mandag, april 22, 2024

Spain: 160.000 qof oo isugu baxay banaanbax lagu taageerayo soo galootiga

dad kor u dhaafayo 160.000 qof ayaa maalintii sabtida aheyd isugu soo baxay magaalada Barcelona oo kamid ah magaalooyinka ugu waaweyn wadanka Spain. Dadkaas oo dalbanayay in dowlada wadankaas ay ka dhabeyso balanqaadkii ay hore oo ahaa inay magangalyo u fidiso 17.000 oo qoxooti ah. Banaanbaxan ayaa ahaa mid kamid ah kuwii ugu weyna taariikhda Yurub, ee lagu taageerayo soo galootiga iyo magangalyo-doonayaasha.

Dowlada Spain ayaa sanadkii hore balan-qaaday inay magangalyo u fidin doonto 17.000 oo qoxooti ah, kana soo jeedo wadamada Siiriya, Ciraaq, Ereteriya iyo Afgaanistaan. Wuxuuna balanqaadkaas qeyb ka ahaa heshiiska saami qeybsiga qoxootiga ee midowga yurub. 

Dadweynaha sabtidii banaanbaxa isugu soo baxay, ayaa sheegay in dowlada wadankaas ee dhinaca midig u janjeerto, ay ilaa hada magangalyo siisay 1.100 qof, tiradaas oo ah mid wax badan ka yar tii ay dowladu balan-qaaday. Arintaasna waxey ku tilmaameen inay tahay wax laga xishoodo, iyaga ku booriyay midowga Yurub inay si fiican dowlada wadankaas cadaadis ugu saaraan sidii ay uga dhabeyn laheyd balan-qaadkaas.

FOTO: MANU FERNANDEZ / AP

Qaban-qaabiyaasha mudaaharaadka ayaa sheegay in tirada dadka kasoo qeybgalay ay 300.000 gaarayaan, laakiin booliska ayaa soo saarey tiro kale oo ah 160.000. Dadka isugu soo baxay banaanbaxan ayaa sheegay in Spain ay qeybyteeda ka qaadato samato-bixinta iyo magangalyo siinta dadka ay saameeyaan colaadaha ka socdo aduunka. 

 

 

Yurubta kale oo yaaban:

Arintan ayaa layaab ku noqotay xisbiyo badan oo ka dhisan qaarada Yurub, kuwaas oo u qaadan waayay in dad intaas le´eg ay isugu soo bixi karaan, banaanbax lagu taageerayo soo galooti xiligan hada la joogo. Iyada oo la ogyahay in dhaqaalaha wadanka Spain uu hoos u dhac ku yimid sanadadii ugu danbeeyay, dadweynaha wadankaasna ay la daala-dhacayaan shaqo la´aan baahsan.

Dadka banaanbaxa soo agaasimay ayaa sheegay in magangalyo iyo dib u dajin loo fidiyo soo galooti, aysan waxbo u dhimeynin dhaqaalaha wadankaas, isla markaana aysan saameyn ku yeelan karin shaqo la´aanta. 

Xigasho/kilde: NRK.NO 

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
2
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x