onsdag, april 24, 2024

Guryaha dowlada ee Bergen oo korontada laga yareyn doono.

Guud ahaan dalalka Yurub, waxaa qaboobahan soo socdo ee bilaaban doono bisha October la isku diyaarinayaa in sicirka korontadu uu noqon doono mid aad qaali u ah. Waxeyna dowladuhu iyo degmooyinka hoose ee dalalka Yurub qaadeen talaabooyin kala duwan oo lagu xakameynayo kororka sicirka korontada.

Golaha deegaanka Degmadda Bergen oo kamid ah magaalooyinka waaweyn ee Norway ayaa sheegay inay qaadi doonaan talaabo lagu dhaqaaleynayo lacagta degmadda uga baxdo korontada. Waxeyna degmadu sheegtay in hoos loo dhigi doono heer-kulka(kuleylinta) guryaha iyo xarumaha dowlada, heer-kulkoodana xiliga qaboobaha laga dhigi doono 20 C.

Lacag gaareyso ilaa 40 milyan ayaa degmadda uga baaqan doonto hoos u dhigista heer kulka guryaha dowlada. Waxaa sidaas lagu sheegay war kasoo baxay maamulka degmadda.

Sidoo kale jaamacadda Bergen ayaa iyaduna sheegtay inay qaadi doonto talaabo hoos loogu dhigi doono heer kulka dhismayaasha jaamacadda, waxaana talaabaddan ugu baaqan karto ilaa 8 milyan oo kr.

Guud ahaan degmooyinka kala duwan ee Norway ayaa laga fili karaa inay qaadaan talaabooyin kala duwan oo lagu dhaqaaleynayo lacagta ku baxdo korontada oo sicirkeedu la fili doono inuu noqon karo mid aad u qaali ah bilaha soo socdo.

Xigasho/kilde: Byrådet besluttet torsdag å senke temperaturen i alle kommunale bygg..

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x