tirsdag, april 16, 2024

Darawalada soomaaliyeed ee gaadiidka dadweynaha ka shaqeeyow, arintan oo kale ka feejignaada

Muuqaalka darawalkan soomaaliga ah ee telefonka ku hadlayo isaga oo shaqada busska kujiro, waxaa aad looga hadalhayaa baraha bulshada ee dalka Sweden. Sida muuqadato waxaa muuqaalka duubay qof rakaab ah, kadibna wuxuu ku faafay baraha bulshada, gaar ahaan Facebooga. 

Arintan ayay dhamaan dadka commentiyada ka bixiyay ku tilmaameen inay tahay mid masuuliyad daro ah, isla markaana uu darawalkaas khatar galiyay naftiisa iyo nafta dadka uu baabuurka ku wado. Dadka qaarkood waxeyba danbiga dusha u saareyeen qowmiyada soomaalida oo ay ku tilmaameen iney yihiin dad aan aqoonin masuuliyada shaqada lagu aamino. 

[adsenseyu2]

Waxaa laga yaabaa muwaadinka soomaaliga ah ee busska waday inuusan filaneyn in muuqaal laga duubo xiligaas, kadibna lagaliyo baraha bulshada. Laakiin si kastaba ha noqotee, darawalada soomaalida ah ee gaadiidka dadweynaha ka shaqeeyoow, arintan oo kale ka feejignaada. 

Awalbaan khaatir ka taagneyn magac xumo suuqa shaqada naloo galiyey, yeysan noogu darsamin magac xumo kale oo aan anaga gacmaheena kusoo jiidanayo. 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x