torsdag, mars 28, 2024

Italiya oo meel-marisay sharci xuquuq dheeri ah siinayo caruurta magangalyo-doonka ah

Dowlada dalka talyaaniga ayaa meel-marisay sharci cusub oo xuquuq dheeri ah siinayo caruurta magangalyo doonka ah ee dalkaas iska soo dhiibo. Sharcigan cusub ayaa dhigayo in caruurta soo galootiga ah ee dalkaas magangalyada soo weydiisto, ay heli doonaan xaquuq lamid ah caruurta u dhalatay wadanka Talyaaniga, ayna xaq u yeelan doonaan iskuul iyo daryeel caafimaad oo dowli ah.

Waxaa sidoo kale sharcigan ku xusan in caruurta dalkaas iska soo dhiibto ay heli doonaan qof masuul ka noqdo oo noloshooda damaanad qaado.

Sharcigan ayaa ah kii ugu horeeyay oo noociisa oo kale ah ee ka dhaqangala wadamada midowga Yurub ee EU-da. Sanadkii lasoo dhaafay ee 2016 oo kali ah, waxaa Italy magangalyo soo weydiistay 25.800 oo caruur magangalyo doon ah.

Inkasta oo dhaqaalaha Talyaaniga uu hoos u dhacay, shaqo la´aan badana ay kajirto, hadana dowlada dalkaas arintaas kama horistaageyso inay gacan bini-aadanimo u fididayaan da´yarta nolosha bida ee magangalyada soo weydiisata.

Xigasho/kilde: Dagsavisen.no

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x