Gudiga gurmadka abaaraha jaaliyada soomaaliyeed ee Norway, ayaa maanta oo isniin ah diray/xawilay lacagtii gurmadka abaaraha ee ay iska soo uruuriyeen jaaliyada soomaaliyeed ee Norway.
Waxaana lacagtan oo tiradeedu ay dhantahay 1.26.025 NOK, sarifkeeduna uu noqonayo 114.900 $ lagu diray Sh Nuur Baaruud Gurxan oo ah madaxa gudiga gurmadka abaaraha qaran ee Soomaaliya.
Khalad farsamo oo dhacay Jimcihii:
Maalinta jimcaha aheyd ee lasoo dhaafay, waxaa lasoo bandhigay tirada lacagta soo xarootay guud ahaan, taas oo aheyd 1.026.26 NOK(Halkan ka daawo muuqaalkii live-ka ahaa, marka lacagta lasoo bandhigayay). Laakiin waxaa jiray khalad dhanka sarifka ah, kaas oo ka yimid qaabka loo dhigay sarif ahaanta lacagta marka dollar loo badalayo. Meeshii la rabay in laga dhigo qof(Jeg vil veksle fra), ayaa waxaa laga dhigay (Jeg vil kjøpe). Waxeyna taas keentay in tirada sarifka lacagta uu uu noqdo mid khaldan(124.786kun $, halka tirada saxda ah ay noqoneyso 114.900$).

U fiirso wali isbadalin tirada lacagta norwiijiga ah, ee waxa isbadalay waa tirada lacagta sarifka ah, marka dollar loo badalayo.(Halkan ka hubi oo adigaba gali lacagta norwiijiga ah ee dhan 1.026.025, kadibna qeybta sarifka waxaa ka dhigtaa(Jeg vil veksle fra). Halkan ka hubi sarifka lacagtan oo Norwiiji ah: dnb.no/Valutakalkulator
Dahabshiil: Waxaan lacagtan ku dirnay khidmo la´aan
NorSom News ayaa goob-joob ka aheyd kulanka ay lacagta ku dirayeen gudiga gurmadka abaaraha. Abdi Yusuf oo katirsan maamulayaasha Shirkada Dahabshiil Norway, ayaa sheegay in lacagtaas ay ka gudoomeen gudiga, isla markaana ay ku direen magaca Sh Nuur Baaruud Gurxan. Isaga oo raaciyay in lacagtan ay ka qaadan doonin lacagaha khidmada dulsaarka ah oo ay shirkaduhu qaataan, marka ay lacagta dirayaan.