søndag, mai 19, 2024

Bærum: Haweenay Soomaali ah oo qiratay dilka saaxiibkeed oo soomaali ahaa.

isbuucan waxaa maxkamadda Ringerike, Asker iyo Bærum ka socday dhageysiga kiis maxkameed la xiriira dacwad lagu soo oogay haweenay soomaali ah oo ku eedeysan dilka nin soomaali ah oo uu xiriir kala dhaxeeyay. Falkan dilka ah ayaa bishii September ee sanadkii 2022 ka dhacay afaafka xarun kamid ah xarumaha xanaanadda dowlada oo kutaal magaaladda Bærum.

Marxuumka dhintay ayay da’ diisu aheyd 34 sano jir. Waxa uuna ahaa aabe dhalay gabar lix(6) jir ah.

Maalintii koowaad ee dhageysiga kiis-maxkamadeedkan, ayay haweeneyda eedeysanaha ah qiratay inay iyadu ka danbeysay falkaas, balse waxey sheegtay in xiligaas uusan miyirkooda joogin oo ay maqneyd miyir ahaan. Waxeyna sidoo kale sheegtay in iyada iyo marxuumka dhintay uu ka dhaxeeyay xiriir sheekeysi oo markaas socday mudo gaaban oo sadex bilood gaareyso.

Booliska oo baaritaan cilmi-nafsi-maskaxeed ku sameeyay haweeneydan ayaa horey usoo bandhigay in haweeneyda eedeysanaha ah, ay tahay qof miyir ahaan caafimaad qabta oo loo ciqaab-xukumi karo falka dilka ah ee ay geysatay.

Xeer ilaalinta: 11 sano oo xabsi ah

Gaba-gabadda dhageysiga kiis-maxkamadeedkan oo shaley aheyd, xeer ilaalinta booliska ee dacwadda kusoo oogay haweeneydan eedeysanaha ah, ayaa maxkamadda ka dalbaday in 29-jirkan soomaaliyeed lagu xukumo 11 sano oo ciqaab xabsiyeed ah, kaas oo u dhigma falka dilka ah ee ay geysatay, inkasta oo ay qiratay in xiligaas uusan miyirkooda joogin.

Dhanka kale qareenka difaacayo haweeneydan soomaalida ah, ayaa sheegay in dalabka xeer ilaalintu ee 11-ka sano ee xabsiga ah uu yahay mid aad u badan oo aan u dhigmin xaaladda caafimaad iyo mida duruufeed ee ku gadaaman gabadhan xiliga uu falkaas dhacay. Waxa uuna sheegay inay mudantahay in loo tixgaliyo qiraalka ay sameysay, iyo inaysan muraan-marsiiyo ka dhigan xaaladeeda caafimaad.

Maxkamadda ayaa isbuucyada soo socdo soo saari doonto go aanka ay ka gaartay kiiska.

Xigasho/kilde: Dønski-drapet: – Tiltalte visste umiddelbart hva hun hadde gjort

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x