søndag, april 28, 2024

Bærum: Duubitaan mobil ayaa kiciyay khilaafka ugu sababay dilka.

Habeenkii sabtida buss kamid ah kuwa ka dhex shaqeeyo magaaladda Bærum ayaa waxaa ka dhex dhacay fal dil ah oo loo adeegsaday mindi, kaas oo lagu dilay nin 26 sano jir ah. Waxaana dilkiisa boolisku u qabteen wiil 14 sano jir ah.

Booliska ayaa maanta faafiyay magaca marxuumka geeriyooday, kaas oo ah Faridullah Rahmani. 26-jirkan ayaa kasoo jeedo dalka Afgaanistaan, wuxuuna dhawaan qoxootinimo kusoo galay dalkan. Dhaawaciisa ayaa loola cararay isbitaalka, balse laguma guuleysan in la badbaadiyo sida ay boolisku sheegeen.

14-jirka ku eedeysan dilka, ayaa ah qof ay horey boolisku aqoon ugu lahaayeen, waxa uuna hada ku jiraa gacanta booliska oo wareysiyo arrintan la xiriiro ka qaadayo. Markii hore waxa uu ka baxsaday goobta ay arrintan ka dhacday, balse xili danbe ayuu booliska isku soo dhiibay. Sida uu warbaahinta la wadaagay qareenkiisa, 14-jirkan markii ugu horeysay ka hadlay arrintan, waxa uuna sharaxaad ka bixiyay sidii ay wax u dhaceen.

Ma rabin inaan dilo:

Sida uu qareenka 14-jirkan eedeysanaha ah u sheegay wargeyska Aftenposten, muranka sababay falka dilka ah ayaa ka bilowday in marxuumka geeriyooday uu muuqaalo moobilkiisa gacanta uga duubay 14-jirka iyo saaxiibadiis. Waxa ay dhowr mar ku cel-celiyeen sida aysan raali ugu aheyn in la duubo. Dhowr mar ayaa sido kale saaxiibadda 14-jirku telefoonka gacanta ka qaadeen marxuumka geeriyooday, waxa ayna ka tirtireen muuqaaladii uu duubay, balse markale ayay arrinti hadana meesha ka sii socotay. Arrintaas ayuu sheegay inay xaaladda xumeysay oo wax walba da-dajisay.

Ma aheyn markii koowaad ee ay kulmaan marxuumka geeriyooday iyo 14-jirka eedeysanaha ah, balse waxaa xagaagaii sanadkan 2023 labadooda(marxuumka iyo eedeysanaha) dhexmaray gacan ka hadal.

14-jirka eedeysanaha ayaa sheegay in markii danbe uu dareemay in marxuumka geeriyooday uu rabay inuu dhaawaco/dhibaateeyo, isaga iyo saaxiibadiis, sidaas darteed uu isagu u sameeyay ficilka mindi-galinta ah si uu u difaaco naftiisa. Balse arrintaas ayuu sheegay inay aheyd qiimeyn qalad ah oo uu sameeyay oo uu hada ka shaleynayo.

Eedeysanaha ayaa sheegay in marnaba uusan rabin inuu dilo marxuumka, balse uu rabay inuu naafeeyo, si uusan isaga iyo saaxiibadiis u dhaawicin. Waxa uuna raaciyay inuu mindida u watay, si uu naftiisa u difaaco.

Xigasho/kilde: Faridullah Rahmani (26) knivdrept i Bærum

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x