Namsos: Nin norwiiji ah oo maxkamad lasoo taagay, kadib markii uu cunsuriyeeyay nin soomaali ah

0
97

Nin afartameeyo(40) jir norwiiji ah ayaa maanta oo jimco aheyd lasoo taagay maxkamada darajada hoose ee magaalada Namdal, waxaana lagu soo eedeeyay inuu fal cunsuriyo ah kula kacay nin soomaali ah oo sodomeeyo(30) jir ah. 

Sida ku xusan dacwada eedeynta ninkan loo soo jeediyay, wuxuu aflagaado iyo caay ay cunsurinimo ku dheehantahay kula kacay ninkan soomaaliga ah labo ama hal jeer, xili uu ku sugnaa afaafka hore ee senterka magaalada Namsos, Desember sanadkii 2015.  Sida dacwada ku xusan, waxaa ereyada oo ninkan ku dhahay soomaaliga kamid ahaa (Apekatt) Daanyeer iyo Drittsekk(Erey caay xun ah). 

[adsenseyu2]

Ninkan ayaa qirtay qeyb kamid ah danbiga lagu soo eedeeyay xili ay boolisku wareysi ka qaadayeen. 

 Sodomeeyo jirka soomaaliga ah ayaa Namsos degenaa mudo sadex sano ah, wuxuuna sheegay inuusan fal noocaas oo kale ah kula kulmin magaalada intii uu degenaa. 

Hadii ay maxkamadu ninkan ku hesho danbiga lagu soo eedeeyay, wuxuu muteysan karaa ganaax ama xabsi dhan ilaa sadex sano. 

Xigasho/kilde: NRK, NamdalAvisa

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments