søndag, mai 19, 2024

Norway: Yukreeniyiinta sharciga ku leh dalalka kale, magangalyo ma helayaan.

Wareegto kasoo baxday wasaaradda cadaaladda iyo amniga dalkan Norway, loona diray hey adda qoxootiga ee UDI-da, dadka u dhashay dalka Ukraine ee heysta sharciga ama dhalasada dalalka kale ee aysan colaadu ka jirin, ayaan heli doonin sharciga magangalyada Norway.

Qodobkan ayaa qeyb ka ah isbadal weyn oo ku yimid siyaasadii dabac-saneyd ee dowlada Norway ay kula dhaqmeysay qoxootiga Ukraine, kuwaas oo labadii sano ee ugu danbeeyay aad ugu soo qaxay dalkan Norway. Isbuucii hore dowlada Norway ayaa sheegtay in qoxootiga u dhashay dalka Ukraine ee u socdaala dalkooda, ay lumin karaan sharciga qoxootiga.

Wasiiradda cadaaladda Norway ayaa sheegtay in hadii qof u dhashay dalka Ukraine, oo heysta sharciga ama dhalashada dalalka Mareykanka, Polland ama Hungry uu hadana qaato sharciga qoxootiga Norway, ay arrintaasi tahay in si qalad ah looga faa´iideysanayo sharciyada qoxootiga Norway. Waxeyna raacisay in qofkii sharci ku leh dal nabad ah, uusan xaq u laheyn inuu helo sharci qoxootinimo oo Norway ah.

Xigasho/kilde: Ukrainere med dobbelt statsborgerskap skal ikke få midlertidig kollektiv beskyttelse i Norge

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x