fredag, juli 26, 2024

Tiro ka badan 200 nin oo Ruush ah oo soo galay xuduuda Norway.

Kadib markii uu sii xumaaday dagaalka u dhaxeeyo Ukraine oo taageero nooc walba ka heleyso reer Galbeedka, iyo Ruusha, waxaa sii badanayo cadaadiska ay dowladu Ruushku ku heyso shacabkeeda. Cadaadiskaas oo la xiriiro in dad badan, gaar ahaan ragga loo diro goobaha dagaalka, si ay qeyb uga noqdaan duulaanka uu Ruushku ku qaaday Ukraine.

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa dalka Ruushka ka socday dibad-baxdo waaweyn oo dadweynaha Ruushku uga soo horjeedaan awaamiirta ku saabsan in dowladu ay si qasab ah dadka gaashaan-qaadka ah ugu direyso goobaha dagaalka, si garab loo siiyo ciidanka Ruushka oo maalmihii ugu danbeeyay la kulmay guul-darooyin xoogan. Dadka ugu badan ee dowladu ay rabto inay raafto ayaa ah ragga, gaar ahaan kuwo heysta tababarka milatari ama amni ee kale.

Dhanka kale waxaa aad u batay tirada dadka Ruushka ah ee ka baxsanayo dalkooda, iyaga oo u qaxaya dalalka kale ee Yurub. Waxaana maalmihii ugu danbeeyay la arkayay kumanaan dad oo Ruush ah, kuwaas oo wada dalbada dal ku galka dalalka Yurub ee EU-da iyo Turkiga.

Dalkan Norway oo xuduud la leh Ruushka, waxaa maalmihii lasoo dhaafay la diiwaangaliyay inay xuduudka kasoo gudbeen dad ka badan dadkii horey usoo gudbi jiray xuduudka Norway.

Isniintii lasoo dhaafay oo kali ah, waxaa xuduudka Norway kasoo gudbay 402 qof, waxaana kamid ahaa ugu yaraan 200 nin oo Ruush ah, kuwaas oo wata Viisooyin Shengen ah.

Xigasho/kilde: Flere russiske menn har krysset grensen til Norge.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x