søndag, april 28, 2024

Xeer cusub: 3 sano kadib vikar-nimo, waa in shirkadu shaqo buuxdo ku siisaa.

Xeer cusub oo dhaqan-galkiisu uu ka bilaabanayo kowda(1) bisha January ee sanadkan 2024, ayaa waajib ka dhigayo in hadii uu qof shirkad u si kumeel gaar ah(Vikar-nimo) ugu shaqeeyo sadex sano oo isku xigto, uu qofkaas shirkada si toos ah xaq ugu leeyahay inay siiso shaqo toos ah(fast).

Xeerkan cusub ayaa meesha ka saarayo kii hore oo ahaa in shirkadu ay qofka shaqo siiso afar sano kadib, hadii shaqadu ay aheyd mid ku meel gaar ah oo waqti cayiman ku xiran. Wuxuuna shirkada waajib uga dhigayaa inay qofka siiso shaqo toos ah, hadii qofku uu halkaas si vikar-nimo ah uga shaqeynayay sadex sano oo xiriir ah( aan loo dhaxeyn).

Xeer kale oo muhiim ah:

Isla kowda(1) bisha Janaury waxaa dhaqangali doono xeer cusub oo qofka shaqaalaha ah siinayo xuquuq dheeraad ah, hadii ay shaqadu ka dhamaato ama shirkada uu ka shaqeynayo ay go aansato in tirada shaqaalaha la dhimo, sidaasna uu shaqada ku waayo.

Xeerkan cusub ayaa qofka shaqaalaha ka ah shirkad ee shaqada laga joojiyay ama ay ka dhamaatay xaq u siinayo inuu mudnaanta koowaad leeyahay, hadii ay jirto boos shaqo lamid ah tan uu qofku qabanayay oo ka banaan goob kale oo shirkadan ay leedahay, ama shirkad kale oo milkiilaha shirkadan uu leeyahay(Konsern).

Labaddan xeer ayaa kamid qodobo sharciyeed iyo xeerar cusub oo dhaqangali doono kowda bisha. Inta kale, gadaal ayaan kasoo galin doonaa..

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x