torsdag, april 25, 2024

Haweenay loo xukumay isku deyga dilka saaxiibteed oo barnevern ku dacwaysay.

Maxkamadda Søndre Østfold ayaa haweenay labaatameeyo(20) jir ah ku xukuntay lix(6) bilood oo xabsi ah, iyo inay bixiso magdhow gaaraya  175.000 kr, kadib markii lagu helay danbi ah isku deyga dilka saaxiibteed oo dacwad uga gudbisay heyádda barnevernka.

Dhacdadan ayaa bishii Maarso ee sanadkan ka dhacay magaalada Halden ee gobolka Viken.

Haweeneyda la xukumay ayaa ah hooyadda hal ilmo ah oo ay kali ku tahay masuuliyada xanaanadiisa. Waxaana sida kasoo baxday dhageysiga maxkamadda dacwada ku saabsan arrintan la ogaaday, in haweeneyda dhibanaha ah ee saaxiibka la aheyd haweeneyda la xukumay, ay dacwad u gudbisay hey, adda barnevernka. Taas oo ay afar mar oo kala duwan uga warbixisay inay wel-wel ka qabto xanaanadda wiilka ay saaxiibteed dhashay, sababo la xiriiro adeegsiga maandooriye.

Haweeneyda dacwada laga gudbiyay ayaa iyada oo dhalo gacanta ku wadato aaday guriga ay saaxiibteed dacwada ka gudbisay ku nooleyd, waxeyna dhowr mar ku goysay mindi. Balse waxaa sida ay xeer ilaalintu sheegtay ka qabtay oo ka gaaray nin guriga ku sugnaa xiliga uu falkaas dhacayay.

Haweeneyda dacwada laga gudbiyay ayaa laga sheegay inay tiri: Waxbo kuma gaarin hada, marka lala barbardhigo sida aad u ekaan doonto aan kaa dhameysto.

Inkasta oo uusan dhaawac weyn soo gaarin, hadana maxkamadda ayaa aamintay dacwada xeer ilaalinta ee aheyd in falkan uu ahaa mid isku dey dil ah.

Haweeneyda eedeysanaha ah ayaa dhankeeda qiratay inay saaxiibteed mindi galisay, balse waxey diiday eedeynta ah isku deyga dilka. Waxeyna saaxiibteed ku eedeysay inay dacwad uga gudbisay barnevern-ka , iyo inay dib u ugu soo bandhigtay adeegsiga daroogadda.

Maxkamadda ayaa ugu danbeyn haweeneydan eedeysanaha ku xukuntay 6 bilood oo xabsi ah iyo inay magdhow lacageed oo 175.000 gaarayo siiso saaxiibteed.

Xigasho/kilde: Kvinne dømt for drapsforsøk på venninne som meldte henne til barnevernet.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x