogay inay baabuurka ku rakibaan hab cusub oo darawalku uu si iskiis ah isaga baari karo khamriga, kahor inta uusan baabuurka istaarin(kaxeynin).

Nidaamka cusub ee baaritaanka khamriga ee darawaliinta buss-aska ayaa ah mid ku xiran/ku rakiban furaha baabuurka, taas oo ka dhigan in baabuurku uusan daarmi doonin hadii baaritaanku uu muujiyo in darawalku ay jirkiisa ku jirto khamri ka 0,2 promille oo ah inta ugu badan ee sharci ahaan laga ogolyahay Norway.

Ujeedadda ugu weyn ee arrintan ayaa lagu sheegay in kor loogu qaadayo badqabka gaadiidka dadweynaha iyo rakaabka saaran, iyo ka hortaga khatarka shilalka baabuur ee dhici kara.

Arrintan ayaa sida muuqato hada khuseyso oo kali ah baabuurta buss-aska, walina laguna soo rogin baabuurka tagaasida.

Xigasho/kilde:Bussjåfører skal alkoholtestes hver dag på jobb etter nyttår

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x