torsdag, mars 28, 2024

Politiken(Denmark): Qoyskan waxaa laga soo qaaday Libya, hadana Soomaaliya ayaa laga yaabaa in lagu celiyo

Wargeyska Politiken ee dalka Denmark ayaa warbixin dheer ka qoray, xaalada qoys soomaaliyeed oo lagu wargaliyay inay dhici karto in Soomaaliya lagu celiyo, inkasta oo dowlada Denmark ay qoyska sanadkii 2012 kasoo qaadatay dalka Tunusiya oo ay qoxooti ku ahaayeen.

Sida uu wargeyskan qorayo, qoyskan soomaaliyeed ayaa in mudo ah degenaa dalka Libya oo caruurtooda qaar kamid ah ay ku dhasheen, ilaa heer jaamaceedna ay ku gaareen. Waxeyna sheegeen inay dalkaas ku noolaayeen ilaa sanadkii 2011, xiligaas oo uu dagaal sokeeye ka qarxay Libya ayna u qaxeen Tunusiya. Waxaana halkaas qoxooti ahaan uga soo qaadatay(Kvoteflykyning) dalka Denmark.

[adsenseyu2]

Inkasta oo qoyskan aysan toos uga imaan Soomaaliya, mudo dheerna ay kasoo maqnaayeen, hadana dhawaan ayaa waxaa wareysi ugu yeeray laanta socdaalka ee dalkaas. Waxaana lagu wargaliyay in magangalyadooda dib u qiimeyn lagu sameyn doono, maadaama xaalada amaan ee Soomaaliya ay soo hagaagtay.

Denmark cagahooda kuma imaan ee waa lasoo qaaday:

Qaabka ay qoyska soomaaliyeed dalkaas ku imaadeen ayaa ah qaabka loo yaqaan(Kvoteflyktnig) ama Nidaamka saami qeybsiga qoxootia aduunka ee qaramada Midoobay. Waxaana soo qaadatay oo magangalyo siisay Denmark oo ajiibeyso codsiga qaramada midoobay.

Qaramada midoobay iyo wadamada EU-da ayaa qeylo dhaan kasoo saarey arimahan ay Denmark sheegtay iney ku kaceyso, iyada oo ay noqoneyso markii ugu horeysay taariikhda oo uu wadan magangalyada kala noqdo, qoxootiga uu sanado kahor soo qaatay, isla markaana uu nabadgalyo u fidiyay.

Qoyskan soomaaliyeed ayaa kamid ah ilaa 800 oo qoxooti soomaaliyeed ah oo dalkaas kunool, kuwaas oo dowlada Denmark ay sheegtay inay dib u qiimeyn ku sameyn doonto magangalyadooda. Waxaana ilaa hada sharciga magangalyada dib looga qaaday ilaa 57 qof.

Wasiirada arimaha soo galootiga dalkaas Ingeborg Støjberg oo arinta qoyska ka jawaabeyso, ayaa sheegtay inaysan wax dhibaato ah aheyn, hadii qofka lagu celiyo wadanka uu muwaadinka u yahay, hadii ay nabad-galyo ka dhacdo.

Hey´adaha qoxootiga aduunka, kuwa qaramada midoobay iyo dhamaan dadka xogta fiican ka hayo ayaa sheegayo in xaaalada amaan ee Soomaaliya, aysan gaarsiisneyn heer qoxooti lagu celiyo. Iyaga oo ka codsanayo dowlada Denmark inay go´aankaas dib u dhigto.

Xigasho/kilde: Politiken.dk

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x