fredag, april 19, 2024

UDI: Ilaa hada 120 qof soomaali ah ayaan digniin dib u qiimeyn magangalyo u dirnay

Laanta socdaalka iyo agaasinka soo galootiga ee UDI-da, ayaa bogeeda kusoo qortay qoraal warbixin ah oo ay uga hadleyso dib u qiimeyn magangalyada muwaadiniinta soomaaliyeed ee gaaraya 1600 ee qof(Hoos ka akhri qoraalkaas oo af-norwiiji ah).

Waxeyna sheegtay inay amar ka heleen wasaarada dastuurka iyo amniga, taas oo siisay wareegto ay dib ugu qiimeynayaan magangalyada dadka soomaaliyeed ee Norway iska soo dhiibay wixii ka horeeyay 2014, walina aan qaadan degenaanshaha rasmiga ah ee (Permanent oppholdtillatelse).

UDI-da ayaa qoraalkaaga raaciyay in arintan ay sabab u tahay in xaalada amaan ee Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho ay soo hagaagtay, kadib markii ay isaga baxeen ururka Al shabaab.

[adsenseyu2]

Ilaa hada 120 qof:

Sida ku xusan qoraalka hey´ada laanta socdaalka, ilaa hada waxaa digniinta dib u qiimeynta sharciga magangalyada helay 120 qof oo dhamaantood kasoo jeed magaalada Muqdisho.

Waxey sidoo kale raaciyeen in qof walba kiiskiisa si gooni ah loo qiimeyn doono inuu u baahanyahay magangalyo iyo inkale. Waxeyna sidoo kale sheegeen in hadii ay qaataan go´aan dib ugala noqosho sharci magangalyo, ay wali qiimeynayaan in qofka sharci dal kujoog lagu siin karo siyaabo kale. Sida sababo xaalad bini-aadanimo oo qofka ku xiri kara Norway, waxa u wanaagsan caruurta, hadii uu qofku ilmo ku heysto Norway iyo waliba  hadii ay jiraan dhibaatooyin caafimaad.

Go´aanka UDI, waxaad ka gudbin kartaa cabasho+ Qareen bilaash ah:

Sida ku xusan qoraalka laanta socdaalka, dhamaan dadka loo soo diray warqada digniinta dib u qiimeynta sharciga magangalyada, waxey xaq u leeyihiin inay helaan qareen difaaco oo bilaash ah. Isla markaana ay wixii macluumaad ah oo muhiim u ah kiiskiisa, uu usoo diro karo UDI-da, kahor inta aysan go´aan karin.

Sidoo kale hadii ay UDI-du go´aan gaarto, wuxuu qofku go´aankaas cabasho uga gudbin karaa hey´ada UNE oo mar kale dib u eegis ku sameyn doonto go´aanka UDI-da.

Xigasho/kilde: UDI.no(halkan ka akhri warka qoraalka ah ee UDI-da).

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x