torsdag, april 25, 2024

Waaxda cimilada oo ka digeyso dabeyl iyo duufaan xoogan.

Waaxda saadaasha hawada ayaa soo saartay digniin ku saabsan dhanka cimillada Woqooyiga Norway dalkan Norway gaar ahaan Gobolka Troms. Waxayna shaacisay in saadasha ay sheegeyso inay jiri doonaan duufaano, Dabeylo xooggan iyo baraf badan oo da´i doona Jimcada maqribkii iyo wixii ka dambeeya, taasoo keeni karta daruufo adag oo gadiid wadista magaalooyinka qaarkood.

Dabeylaha ayaa la sheegay inay ku socon doonaan xawaare badan sida waaxda saadaasha hawada ay ku dhawaaqday.

Xarunta saadaashu waxa ay dadka ku nool deegannada woqooyiga ujeedisay inay si aad u feejignaadaan qqasatan darawallada kaxeeya gaadiidka qaaska ah iyo kan dadweynaha.

Sadex baabuurta gaadiidka bussaska ah ayaa sidoo kale maanta galinkii shilal ku galay magaalada Tromsø. 

Mohamed Abdulkadir Dahir(MCD).

 

[adsenseyu2]


Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x