lørdag, april 20, 2024

Raymond Johansen: Reer Oslo-w Isku diyaariya xili adag oo dhibaato.

Maamulka Oslo ayaa isbuuca soo socdo soo bandhigi doono miisaaniyadda lagu maamuli doono degmadda sanadka soo socdo. Gudoomiyaha maamulka Oslo Raymond Johansen ayaa dadka kunool magaalada ka codsaday inay isku diyaariyaan xili adag oo dhibaato, wuxuuna miisaaniaydda ay soo bandhigi doonaan ku qeexay miisaaniyad sanad dhibaato.

Gudoomiyaha oo wareysi siiyay wargeyska Aftenposten ayaa sheegay in bilaha iyo sanadka soo socdo la filayo xaalado adag oo ka dhasha sicir barar, lacagta korontada oo qaaliyowdo, qiimaha cuntada oo kor u kaco iyo qiimaha canshuuraha baabuurta dowlada oo kor loo qaadi doono.

Raymond Johansen ayaa arrinta ugu daran ku tilmaamay qiimaha korontada oo uu sheegay inay lacag badan uga baxeyso degmadda. Sicirka korontada ayuu ku tilmaamay in dad badan ku keeni karto inuu hoos u dhaco awoodooda dhaqaale. Waxa uuna raaciyay in degmadu ay sameyn doonto wax walba oo ay awoodo si arrintaas hoos loogu dhigo, isaga oo tusaale usoo qaatay in la damiyay nalka xafiiskiisa xiliga wareysiga laga qaadayay, si uu u dhaqaaleeyo lacagta korontada degmadda uga baxdo.

Gudoomiyaha ayaa dhanka kale sheegay in wax walba ay si dhaqso ah isku badaleen, iyada oo dad badan oo siyaasiyiin aysan wali fahmin xaaladdaha adag ee lagu jiro. Waxa uuna dhanka kale dowlada dhexe ka codsaday inay maamulladda degmooyinka u kordhiyaan lacagaha kabka ah ee lagu taageero.

Johansen ayaa ka digay inay dhici karto in degmadu ay go’ aamiso in la yareeyo heer-kulka guryaha iyo xarumaha dowladda, si loo dhaqaaleeyo lacagta degmada uga baxdo korontada.

Xigasho/kilde: Ber Oslo-folk være forberedt på krisetid. Det vil merkes i budsjettet.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x