torsdag, november 28, 2024
Home Blog Page 255

Spain: 160.000 qof oo isugu baxay banaanbax lagu taageerayo soo galootiga

2

dad kor u dhaafayo 160.000 qof ayaa maalintii sabtida aheyd isugu soo baxay magaalada Barcelona oo kamid ah magaalooyinka ugu waaweyn wadanka Spain. Dadkaas oo dalbanayay in dowlada wadankaas ay ka dhabeyso balanqaadkii ay hore oo ahaa inay magangalyo u fidiso 17.000 oo qoxooti ah. Banaanbaxan ayaa ahaa mid kamid ah kuwii ugu weyna taariikhda Yurub, ee lagu taageerayo soo galootiga iyo magangalyo-doonayaasha.

Dowlada Spain ayaa sanadkii hore balan-qaaday inay magangalyo u fidin doonto 17.000 oo qoxooti ah, kana soo jeedo wadamada Siiriya, Ciraaq, Ereteriya iyo Afgaanistaan. Wuxuuna balanqaadkaas qeyb ka ahaa heshiiska saami qeybsiga qoxootiga ee midowga yurub. 

Dadweynaha sabtidii banaanbaxa isugu soo baxay, ayaa sheegay in dowlada wadankaas ee dhinaca midig u janjeerto, ay ilaa hada magangalyo siisay 1.100 qof, tiradaas oo ah mid wax badan ka yar tii ay dowladu balan-qaaday. Arintaasna waxey ku tilmaameen inay tahay wax laga xishoodo, iyaga ku booriyay midowga Yurub inay si fiican dowlada wadankaas cadaadis ugu saaraan sidii ay uga dhabeyn laheyd balan-qaadkaas.

FOTO: MANU FERNANDEZ / AP

Qaban-qaabiyaasha mudaaharaadka ayaa sheegay in tirada dadka kasoo qeybgalay ay 300.000 gaarayaan, laakiin booliska ayaa soo saarey tiro kale oo ah 160.000. Dadka isugu soo baxay banaanbaxan ayaa sheegay in Spain ay qeybyteeda ka qaadato samato-bixinta iyo magangalyo siinta dadka ay saameeyaan colaadaha ka socdo aduunka. 

 

 

Yurubta kale oo yaaban:

Arintan ayaa layaab ku noqotay xisbiyo badan oo ka dhisan qaarada Yurub, kuwaas oo u qaadan waayay in dad intaas le´eg ay isugu soo bixi karaan, banaanbax lagu taageerayo soo galooti xiligan hada la joogo. Iyada oo la ogyahay in dhaqaalaha wadanka Spain uu hoos u dhac ku yimid sanadadii ugu danbeeyay, dadweynaha wadankaasna ay la daala-dhacayaan shaqo la´aan baahsan.

Dadka banaanbaxa soo agaasimay ayaa sheegay in magangalyo iyo dib u dajin loo fidiyo soo galooti, aysan waxbo u dhimeynin dhaqaalaha wadankaas, isla markaana aysan saameyn ku yeelan karin shaqo la´aanta. 

Xigasho/kilde: NRK.NO 

[adsenseyu2]

Wargelin: Darawalada Buss-ka Trondhein oo bari shaqo joojin sameyn doono

0

Darawalada buss-aska dadweynaha ee magaalada Trondheim, ayaa bari oo isniin ah sameyn doono shaqo joojin ka bilaaban doonto saacadu marka ay tahay kl 10:00, kuna eg kl 13:00

Shaqo-joojintan darawaladu ay sameeyaan ayaa khuseyo dhamaan noocyada kala duwan ee bussaska magaalada. 

Darawalada ayaa ka cabanaya in loo diiday iney si wadajir ah xiliga pausaha(nasahada) isku meel ugu wada qaataan. Waxeyna sheegeen inay xiligaas shaqo-joojinta ugu aadiyeen, si ay saameyn ugu yeelato dadka ugu yar, maadaama xiligaas ay magaalada kala dagantahay. 

Xigasho/kilde: Adresseavisen.no

[adsenseyu2]

 

 

Donald Trump oo mar kale hadana xayiraad soo rogi doono

0

Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa qoreyso in Madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donald Trump uu mar kale soo wado xayiraad cusub oo ka saameyn badan tii hore ee uu soo rogay isbuucyo kahor. Taas oo hirgali wayday maadaama uu laaley(istaajiyay) xaakim sare oo katirsan maxkamada federalka ah. 

Sida ay qorayaan warbaahinta Mareykanka, xayiraadan cusub ayaa laga yaabaa inuu Trump soo bandhigo talaadada nagu soo aadan, ama isbuuca soo socdo gudahiisa. Waxeyna saameyn ku yeelan doontaa isla todobadii wadan ee uu Donald Trump xayiraada saarey markii hore, Soomaaliyana ay kamid tahay. 

[adsenseyu2]

Waxyaabaha cusub ee xayiraadan la socdo ayaa waxaa kamid ah, ineysan saameyn ku yeelan doonin dadka heysto sharciga kumeel-gaarka ah ee Green-cardka. 

Dhanka kale waxey saameyn ku yeelan kartaa dadka lagu soo eedeeyay inay danbiyo geysteen, xitaa hadii aan loo xukumin.  

Xigasho/kilde: VG.no 

Minst 18 personer drept av lastbilbomber på marked i Mogadisho-Somalia

0

En lastebil full av eksplosiver gikk søndag i luften på et marked i Somalias hovedstad Mogadishu. Dødstallene varierer mellom 18 og 35.

Flere titall mennesker er i tillegg såret. Både butikker og matboder ble ødelagt i eksplosjonen, som skjedde like ved et sterkt trafikkert veikryss i Madina-distriktet.

Politiet meldte først at 15 personer ble drept, samtidig som det var ventet at dødstallet kom til å stige ettersom flere av de sårede ifølge politiet hadde pådratt seg «fryktelige» skader.

Andre kilder meldte deretter om rundt 20 dødsofre, mens det ifølge enkelte meldinger var så mange som 35 dødsofre.

Markedet Kawo Godey er lite, men svært travelt. Ingen gruppe hadde søndag ettermiddag påtatt seg ansvaret for angrepet, men tidligere har den ytterliggående islamistgruppa al-Shabaab stått bak lignende angrep.

Angrepet er det første i Mogadishu etter at Mohame Abdullahi Mohamed ble valgt til ny president 8. februar. Al- Shabaab sendte søndag ut en uttalelse der Mohamed blir omtalt som «ondsinnet» og en «hedning».

[adsenseyu2]

Fredrikstad: Boqolaal qof oo shaley isugu timid xaflad soo dhaweyn ah oo loo sameeyay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya

0

Jaaliyada soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Fredrikstad iyo guud ahaan gobalka Østfold, ayaa maalintii shaley aheyd xaflad soo dhaweyn ah oo balaaran u sameysay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, M. Abdullahi Farmaajo iyo guud ahaan isbadalka siyaasadeed ee Soomaaliya ka dhacay. Sidoo kalena lagu sagootinayay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Hassan Sh. Mohamoud. 

Xafladan soo dhaweynta ah oo aheyd mid sifiican loo soo agaasimay ayaa shaley lagu qabtay guriga hiddaha iyo dhaqanka ee magaalada Fredrikstad, waxaana kasoo qeybgalay dad boqolaal qof gaarayo.

Waxaa sidoo kale khadka Telefonka uga soo qeybgalay madax katirsan dowlada dhexe ee Soomaaliya, oo uu kamid ahaa taliyaha SNA, General Mohamed Aadam Axmed oo katirsan jaaliyada soomaaliyeed ee Norway.

Taakuleynta abaaraha Soomaaliya:

Foto: Hassan Raasto, SNTV

Kulankan shaley ka dhacay Fredrikstad oo ay NorSom News goob-joob ka aheyd, ayaa waxyaabaha ugu badnaa ee looga hadlay waxaa kamid ah taakuleynta dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku dhaqan guud ahaan dhulka ay soomaalidu degto. Intii badnaa dadkii ka hadlay xafladaas ayaa hadalkooda kusoo qaadanayay abaartaas iyo sidii gacanta looga geysan lahaa taakuleynteeda.

Soomaalida degan Østfold ayaa u muuqdo kuwo u abaabulan si jaaliyad guud ahaan ah, iyada oo la dheehan karo iney jirto isku xirnaan fiican oo ka dhaxeyso qeybaha kala duwan ee soomaalida ku dhaqan gobalkaas.

Halkan ka daawo(Click ku dhufo) sawiro badan oo muujinayo qaabkii ay shaley u dhacday kulankaas soo dhawenta ah.

Ku dhawaad 400 oo dhalinyaro soomaali ah oo ka qeybgashay seminaarkii dhiiragalinta waxbarashada

Dhalinyaro lagu qiyaasay ilaa 400 oo qof ayaa shaley kasoo qeybgashay seminaarka dhiiragalinta waxbarashada, oo ay soo qaban-qaabiyeen ururka ardeyda soomaaliyeed ee SSF. Seminaarkii shaleyto qabsoomay ayaa ahaa kii ugu weynaa abid oo SSF qabato, marka loo eego tirada dadka kasoo qeybgalay. 

Motivasjonsseminaret ayaa ah seminaar sanadle ah oo ururka ardeyda SSF ay qabtaan, si dhalinyarada dhigata dugsiyasada sare loogu dhiiragaliyo iney waxbarasho heer-jaamacadeed ah u qaataan. 

Abdullahi Mohamed Amiin: Hadii aad hadaf leedahay, waad gaari kartaa caqabadu waxey rabto ha noqotee. 

SSF ayaa seminaarkan ku casuuntay aqoonyahano iyo marti-sharaf soomaali ah, si ay dhalinyarada ula qeybsadaan wadooyinkii ay u mareen waxbarashadooda ilaa heer jaamacadeed iyo caqabadaha ay kala kulmeen.

Abdullahi M. Amin
Foto: SSF

Dadka seminaarka lagu casuumay waxaa kamid ahaa Abdullahi Mohamed Amiin oo ah nin dhalinyaro soomaali ah, kaas oo Norway yimid isaga oo lixdiisa lixaad aysan u dhameystirneyn(sida aad sawirka ka arki kartaan), waxbarasho hore aan heysan. Abdullahi ayaa seminaarka shaley ka cadeeyay inuu sideed sano gudaheed kusoo afmeeray guud ahaan heerarka waxbarashada dalkan Norway, isaga oo kasoo bilaabay barashada luuqada, dugsi hoose-dhexe, dugsi sare iyo jaamacad shahaadada koowaad. Wuxuuna hada ka shaqeeyaa hey´ada laanqeyrta cas, xafiiskeeda Oslo.

Qof kasta oo ku fikarayo inuusan waxbaran karin caqabado jiro owgeed, ha fiiriyo ninkan meeshan taagan, hana ogaado inuu wax walba qaban karo hadii uu dadaalkeeda la imaado, hadaf cadna leeyahay.

Dr. Abdirashid Warsame
Foto: SSF

Sidoo kale aqoonyahadii shaley ka lagu casuumay seminaarkii, waxaa kamid ah Dr. Abdirashid Warsame(Garbajov) oo cilmibaare caafimaad ka ah isbitaalka weyn ee Oslo, kana mid ahaa aas-aasayaashii ururka SSF ee sanadkii 1995.

 

Dadka kale ee kulanka qeybta ka ahaa waxaa kamid ah: Marian Abdi Hussein, Aisha Ali Mohamed, Axmed A. Siyaad, Ismael.

Haaruun Siyaad: Ardeyda kaliga ah ee soomaaliga ah ee boolisnimo barto

Seminaarka dhiiragalinta waxbarashada ayaa waxaa sidoo kale kasoo qeybgalo ardey jaamacado ka dhigta wadankan, kuwaas oo warbixin dhalinyarada kale ka siiyo kuliyadaha jaamacadaha ay dhigtaan. 

Haaruun Siyaad oo kamid ah ardeydaas, ayaa sheegay inuu yahay ardeyga kali ah ee soomaali ah ee dhigta ee machadka booliska Oslo iyo Norway oo dhanba. Haaruun ayaa raaciyay inuu jeclaan lahaa inuu sanadkan arko ardey soomaali ah oo soo codsato machadka Booliska, maadaama maamulka iskuulku ay rabaan iney helaan ardey ajaaniiba ah oo soo gasha iskuulka boolisnimada.

 

SSF: Mahadcelin dadkii kasoo qeybgalay seminaarka

Ismaaciil Nuur Xeefow oo kamid ah gudiga maamulka ururka SSF, ayaa NorSom News u sheegay iney u mahadcelinayaan dadkii shaley kasoo qeybgalay seminaarka iyo dadkii kale ee ka qeybqaatay diyaarintiisa. 

Waxeyna sheegeen iney inta lagu jiro sanad-dugsiyeedkan ay diyaarin doonaan kulamo kale oo waxbarashada xiriir la leh. 

 

Gudiga maamulka ururka ardeyda SSF
Foto: SSF

 

Waaxda cimilada oo ka digeyso dabeyl iyo duufaan xoogan.

0

Waaxda saadaasha hawada ayaa soo saartay digniin ku saabsan dhanka cimillada Woqooyiga Norway dalkan Norway gaar ahaan Gobolka Troms. Waxayna shaacisay in saadasha ay sheegeyso inay jiri doonaan duufaano, Dabeylo xooggan iyo baraf badan oo da´i doona Jimcada maqribkii iyo wixii ka dambeeya, taasoo keeni karta daruufo adag oo gadiid wadista magaalooyinka qaarkood.

Dabeylaha ayaa la sheegay inay ku socon doonaan xawaare badan sida waaxda saadaasha hawada ay ku dhawaaqday.

Xarunta saadaashu waxa ay dadka ku nool deegannada woqooyiga ujeedisay inay si aad u feejignaadaan qqasatan darawallada kaxeeya gaadiidka qaaska ah iyo kan dadweynaha.

Sadex baabuurta gaadiidka bussaska ah ayaa sidoo kale maanta galinkii shilal ku galay magaalada Tromsø. 

Mohamed Abdulkadir Dahir(MCD).

 

[adsenseyu2]


Namsos: Nin norwiiji ah oo maxkamad lasoo taagay, kadib markii uu cunsuriyeeyay nin soomaali ah

0

Nin afartameeyo(40) jir norwiiji ah ayaa maanta oo jimco aheyd lasoo taagay maxkamada darajada hoose ee magaalada Namdal, waxaana lagu soo eedeeyay inuu fal cunsuriyo ah kula kacay nin soomaali ah oo sodomeeyo(30) jir ah. 

Sida ku xusan dacwada eedeynta ninkan loo soo jeediyay, wuxuu aflagaado iyo caay ay cunsurinimo ku dheehantahay kula kacay ninkan soomaaliga ah labo ama hal jeer, xili uu ku sugnaa afaafka hore ee senterka magaalada Namsos, Desember sanadkii 2015.  Sida dacwada ku xusan, waxaa ereyada oo ninkan ku dhahay soomaaliga kamid ahaa (Apekatt) Daanyeer iyo Drittsekk(Erey caay xun ah). 

[adsenseyu2]

Ninkan ayaa qirtay qeyb kamid ah danbiga lagu soo eedeeyay xili ay boolisku wareysi ka qaadayeen. 

 Sodomeeyo jirka soomaaliga ah ayaa Namsos degenaa mudo sadex sano ah, wuxuuna sheegay inuusan fal noocaas oo kale ah kula kulmin magaalada intii uu degenaa. 

Hadii ay maxkamadu ninkan ku hesho danbiga lagu soo eedeeyay, wuxuu muteysan karaa ganaax ama xabsi dhan ilaa sadex sano. 

Xigasho/kilde: NRK, NamdalAvisa

 

War Deg-deg: Mubarak Ahmed Taleb oo dib u helayo sharcigiisii jinsiyada Norwa

0

Hey´ada UNE ayaa maanta soo saartay go´aan ay ku sheegtay inay dib ugu noqotay go´aankeedi hore, isla markaana Mubarak Ahmed Taleb dib loogu soo celin doono sharcigiisii jinsiyada dalkan Norway oo sanado kahor laga qaaday. 

Go´aanka hey´ada UNE ayaa yimid, kadib markii maalmo kahor uu Mubarak Ahmed ka dhawaajiyay inuu maxkamad la fuuli doono dowlada Norway, si sharcigiisii jinsiyada dib loogu soo celiyo.  Halkan ka akhri warkaas. 

Mubarak ayaa wadankan Norway ku yimid qaab dacwo ahaan ah, waxaana wadanka kaga soo horeeyay walaalkii ka weynaa iyo aabihii. Walaalkii Khaled Ahmed ayaa lagu qasbay inuu wadanka isaga baxo, kadib markii ay cadaatay inuu ka been-sheegay asalkiisa oo ahaa soomaali-jabuutiyaan. 

[adsenseyu2]

Aabaha Mubarak ayaa isna laga tarxiilay Norway, wuxuuna Jabuuti ku geeriyooday shan maalmood kadib markii wadankaas laga dajiyay. Sidoo kale walaalkii Ismael Ahmed ayaa kamid ahaa dadkii ku geeriyooday xasuuqii Utøya ee gacan ku dhiigle Anders Breivi. 

Ninkan dhalinyarada soomaaliga ah ayaa wadanka yimid isaga oo caruur ah,waxaana u dhaxdo haweeney Norwiiji dhalad ah oo ay ilmo wada heystaan. 

Xigasho/kilde: VG, NRK 

[adsenseyu2]

Abdullahi Cilmi: Ka qeybqaata taakuleynta dadka abaaruhu ay saameeyeen

0

Sida aad la socotaanba Soomaaliya muda dheer roob ka ma di’in, taasna waxay sababtay in dad badan ay la kulmeen abaar aad u saameysay guud ahaan dadkii Soomaaliyeed. Waxaa la soo sheegayaa in  dadbadan ay abaartaas darteed u geerooyideen. Run ahaantii waa arin aan indhaha laga laaban karin. Waxaan doonayaa in aan qarash u aruurino walaaleheyna dhibaateysan. Qarashka waxaan ku uruurineynaa UNICEF oo sii gudbin doonta. Fadlan ku caawi wixii aad awoodo.

Linkigan ku dhufo si aad uga qeybqaadato tabarucaada abaaraha. 

Per Sandeberg oo si kumeel gaar ah u noqon doono wasiirka arimaha soo galootiga

0

Bilowga bisha soo socoto ee Maarso ayaa lagu wadaa in wasiirada arimaha soo galootiga dalkan Norway ay gasho fasaxa umusha, maadaama ay dhawaan heli doonto ilmaheedii 3-aad. Waxaana booskeeda si kumeel gaar ah usii heyn doono Per Sandeberg oo hada ah wasiirka kaluumeysiga dalkan Norway. 

Per Sandeberg oo ah gudoomiye kuxigeenka 1-aad ee xisbiga FRP, ayaa ah mid kamid ah siyaasiyiinta ugu mayalga iyo hadalka adag ee xisbigaas, isaga oo lagu bartay inuu mar walba buuq ka abuuro warbaahinta. Sandeberg ayaa lagu xasuustaa inuu yahay siyaasiyiinta aadka uga soo horjeedo soo galootiga, gaar ahaan kuwo ka imaanaya wadamada aan reer galbeedka aheyn. 

Listhaug ayaa sida lagu wada shaqada kusoo noqon doonto bilowga bisha Luulyo ee sanadkan, iyada oo markaas ka qeybqaadan doonto ololaha doorashada ee xisbigeeda. 

Per Sandeberg ayaa sheegay inuu meesheedii kasii wadi doono shaqadii Listhaug, waxa ugu muhiimsana ay noqon doonto in la xakameeyo dadka soo galootiga ah ee Norway magangalyada soo weydiisanayo.

Xigasho/kilde: Dagbladet.no 

[adsenseyu2]

Marian Abdi oo kamid noqotay golaha dhexe ee xisbiga SV

0

Sida ku xusan war qoraal ah oo kasoo baxay xisbiga SV, Mariam Abdi Husein oo ah gabar siyaasiyad soomaali ah ayaa loo doortay inay kamid noqoto golaha dhexe ee xisbiga SV.

Golaha dhexe ayaa ah gudiga ugu sareeyo ee jaan-gooya go´aanada xisbiga, waxaana golaha dhexe hogaamiyaha gudoomiyaha xisbiga SV, Audin Lysbakken. Sidoo kale waxey qaban-qaabiyaan shirweynaha guud ee xisbiga. 

Marian ayaa horey uga mid aheyd musharaxiinta baarlamaanka xisbiga SV uga tartamaya magaalada Oslo, iyada oo kujirto booska 5-aad. Waxeyna hada u muuqataa inay awood iyo saameyn balaaran kusii dhex-yeelaneyso xisbigaas SV. 

Xigasho/kilde: SV.NO 

Darawalada soomaaliyeed ee gaadiidka dadweynaha ka shaqeeyow, arintan oo kale ka feejignaada

0

Muuqaalka darawalkan soomaaliga ah ee telefonka ku hadlayo isaga oo shaqada busska kujiro, waxaa aad looga hadalhayaa baraha bulshada ee dalka Sweden. Sida muuqadato waxaa muuqaalka duubay qof rakaab ah, kadibna wuxuu ku faafay baraha bulshada, gaar ahaan Facebooga. 

Arintan ayay dhamaan dadka commentiyada ka bixiyay ku tilmaameen inay tahay mid masuuliyad daro ah, isla markaana uu darawalkaas khatar galiyay naftiisa iyo nafta dadka uu baabuurka ku wado. Dadka qaarkood waxeyba danbiga dusha u saareyeen qowmiyada soomaalida oo ay ku tilmaameen iney yihiin dad aan aqoonin masuuliyada shaqada lagu aamino. 

[adsenseyu2]

Waxaa laga yaabaa muwaadinka soomaaliga ah ee busska waday inuusan filaneyn in muuqaal laga duubo xiligaas, kadibna lagaliyo baraha bulshada. Laakiin si kastaba ha noqotee, darawalada soomaalida ah ee gaadiidka dadweynaha ka shaqeeyoow, arintan oo kale ka feejignaada. 

Awalbaan khaatir ka taagneyn magac xumo suuqa shaqada naloo galiyey, yeysan noogu darsamin magac xumo kale oo aan anaga gacmaheena kusoo jiidanayo. 

Mohamed Omar Wardheere: Pilotkii ugu horeeyay ee soomaali-swedish ah!, Hambalyo

0

Mohamed Omar Wardheere oo ah wiil dhalinyaro soomaali-Swedish ah, ayaa noqday Pilotkii(duuliyihii) ugu horeeyay oo ay yeeshaan jaaliyada Soomaaliyeed ee Sweden. Mohamed ayaa sidoo kale (inta la ogyahay) noqon doono duuliyii ugu horeeyay ee soomaali ah ee kasoo baxa wadamada Scandanevianka.!

Duuliyahan soomaaliga ah ayaa ku dhashay, kuna koray magaalada Gotoberg ee dalkaas Sweden. Wuxuuna hada ka shaqeeyaa wadamada England iyo Holand. 

Xigasho/kilde: 365 TV dager om året

[adsenseyu2]

 

Mohamed Abdullahi: Soomaalida inteeda badan waxey rabaan iney shaqeystaan, laakiin shaqooyinka ay codsadaan ma helaan.

0

NRK Radio, barnaamijkiisa Ekko ayaa wareysi la yeeshay Mohamed Abdullahi oo ah wiil dhalinyaro ardey soomaali ah oo dhigta jaamacada NTNU. Mohamed ayaa NRK.no horey ugu soo daabacay maqaal uu cinwaankiisu ahaa : Soomaalida inteeda badan ma ahan sida ay Amal Aden wax oga qoreyso. 

Wareysigan cusub ee NRK-Radio ayaa uga hadlayaa in soomaalida badankooda ay rabaan iney shaqeystaan, laakiin aan la siin hadii ay codsadaan shaqooyinka ay rabaan iney ka shaqeeyaan. Isaga oo raaciyay inay muhiim tahay inuu imaado isbadal siyaasada dhinaca dowlada ah. 

Halkan ka dhageyso wareysiga Mohamed iyo Ekko. 

[adsenseyu2]

(Abdulkadir Aden Ciye):10-kan qodob halagaa helo, hadii aad tahay maamule.

0

Maamulku ma’aha hawl sahlan, mana ahan hawl culus, laakiin waa hawl u baahan caqli badan, cilmi badan iyo cudud niyad saafi ah weheliso.
Haddaba maamulow ila wadaag qodobbadaan maanta:


1=Ahow qof afkaar badan oo figrado badan isu keeni kara waqti kooban, kaddibna kala dhex-bixi kara kuwa ugu fiican.

2=Ahow qof kala garan kara, sida shaqooyinku u kala muhiimsan yihiin, kaddibna dooran kara kuwa ugu muhiimsan.

3=Ahow qof cilmi iyo cilmi-baaris joogto ah ku dhisa hawlihiisa, kaddibna go’aamo la isku huba qaata.

4=Ahow qof tixgalin siiya danta guud iyo cilaaqaadka dadka ku xeeran, si dantiisa gaar ahaaneed ugu fusho.

5=Ahow qof tashi badan oo aan ka xishoon su’aalaha iyo wax kororsiga.
6=Ahow qof ku dadaala dhismaha naftiisa iyo qoyskiisa dhanwalba.
7=Ahow qof aragti dheer oo meel aan dadku wax ka arkin ka arka.
8=Ahow qof khaladaadkiisa ka faa’iideysta.
9=Ahow qof ku fiican dajinta istaraajiyaadka iyo
Siyaasadaha shaqadu u baahan tahay.
10=Ahow qof shuruucda shaqada iyo tan dawladda intaba ilaaliya, qofkii aan sharciga ilaalin shalleyto kama baxo.

Listhaug: Deeqaha aan bixino , waa inaan ku bedelanaa heshiis dib u celinta dadka sharciga loo diiday

0

Warbixin cusub oo dhawaan soo baxday ayaa lagu sheegay in hadii uu jiro heshiis dib u celin ah, ay fududaaneyso in dad badan si khasab ah loogu celiyo wadankoodii. Wasiirada arimaha soo galootiga dalkan Norway ayaa sheegtay iney xooga saari doonaan in deeqaha/mucaawinada ay bixiyaan, ay u adeegsan doonaan saxiixa heshiisyo cusub oo dib u celin ah. 

Warbixintan oo ay soo saartay hey´ada Fafo ayaa lagu sheegay in wax kabadan 50% dadkii wadanka sharci la´aanta ku joogay Norway, dib loogu celiyay wadankoodii, kadib markii ay Norway heshiis dib u celin ah la gashay wadankoodii.

Listhaug oo NRK la hadashay ayaa sheegtay in hadii uu jiro heshiis dib u celin ah, ay arkeen iney keeneyso dar-dar galin ku saabsan dib u celinta dadka. Qaar iyagu iskood u noqday iyo qaar kale oo si khasab ah lagu celiyay.

Waxeyna raacisay inay xooga saari doonaan in deeqaha ay dowladu bixiso, ay u adeegsan doonaan galitaanta heshiisyo dib u celin ah. 

Hadii Norway ay wadan siiso taageero, waxaa khasab inaan sugno iney dib u qaataan muwaadiniinta dalkooda kasoo jeedo. Taasna waxey noqon doontaa  mid muhiim ah waqtiga soo socdo., Ayey Listhaug ku tiri NRK oo arintaas wax ka weydiiyay.

Noas: Deeqaha waa in loo adeegsadaa dib u dhiska wadamada:

Ururka u dooda xuquuqda dadka magangalyo-doonayaasha ah, ayaa warkaas Listhaug kasoo baxay ku tilmaamay nasiib daro. Iyaga oo sheegay in mucaawinada iyo deeqaha la siiyo dalalkaas, loogu tala-galay in lagu wanaajiyo xaalada dalkaas uu ku suganyahay iyo dib u dhiska hanaanka dowladnimada.

[adsenseyu2]

Jon Ole Martinsen oo katirsan Noas ayaa sheegay in diktaatooro(kaligii taliye) iyo dowlado aan ixtiraamin xuquuqda bini aadamka, lagu abaalmariyo inay dib u qaataan muwaadiniinta dalkooda, ay tahay mid ayaan daro ah.

Heshiis dib u celin mar walba ma shaqeeyo: Ethopia

Hye´ada soo saartay warbixinta ay Listhaug xiganeyso, ayaa sheegtay in heshiis dib u celin  ah uusan mar walbe xal aheyn. Ethopia ayaa heshiis dib u celin Norway la gashay sanadkii 2012. Waxaana kaamamka Norway kujiro dad kor u dhaafayo 400 oo Ethopia kasoo jeedo. Inkasta oo uu heshiis jiro, hadana dowlada Norway ayaa ilaa hada aan dad badan wadankaas dib ugu celin.

Heshiisyo dib u celin cusub:

Ilaa 1800 oo sharci la´aan ayaa kunool Norway sida uu qorayo NRK. intooda badan waxey kasoo jeedaan dalal aan Norway hesiis dib u celin la galin, sida Soomaaliya, Iran iyo Ereteriya. 

Wasiirada arimaha soo galootiga ayaa sheegtay inay hada ka shaqeynayaan dhameystirka heshiisyo cusub oo dib u celin ah, laakiin wey diiday inay magacowdo wadamada ay wadahadalka kula jiraan. 

Listhaug ayaa raacisay in arintan ku saabsan heshiisyada dib u celinta qoxootiga, ay hada tahay mid Yurub oo dhan ay muhiimad gaar ah siineyso.

 

Xigasho/kilde: NRK.NO 

[adsenseyu2]

Mubarak Taleb oo maxkamad la fuulayo dowlada Norway, si jinsiyadiisii dhalashada dib loogu soo celiyo

0

Mubarak Ahmed Taleb oo la dhashay Ismael Ahmed, wiilkii soomaaliga ahaa ee ku geeriyooday xasuuqii Utøya, ayaa maxkamad la fuuli doono dowlada Norway, si uu dib ugu helo sharcigiisii dhalashada dalkan Norway oo laga qaatay sanado kahor. Mubarak ayaa isna kamid ahaa dadkii ka badbaaday xasuuqaas uu walaalkii ku geeriyooday ee Utøya.

Ninkan dhalinyarada soomaaliga ah ayaa la dhashay Khaled Axmed Taleb, oo ah siyaasiyigii soomaaliga ahaa ee katirsanaa xisbiga Ap-Hamar, kaas oo dowlada Norway ay dib uga ceshatay sharcigii dhalashada, isla markaana ay ku amartay inuu wadanka isaga baxo. Khaled oo asal ahaan kasoo jeedo dalka Jabuuti, ayaa markii uu magangalyada weydiisanayay dalkan Norway sheegtay inuu kasoo jeedo Soomaaliya, wuxuuna sidaas ku helay magangalyo. Isaga oo u dacwooday qeyb kamid ah qoyskiisa, waxaana qaabkaas dacwada ah Norway ku imaaday mubaarak oo ah qofka hada maxkamada la fuulayo dowlada dalkan Norway.

[adsenseyu2]

Danbiga iyo walaalkii:

Khaled oo ah qofkii 25-jirkan uu wadanka daraadiis ku yimid, ayaa hada Norway isaga baxay, isaga kunool wadanka Jabuuti. Aabihiis oo ahaa qof waayeel ah oo xanuunsan, ayaa sidoo kale lagu amray inuu Norway isaga baxo, wuxuuna Jabuuti ku geeriyooday maalmo kadib markii dalkaas laga dajiyay. 

Mubarak oo markii uu Norway la keenayay ahaa ilmo yar, ayaa hada Norway ku dhalay caruur, isaga oo ay u dhaxdo haweeney Norwiiji ah. Waxaana uu qareenkiisu sheegay inuu wali la itaal-daranyahay xanuunadii iyo muragadii kasoo gaartay xasuuqii Utøya ee gacan-ku dhiigle Anders Breivik, oo ahaa meeshii uu walaalkiis ku geeriyooday. 

Maadaama aabihii iyo walaalkii ka weyn ay isku dhiibeen macluumaad aan sax aheyn, ayna sheegteen inay kasoo jeedaan Soomaaliya, waxaa Mubarak laga ceshtay jinsiyada dalkan Norway, isaga oo lagu amray inuu wadanka isaga baxo. Dhawaan ayuu maxkamad la fuuli doonaa dowlada Norway, si uu sharcigiisa dib loogu soo celiyo. 

Breivik iyo Mubarak:

Wargeysyo badan oo caan ah ayaa horey wax uga qoray xaalada Mubarak Ahmed. Washington post, The guardian, Le monde ayaa kamid ah wargeysyada ay sii jiidatay sheekada 25-jirkan. The Washington Post ayaa sanadkii 2015 warbixin ka qoray Mubarak, waxeyna cinwaan uga dhigeen: 

Iyada oo Breivik uu xabsiga dhexdiisa jaamacado ku dhiganayo, waxey dowladu ku cadaadineysaa mid kamid ah dadkii ka badbaaday xasuuqiisa in si khasab ah wadanka looga saaro.

Bisha may ee sanadkan ayaa lagu wadaa inuu maxkamada lasoo istaago dowlada. Qareenkiisa ayaa sheegay inuu rajeynayo in Mubarak loo soo celiyo sharcigiisa, loona tixgaliyo xiriirka uu la leeyahay wadankan Norway oo uu caruur ku dhalay, xaaskiisuna ay wadanka u dhalatay. 

Xigasho/kilde: Klassekampen-Papiravis(14-02-2017)

[adsenseyu2]

error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.