torsdag, april 25, 2024

Sirdoonka Norway oo gacan dheeri ah ka rabo hey´addaha caafimaadka.

Hey´adda sirdoonka dalkan Norway ee loo yaqaan PST-da, ayaa jimcihii shaley aheyd soo bandhigtay warbixin ku saabsan xiriirka ka dhaxeeyo dadka xagjirka ah ee geysan kara weeraradda argagaxiso iyo xanuunadda dhimirka. Waxeyna ka hadleen wada-shaqeynta ka dhaxeyso hey´adda sirdoonka iyo hey´adda caafimaadka.

Hey´addaha caafimaadka ayaa heysta waajibka sir-qarinta ee qofka bukaanka ah ama caawinaada caafimaadka kasoo doonto. Halka boolisku iyo sirdoonku ay rabaan inay ogaaadaan macluumaad dheeri ah oo ku saabsan xogta caafimaadka ee qofka iyaga bar-tilmaameedka u ah. Waxeyna badanaa diidmo kala kulmaan hey´addaha caafimaadka oo ilaalinayo sirta qofka.

PST-da ayaa warbixintooda ku sheegay inay muhiim tahay in dib loo qeexo ilaa inta ay le ekaan karto xogta ay hey´addaha caafimaadka la qeybsan karaan booliska iyo sirdoonka, taas oo ah muhiim u noqon karto ka hor tagista weeraro ama khatar kale oo bulshada kusoo wajahnaan karto.

Warbixinta ay soo saareen sirdoonku ayay ku sheegeen in xanuunanadu dhimirka ay saameyn aan toos aheyn ku yeelan karaan in qofku uu xagjir noqdo, uuna geysto weerar argagaxisnimo.

Shirka lagu soo bandhigay warbixinta sirdoonka ee ku saabsan xanuunadda dhimirka iyo dadka geysta weerara argagaxiso, waxaa goob-joog ka ahaa wasiiradda cadaaladda iyo amniga Norway,Emilie Enger Mehl, iyo wasiiradda caafimaadka Ingvild Kjerkol.

Wasiiradda cadaaladda ayaa sheegtay in dowladu ay soo bandhigi doonto istiraatiijiyad cusub oo looga hortagayo weerarada argagaxisnimo.

Xigasho/kilde: PST: Ønsker å lette på helsetjenestens taushetsplikt.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x