fredag, april 19, 2024

Doorashadii Sweden oo lagu kala baxay: Xisbiga midigta ayaa guuleystay.

Magdalena Andersson oo ah reysulwasaaraha xilka sii heysa ee dalka Sweden, aheyd musharaxa reysulwasaare ee doorashadan u tartamayay xisbiyada garabka bidixda ee siyaasadda Sweden, ayaa saacad kahor qirtay in doorashadii Sweden lagu kala adkaaday. Waxeyna u hambalyeysay garabka xisbiyada midigta oo sida muuqato guur aan cago badan ku taagneyn ka gaaray doorashadii Sweden.

Reysulwasaare Magdalena Andersson ayaa u hambalyeysay Ulf Kristersson oo ah gudoomiyaha xisbiga Moderaterna, loona badinayo inuu noqon doono reysulwasaaraha cusub ee Sweden.

Sida muuqato waxaa doorashada Sweden lagu kala baxay hal kursi xildhibaan kaas oo ah farqiga u dhaxeeyo labadda garab e siyaasadda Sweden. Xisbiyada bidixda oo ay hogaamiso reysulwasaaraha hada xilka hayo ee Andersson ayaa helay 173/174 kursi oo kamid ah kuraasta aqalka baarlamaanka Sweden. Halka xisbiyada midigta ee uu hogaaminayo Kristersson ay heleen 175/176 kursi. Taas oo xisbiyada midigta siineyso guul dirqi ah.

Si kastaba waxaa wali aan la ogeyn qaabka ay noqon doonto xukuumadda ay soo dhisi doonaan xisbiyada midigta, iyo inay dowlada soo galin doonaan xisbiga xagjirka midigta fog ee SD iyo inkale. SD oo ah xisbiga guusha ugu badan gaaray doorashadan, ayaa noqday xisbiga labaad ee ugu weyn dalka Sweden. Waxeyna heystaan awood ay ku gorgortami karaan, dowladana ay uga mid noqon karaan.

Guusha dirqiga ah ee xisbiyada midigta ayaa siyaasadda Sweden wali ka dhigeyso mid aan ka bixin seeg-seegii ay kujirtay sanadihii ugu danbeeyay, maadaama uusan jirin xisbi ama xisbiyo isku tagay oo isku darka heystay aqlabiyad ay dalka ku maamuli karaan ama siyaasad mideysan ku fulin karaan. Labadii sano ee ugu danbeeyay oo kali ah reysulwasaaraha Sweden ayaa is casilay ama xilka waayay sadex mar oo kala duwan.

Inta laga soo dhisayo xukuumad cusub waxaa xilka sii heyn doonto reysulwasaare Magdalene Andersson oo ah haweeneydii ugu horeysay ee abid reysulwasaare ka noqoto Sweden.

Xigasho/kilde: Høyresiden erklærer valgseier i Sverige.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x