torsdag, april 25, 2024

Per Sandeberg oo si kumeel gaar ah u noqon doono wasiirka arimaha soo galootiga

Bilowga bisha soo socoto ee Maarso ayaa lagu wadaa in wasiirada arimaha soo galootiga dalkan Norway ay gasho fasaxa umusha, maadaama ay dhawaan heli doonto ilmaheedii 3-aad. Waxaana booskeeda si kumeel gaar ah usii heyn doono Per Sandeberg oo hada ah wasiirka kaluumeysiga dalkan Norway. 

Per Sandeberg oo ah gudoomiye kuxigeenka 1-aad ee xisbiga FRP, ayaa ah mid kamid ah siyaasiyiinta ugu mayalga iyo hadalka adag ee xisbigaas, isaga oo lagu bartay inuu mar walba buuq ka abuuro warbaahinta. Sandeberg ayaa lagu xasuustaa inuu yahay siyaasiyiinta aadka uga soo horjeedo soo galootiga, gaar ahaan kuwo ka imaanaya wadamada aan reer galbeedka aheyn. 

Listhaug ayaa sida lagu wada shaqada kusoo noqon doonto bilowga bisha Luulyo ee sanadkan, iyada oo markaas ka qeybqaadan doonto ololaha doorashada ee xisbigeeda. 

Per Sandeberg ayaa sheegay inuu meesheedii kasii wadi doono shaqadii Listhaug, waxa ugu muhiimsana ay noqon doonto in la xakameeyo dadka soo galootiga ah ee Norway magangalyada soo weydiisanayo.

Xigasho/kilde: Dagbladet.no 

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x