torsdag, april 25, 2024

Xildh. Leila oo difaacatay booska xildhibaanimo ee Baarlamaanka Sweden

Waxaa subaxnimadii axaddii shalay la soo bandhigay natiijadii kama dambeeysta ahayd ee doorashadii dhawaan ka qabsoontay dalka Sweden, kadib markii la tiriyay codadka dadweynaha ee doorashada ka qeybgalay.

Xildhibaan Leyla Elmi oo ah xildhibaanad soomaali ah oo afartii sano ee lasoo dhaafay ka tirsaneyd baarlamaanka dalka Sweden, ayaa mar kale ka mid noqotay xubnaha cusub ee baarlamaanka dalka Sweden.

Leila oo laga soo doorto magaalada labaad ee ugu weyn dalka Sweden Göteborg, ayaa barteeda Facebooga ku xaqiijisay inay mar kale kamid noqotay baarlamaanka dalka Sweden u talin doono afarta sano ee soo socoto:

Waxaa marka ugu horeysa mahad iska leh ilaahay, marka xiga dadki sida hagar’la’aanta ila shaqeyay. Waa markale iyo afar sano xildhibaanimo aah.

Leila Elmi ayaa sanadkan waday olole doorasho xoogan oo ay mar kale ku dooneysay ku guuleysiga iyo difaacista kursiga xildhibaanimo iyo iibinta siyaasadda xisbigeeda Miljöpartiet. Waxeyna qoraalo gar-naqsi ah kusoo qoreysay bogageeda baraha bulshada, iyada oo kusoo bandhigeyso waxa u qabsoomay afartii sano ee lasoo dhaafay, iyo guulaha siyaasadeed ee xisbigeedu uu gaaray, faa´iidadana u leh bulshada soo dooratay.

Dhanka kale waxaa mar kale cadaaday in xisbiga midigtu ay markan si toos ah ugu guuleysteen. Waxaana la filayaa inay dhawaan soo bandhigaan manifesto iyo heshiis siyaasadeed oo gun-dhig u noqon karo xukuumad wadaag ah oo ay soo dhisaan.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x