onsdag, mars 12, 2025
Home Blog Page 22

(Skien): Kulan-bulsheed: Kahortaga iyo ladagaalanka cunsuriyadda iyo midab takoorka

Daraasad iyo cilmibaarisyo kala duwan oo laga sameeyay dalkan Norway, ayaa tilmaamayo in ugu yaraan kala bar dadka ajaaniibta ah ee kunool dalkan, ay sanadkii hal mar iyo ka badan la kulmaan noocyo iyo qaabab kala duwan oo cunsuriyad, faquuq ama takoor. Noocyadda takoorka ama cunsuriyadda kala duwan, ayaa qofka uga timaado goobaha shaqada, suuqa guryaha, goobaha waxbarashada, goobaha dadweynaha iyo xitaa xafiisyada dowliga ah.

Cilmibaarisyadda Takoorka iyo cunsuriyadda uu qofku ama bulshadu la kulanto ayaa qofka ku yeeshaa saameyn xoogan oo caafimaad ahaan, jir ahaan ama nafsiyad ahaan ah. Sidaas darteed ayay muhiim u tahay in qaab cilmiyeysan oo abaabulan looga hortago, loona dhimo cunsuriyada iyo takoor ah ay la kulmaan bulshooyinka ajaaniibta ah, soomaaliduna ay kamid tahay.

Golaha ajaaniibta ee gobolka Telemark( telemark innvandrer-råd) iyo warbaahinta NorSom TV waxey idinku soo dhaweyneynaa kulan bulsheed aqoon-kororsi ah oo looga hadlayo noocyadda kala duwan ee cunsuriyadda Norway ka jirta ah, iyo qaabkii looga hortagi lahaa, loona dhimi lahaa. Waxaana kulanka oo ka dhici doono magaaladda Skien, nagala soo qeybgali gali doono aqoonyahano soomaali ah iyo qeybaha kala duwan ee jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaaladda Skien.
Macluumaadka kulanka:
Taariikhda: Sabti, 03.06.2023
Goobta: Lie Bydelshus
Saacadda: 17:00-20:00.

Cilmibaare Soomaali Swedish ah oo bilad sharaf weyn la gudoonsiiyay.

Sacda Mire oo ah gabar Soomaali ah ayaa ku guuleysatay inay ka mid noqoto dadka ku guuleystay abaalmarinta Wayfinder Award ee ay bixiso National Geographic Explorer.

Dadka la siiyo Abaalmarinta Wayfinder waa shaqsiyaad isu soo taagay inay yihiin jiilka soo socda ee hogaamiyayaasha saamaynta leh, iyo hal-abuurayaasha shaqadooda muhiimka ahi nagu dhiirigaliyo inaan wax ka barano.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan idinla wadaago in aan helay Abaalmarinta Wayfinder oo aan ku biirayo bulshada caalamiga ah ee National Geographic Explorer,” ayay barteeda Twitter soo dhigtay.

Sada Mire waa cilmi-baare aasaarta qadiimiga ah oo Soomaali Iswidhis ah. Waa taariikhyahanad u ololeeya kor u qaadidda hidaha dhaqanka sida baahida aasaasiga ah ee bini’aadamka waqtiyada dagaalka.

Sacda waa gabadhii ugu horeysay ee Soomaali ah oo barata cilmiga aasaarta qadiimiga, in ka badan toban sano, waxay ahayd khabiirka kaliya ee Soomaaliyeed ee u tababaran cilmiga aasaarta qadiimiga ah ee Soomaaliya iyo Somaliland.

Waa maareeyaha aasaaska waaxda cilmiga qadiimiga ah ee Somaliland. Waxay sidoo kale tahay agaasimaha iyo aasaasaha machadka Horn Heritage Foundation, iyada oo ka shaqeysa cilmi-baarista iyo ilaalinta hiddaha Geeska Afrika oo dhan.

Goobaha taariikhiga ah ee Somaliland ay Sacda ku soo aragtay:

Labaatankii sano ee ugu dambeeyay goobo badan oo taariikhi ah ayaa laga helay Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madax-bannaanida ee Somaliland. Waxaa haatan jira in ka badan boqol goobood oo ay ugu caasan taay Laas Geel oo laga helay dhagxaan ay sawirro ku xardhan yihiin oo 9000 jirsaday. Si kastaba, dhagaxaantan ma aysan aqoonsan mana ilaaliyaan ururrada daryeela goobah ataariikhiga ah sida UNESCO.

Dr Saada Mire oo ah khabiir dhanka deegaanka ah ayaa BBC-da u sheegtay in Somaliland ay ku yaallaan goobo badan oo muhiim ah, kuwaas oo ay tahay in laga warqabo oo la ilaaliyo.

Laasgeel oo 40 meyl dhanka waqooyi ka xigta magaalada Hargeysa ayaa waxaa laga helay dhagaxaan ay sawirro ku xardhan yihiin , kuwaas oo noqday astaan ay Somaliland caan ku tahay.

Dhagaxaantan sawirrada lagu xardhay oo qarniyo jirsaday ayaa soo jiitay indhaha caalamka, kaddib markii ay soo saareen khubarro Faransiis ah muddo labaatan sano ka hor ah.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Oslo: Caruurta oo lacag la aan ku raaci doono gaadiidka dadweynaha.

Golaha deegaanka degmadda Oslo ayaa sheegtay in inta lagu gudo fasaxa xagaaga(sommerka), caruurtu iyo dhalinyaradda ay lacag la aan looga dhigi doono raacitaanka gaadiidka dadweynaha. Waa hadii ay la socdaan qof weyn oo baabuurka la saaran.

Qofka kasta oo ka weyn 18-sano oo wata tigid qof weyn, ayaa loo ogolaan doonaa in si bilaash ah ay gaadiidka dadweynaha Oslo la raaci karaan ilaa afar(4) caruur ah. Waxeyna fursaddan socon doontaa inta u dhaxeysa 21-ka bisha Juun iyo 21-ka Bisha August ee sanadkan.

Gaadiidka dadweynaha ee degmadda Oslo ay sheegtay ayaa ah bussas-ka, tareemadda, tareen-yaraha( trikk) iyo doomaha ka shaqeeya soonka koowaad ee magaaladda Oslo.

Sirin Stav oo ah hogaanka gaadiidka iyo wadooyinka degmadda Oslo, ayaa sheegay in arrintana ay degmaddu ku caawineyso qoysaska ilmaha heysta, xili ay waxyaabo badan Oslo qaali ka noqdeen.

Xigasho/kilde: Oslo: Barn får reise gratis med voksne hele sommeren.

Maalintan dhamaan «mobilada» Norway giriir iyo dhawaq ayaa ka yeeri doono.

Dalkan Norway waxaa bishii February laga dhaqangaliyay nidaamka cusub ee digniinta xaaladda deg-dega ah, kaas oo dowladu ay fariinta dadka kula wadaagi doonto mobiladda gacanta.

Adeegan digniinta fariimeysan ee mobilka gacanta ayaa kaabi doono adeegga digniinta sameecaddaha, wuxuuna gaari doonaa inta badan dadka Norway kunool. Waxaana fariintan heli karo qofka heysto adeega internetka ee 4G ama 5G, sidoo kale heysto mobilada gacanta ee casriga ah. Fariinta kadib, waxaa qeylin doono ama dhawaaq digniin ah oo ka yeeri doonaa mobilka gacanta ee qofka, xitaa hadii uu codka ka xiranyahay mobilka( Silent).

14-ka bisha Juni ayay dowladu tijaabin doontaa adeegan cusub, taas oo ka dhigan in mobil walba oo Norway laga adeegsado ama leh anteeno shaqeyneyso uu heli doono fariin tijaabo ah oo lagu hubinayo qaabka uu adeegan u shaqeynayo.

Isla maalintan dowlada ayaa sidoo kale tijaabin doonto 1200 sameecadood oo kuyaal Norway, si loo hubiyo inay u shaqeynayaan qaabkii loogu talagalay.

Xigasho/kilde: Test av nytt varslingssystem 14. juni – mobiler over hele Norge vil pipe og vibrere.

Booliska Oslo oo xarun gaar ah ka furanayo xaafadda Grønland.

Booliska magaaladda Oslo ayaa xarun ah ka furayo xaafadda ay ajaaniibtu ku badantahay Oslo ee Grønland. Xaruntan oo loogu magac-daray booliska daris-wanaaga ayaa waxaa ka shaqeyn doono ilaa shan ilaa afar unug oo katirsan booliska Oslo, kuwaas oo xaaladda xaafadan si gaar ah ula socon doono.

Grønland ayaa soo labeyn doonto xaafadda Tøyen oo horey sidan oo kale bishii February loogu sameeyay xarun boolis oo gaar ah.

Ida Melbo Øystese oo ah taliyaha qeybta booliska Oslo ayaa sheegtay in dadweynaha kunool xaafaddan ay u baahanyihiin helitaan fudud oo booliska ay helaan, taas oo ay sheegtay inay keeni karto nabadgalyo iyo amni ay dareemaan dhalinyaradda iyo caruurta.

Unugyadda booliska ee xaafaddan loo xilsaaray ayaa lugeyn doono jidadka xaafaddaha, si ay si dhow ula kulmaan dadweynaha kunool deegaanka.

Taliyaha qeybta booliska Oslo ayaa carabka ku dhufatay in deegaanka ay ka dhacaan falal amni daro oo badan, sidaas darteed ay arrintan u sameynayaan, iyaga oo khibrad fiican ka helay xaruntii noocan oo kale aheyd ee horey looga furay xaafadda Tøyen.

Xigasho/kilde: Grønland i Oslo får eget nabolagspoliti.

Mareykanka oo xafiis ka furanayo magaaladda Tromsø.

Dowlada Mareykanka ayaa xafiis diblomaasiyadeed ka furaneyso magaaladda Tromsø ee woqooyiga dalkan Norway. Waxaa sidaas maanta sheegay wasiirka arrimaha dibadda dalka Mareykanka Antony Blinken oo la kulmay reysulwasaaraha dalkan Norway, Jonas Garh Større.

Xafiiska oo sida uu wasiirka arrimaha dibadda mareykanka sheegay noqon doono mid laga ilaalinayo danaha dowlada Mareykanka iyo saaxiibadaddiisa ee gobolka, ayaa ah xafiiska ugu xiga cirifka woqooyi ee ay yeelato dowlada Mareykanka.

Duqa magaaladda Tromsø Gunnar Wilhelmsen ayaa soo dhaweeyay xafiiska ay dowlada Mareykanka ka furaneyso magaaladiisa. Waxa uu uu sheegay in woqooyiga Norway uu gacmo furan kusoo dhaweynayo dowlada Mareykanka, isaga oo raaciyay muhiimadda ilaalinta isbadalka cimiladda iyo nabadda gobolkaas.

Warka kasoo baxay dowlada Mareykanka, ayaa kusoo aadanayo xili maalmahan uu magaaladda Oslo ka socdo shirka ururka xulufadda Nato.

USA åpner diplomatisk kontor i Tromsø

Macluumaad ku saabsan Shabakada netka ee NORA iyo waxey ku saabsan tahey

Xaqa aad u leedahay inaad adigu wax doorato iyo xuquuqahaaga Norway

Waa daryeel iyo dabiici in waalidiintu ay u sameeyaan carruurtooda xuduud. Sidoo kale waa dabiici in carruurtu ay helaan fursad weyn oo ay wax ku dooran karaan marka ay sii weynaadaanba.

Carruurta qaar ka mid ah ayaa dareema inaan loo oggoleyn waxyaabaha firaaqada la qabto ama inay iyagu qaataan doorashooyin muhiim ah. Waxey dareemaan in aad loo xakameeyo waxa ay sameyn rabaan iyo cidda ay la hadlayaan. Qaarkoodna waxey dareemaan dhib iyo hanjabaado haddii ay sameyn waayaan waxa qoysku doonayo. Qaarna inkasta oo aaney kala kulmin cadaadis ama hadal qallafsan qoyskooda, laakiin waxey kala kulmaan oo keliya saaxiibada ama dadka kale oo ay isku dhaqanka yihiin.

Doorashooyinka muhiimka ah sida tusaale ahaan doorashada waxbarasho iyo guurku waa muhiim in aad adigu doorashada lahaato. Waxa sidan dhigaya sharciga Norway. Sharciga carruurta ee Noway waxa saameyn ku leh heshiiska caalamiga ah ee xuquuqda carruurta ee Qaramada Midoobay. Heshiiska xuquuqda carruurta ee Qaramada Midoobay wuxuu dhigayaa in carruurtu xuquuq leedahey oo ay ku noolaadaan nolol qiime leh meesha ay doonaan ha joogeene.

Sharciyada khuseeya carruurta ku nool Norway

Waa kuwan dhowr sharciyo ah oo la soo xulay:

  • Carruurta buuxisay 15 sanno, iyaga ayaa go’aaminaya su’aasha doorashada waxbarasho iyo iney ku biiraan ama ka baxaan ururro.
  • Xadka da’da guurka ee Norway waa 18 sanno, waana sharci darro in qof lagu khasbo guur.
  • Da’da sharciga caafimaadka Norway waa 16 sanno. Marka aad buuxiso 16 sanno, adiga ayaa keligaa u tegi kara dhakhtarka ama isbitaalka oo ka hadli kara waxa aad rabto – iyada oo aan cid kale ogaan karin.
  • Marka aad 12 sanno dhaafto waxa uu qoysku ku weydiin karaa inaad rabto inaad dal debeda ah u raaci karto.
  • Dhammaan noocyada gudniinka ee hablaha waa mamnuuc adag.
  • Waa ka mamnuuc hadda in adeegyada dadweynaha ee Norway carruurta u isticmaalaan turjumaan ahaan. Haddii adiga ama waalidkaa ay la kulmayaan adeegga dadwaynaha ee Norway, waxa waajib ku ah inay idiin soo helaan turjumaan haddii aad u baahantihiin.

Heshiiska carruurta caalamiga ah ee Qaramada Midoobey

Waa kuwan dhowr sharciyo ah oo la soo xulay:

  • Dawladda ayaa mas’uul ka ah in dhammaan carruurtu ay helaan xuquuqdooda.
  • Dadka waaweyni waa inay sameeyaan waxa u fiican carruurta.
  • Dhammaan carruurtu waxey xaq u leeyihiin inay yeeshaan aqoonsi u gaar ah oo ay ahaadaan cidda ay yihiin.
  • Dhammaan carruurtu waxey xaq u leeyihiin inay ra’yigooda dhiibtaan oo ay saamayn ku yeeshaan arrimaha iyaga khuseeya.
  • Dhammaan carruurtu waxey xaq u leeyihiin nolol u gaar ah (privatliv).
  • Dhammaan carruurtu waxey xaq u leeyihiin in aan cidna u geysan wax-yeello jidheed ama maskaxeed ama lagu xadgudbin.
  • Dhammaan carruurtu waxey xaq u leeyihiin inay dugsi aadaan oo ay waxbarasho helaan.
  • Dhammaan carruurta waa in laga ilaaliyo uga faa’iidaysiga galmada iyo xadgudubka galmada.
  • Dhammaan carruurta la kulmay xaalad adag ama wax-yeello waxey xaq u leeyihiin caawimo.

Haddii adiga iyo qoyskaaga khilaaf idinka dhaxeeyo

Aad ayay u adag tahey in carruur lagu koriyo dal aan ahayn kii lagu soo koray. Waalidiinta qaar ayaa ka falceliya oo aad u xakameeya nolosha carruurta si ka badan sidii hore. Mararka qaarkood walaalaha ayaa qeyb ka noqda xakameynta.

Qoyska ama bay’adda ayaa laga yaabaa iney ka werweraan waxa ay dadku ka sheegi doonaan haddii aad doorato wax aan aheyn waxa ay rabaan. Xaaladdan oo kale waxey abuuri kartaa daal badan haddii aan cidina ku taageerin. Waxaa laga yaabaa inaad dareento in ay ku kala jiitaan rabitaanka ah inaad madaxbannaanaato iyo inaad xidhiidh wanaagsan la yeelato qoyskaaga.

Qoysaska qaarkood waxey caawimo ka helaan iyagoo la hadla dadka waaweyn ee ay isku asalka yihiin ee muddada dheer Norway ku noolaa. Kuwana waxey doortaan caawimada ay ha helaan kooraska hagida waalidka, xafiiska dhawrida qoyska, adeega badbaadada carruurta, dhexdhexaadiyeyaasha khilaafaadka ama qof aqoon leh oo ka socda NGO.

Haddii uu jiro khilaaf adiga iyo qoyskaaga idiin dhexeeya, waxaa jira dhowr xal oo suurtogal ah. Adigaaga da’da yar, inta badan waxa fiican inaad marka hore la hadasho qof weyn oo aad ku kalsoon tahey. Tusaale ahaan dadka ku caawin kara waxaa ka mid ah lataliyeyaasha dadka laga tirada badan yahey.

lataliyeyaasha dadka laga tirada badan yahey

Lataliyeyaasha dadka laga tirada badan yahey waxey ka shaqeeyaan dugsiyada Norway qaarkood. Lataliyeyaasha dadka laga tirada badan yahey waxa ay ka shaqeeyaan ilaalinta xuquuqda carruurta iyo dhallinyarada, iyaga oo siinaya talo kuwa u baahan. Waxa kale oo ay caawiyaan dadka ka weyn 18 sanno ee u nugul dhibta.

Waxey noqon karaan dad aad la hadasho haddii aad dareento in aan xuquuqdaada la ixtiraamin iyo in cidi kugu khasbeyso wax aanaad rabin inaad sameyso. Waxey tani noqon kartaa wax kasta laga bilaabo doorashada waxbarasho ilaa doorasho guur. Carruurta iyo dhallinyarada ka welwelsan in qoysku si aan rabitaakooda aheyn ugu dirayo dalka debediisa waxa ay sidoo kale la hadli karaan lataliyeha dadka laga tirada badan yahey.

Waad la hadli kartaa haddii ay kugu adag tahay inaad qoyskaaga isfahantaan oo aad u baahan tahey talo ku saabsan sidii aad si wanaagsan isugu fahmi lahaydeen. Lataliyeyaasha dadka laga tirada badan yahey waxey kale oo wax badan ka yaqaaniin sida ay tahay in lagu koro dhaqamo kala duwan, iyo sida ay tahey in la soo qaxo ama haajiro.

Lataliyeyaasha dadka laga tirada badan yahey waxaa saaran waajib sir qarin oo looma ogola iney dad kale kala hadlaan arrimahaaga haddii aanaad adigu rabin. Dad badan ayaa u arka iney adagtahey in dhibaatooyinka qoyska ay dad kale oo waaweyn kala hadlaan. Adiga iyo lataliyeha dadka laga tirada badan yahey waxaad waqti ku isticmaali kartaan inaad bilowga hore isbartaan. Adiga ayey kugu xidhan tahey waxa aad rabto inaad sheegto iyo  talooyinka aad doorato inaad raacdo.

Xaalado aad u yar, ayaa lataliyeha dadka laga tirada badan yahey uu la xidhiidhaa dad kale si loo sugi karo ammaankaaga. Tani waxey dhici kartaa xaalaadaha uu ku ogaado/ogaato in noloshaada iyo caafimaadkaagu ay ku jiraan halis degdeg ah. Haddii ay lama huraan noqoto in lataliyeyaha dadka laga tirada badan yahey uu xidhiidh la sameeyo dad kale oo ku caawin kara, mar walba waa inuu/iney marka hore adiga ku ogeysiiyaan.

Haddii aad rabto inaad ogaato lataliyeyaha dadka laga tirada badan yahey ee kuugu dhow waxaad weydiin kartaa dadka ka shaqeeya dugsigaaga ama ka eeg liistadan.

IMDi minoritetsrådgivere på ungdomsskoler og videregående skoler | IMDi

Goobaha kale ee aad caawimo ka heli karto

Waxa jira dad badan oo ku caawin kara, waa kuwan qaar ka mida ahi:

  • Kalkaaliso: Waxaa saaran waajib sir qarin, waxyaalaha aad kala hadli karto waxa ka mida ah caqabadaha caafimaadka, caadada, dhibaatooyinka hurdada, dhibaatooyinka guriga, galmada, jihaynta jinsiga iyo dhibaatooyinka jidhka ama maskaxda gudniinka kadib.
  • Dhakhtarka Guud: Waxaa saaran waajib sir qarin oo waxaad kala hadli kartaa caqabadaha caafimaadka. Waxey noqon karaan dhibaatooyin jidheed iyo maskaxeed gudniinka kadib, dhibaatooyinka guriga, galmada ama jihaynta jinsiga.
  • Macalin: Waxaa saaran waajib sir qarin. Macalinku waa qof aad aamini karto oo aad maalin walba aragto. Macalinku wuxuu kaa caawin karaa cidda aad la sii hadli karto.
  • Maadinta carruurta: Adeegga maadinta carruurtu waxa uu carruurta iyo dhallinyarada da’doodu ka yar tahay 18 jir iyo qoysaska siiyaa caawimo iyo taageero guriga ah marka ay xaalladdu adakaato. Waa mas’uuliyadda waalidka iney caruurtooda siiyaan xannaano. Laakiin haddii ay wada kari waayaan, adeegga badbaadada carruurtu wuxuu ka caawinayaa sidii carruurta iyo dhallinyaradu u heli lahaayeen daryeel, amni iyo fursado horumarineed.
  • Xarunta dhibbanayaasha: waa meelo ammaan ah oo aad ku noolaan karto haddii aad 18 sanno ka weyntahey oo laguu gaysatey dhib ama u bahaantahey ilaalin, ka eeg goobaha kuugu dhow halkan: Krisesenter nær deg – Krisesentersekretariatet

Shabakado luqado kala duwan

Way kala duwan yihiin tirada luqadaha boggagan loo turjumay.

  1. Haddii laguu geysto dhib ama xakameyn waxaad talooyin badan ka helaysaa haddii aad akhrido boggan.  Languages – Dinutvei.no
  2. Waa tan shabakad aad isticmaali karto haddii aad Norway soo degtay oo aad ka fekerto waxyaabo xun ama ay ku hayso hurdo xumo. SteadyEnglish | sosialarbeidere
  3. Macluumaad ku saabsan caawimada caafimaad ee gudniinka dumarka waa kanHelsekonsekvenser og helsehjelp etter kjønnslemlestelse – Helsedirektoratet
  4. Waa kan hage ku qoran luqado kala duwan oo loogu talogaley waalidiinta ku korinaya carrruurta dhaqamo kala duwan. Identitet og tilhørighet – Voksne for Barn (vfb.no)
  5. Waa tan shabakada netka ee urur ka caawiya ajinebiga iyo qaxootiga wixii su’aalo ah ee ku saabsan deggenaanshaha ilaa khilaafaadka qoyska.. DO YOU NEED HELP ? | SEIF (wpcomstaging.com)
  6. Ma qabtaa su’aal ku saabsan xaaladaada jinsi waa tan shabakada netka ee urur ka shaqeeya mawduuca. Skeiv Verden – Queer World — Skeiv Verden

Lambaro telifoon oo muhiim ah

  • Xaalad halis ah oo ku saabsan nolosha iyo caafimaadka ah: 113
  • Booliiska: 112 gargaarka degdega ah iyo 02800 dhacdooyinka aan halista aad u daran ahayn.
  • Dhakhtarka gurmadka qaranka: 116 117 Kani waa lambar qaran oo kuu gudbinaya dhakhtarka gurmadka ee kuugu dhow.
  • Telifoonka degdega ah ee carruurta iyo dhalinyarada: 116 123
  • Caafimaadka dhimirka: 116 111
  • Khadka dhibta (vold) iyo faroxumeyta: 116 006

Kani waa khad caawimo oo loogu talogalay qofka kala kulma dhib ama faroxumeyn dadka xidhiidhka dhow la leh.

  • SOS ka kiniisadda: 22 40 00 40
  • Isdhaawicid/halis isdilid: 815 33 300 waa talifoon degdeg ah oo 24 saacadood furan.
  • Telifoonka Laanqayrta cas ee guurka khasabka ah iyo gudniinka dumarka: 815 55
  • Ma heysaa su’aal ama rabitaan ku saabsan shabakadan netka?

Dadka halkan wax ku qoraa, waxa kale oo ay la shaqeeyaan dhallinyaro. Waxa aan jeclaan laheyn in aad nala wadaagto waxyaallaha aad ka akhrido Nora iyo waxa aad rabto inaad wax badan ka akhrido. Haddii aad rabto noogu soo dir iimayl: nora@imdi.no

Halkan kasii akhri: https://www.imdi.no/nora/

Shacabka Norway oo 8000 hub ah sharci daro u gacan-galiyay dowlada.

Dowlada Norway ayaa bilo kahor fursad cafis wadareed ah oo loo fidiyay dadka heysta hubka iyo qoryaha sharci-darada kusoo galay ama ay ku heystaan, hadii ay iyagu doortaan in iskood ay dowlada hubkooda ugu soo gacan-galiyaan.

Ujeedka ay dowladu ka laheyd arrintan, ayay sida ay sheegtay wasiiradda cadaaladda aheyd in la yareeyo hubka sharci daradda ah ee lagu heysto Norway, kuwaas oo gacanta u gali karo kooxo danbiiley ah oo falal amniga dhibaato ku ah ku geysan karo. Waxeyna dowladu sheegtay in qofkii hubkiisa soo gacan-galiyo mudadaas loo qabtay, uusan la kulmi doonin wax ciqaab sharciyeed ah.

Fursadaas oo ku eg maalinta khamiista ah ee soo socoto(isbuuca danbe), ayaa waxaa sida muuqda ilaa hada ka faa´iideystay boqolaal katirsan shacabka Norway, kuwaas oo hub sharci daro ah oo gaarayay 8000, isugu jira noocyada hubka fudud usoo gacan-galiyay dowlada.

Waxaa Norway kunool dad badan oo heysta hub siyaabo kala duwan kusoo galay. Qaar ayaa hubka ka dhexlay waalidkooda, balse aan diiwaangalin oo leysin u qaadan, qaar ayaa ka helay guryaha ay waalidkood ku noolaayeen, halka uu Norway wali ka jiro hub badan oo kasoo haray dagaalkii labaad ee aduunka.

Qofka hub sharci daro ah ku heysto Norway, ayaa la kulmi karo ciqaab sharciyeed dhan ganaax lacageed ama xabsi ilaa lix(6) sano gaarayo.

Xigasho/kilde: Kun én uke igjen av våpenamnesti – politiet har mottatt over 8.000 våpen.

Baarlamaanka Norway oo sirdoonka u meelmariyay awood ay wax dhageysan karaan.

Baarlamaanka Norway ayaa maanta meelmariyay hindise sharciyeed ku saabsan in hey addaha Sirdoonka Norway, qeybtooda E-tjenesten loo ogolaado inay dhageysan karaan, keydsana karaan xogta la isugu gudaha Norway iyo dalalka dibadda ah.

Baarlamaanka ayaa hey´addan awood u siiyay inay sameyn karaan basaasid iyo dhageyso xogaha la isagu gudbiyo Norway iyo dalalka kale ee dibadda ah, taas oo ka dhigan in xitaa dadka Norwiijiga ee tuhunku ama raadku soo galo ah ay sirdoonku dhageysan karaan. Waase hadii ay sirdoonka helaan ogolaansho maxkamadd.

Sirdoonka Norway ayaa sidoo kale loo ogolaaday inay qalab dhageysi ku xiran karaan shirkaddaha iyo goobaha kale ee isgaarsiinta iyo xiriirka.

Xigasho/kilde: Nå kan E-tjenesten starte overvåking.

Dowlada Mareykan oo 26-dan qof ee soomaalida ah ku dartay liiska Madow.

Dawladda Mareykanka ayaa maanta liiska madow ku dartay xubno kale oo ka mid ah ururka Al-Shabaab iyo shaqsiyaad xiriir la leh kooxda.

War saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in xubnaha liiska madaw lagu daray ay ka mid yihiin:

Maxamed Siidow oo Mareyanku sheegeen inuu yahay amiir dhinaca maaliyadda ah oo ka tirsan ciidanka jabhadda ee Al-Shabaab; Cali Yare oo la sheegay inuu yahay amiir kale oo dhinaca maaliyadda ah oo qaabilsan inuu canshuuraha Al-Shabaab uga ururiyo tuullada Beledul Amiin ee gobolka Shabeellada Hoose; Maxamed Dauud Gabaane oo isna la sheegay inuu Al-Shabaab mas’uul uga yahay hawlaha canshuuraha degmada Wanlaweyn.

Waxaa kale oo xubnaha uu Mareyanku ku daray liiska madow ku jira Suleiman Cabdi Daoud oo ah amiirka maaliyadda ee iyo amiirka degaanka Beledul Amiin, iyo kormeerka maxkamadda Al-Shabaab ee ganaaxa ururisa.

Maxamed Cumar Maxamed ayaa isna la sheegay inuu yahay guddoomiyaha Al-Shabaab ee Diinsoor, waxaana lagu eedeeyey inuu mas’uul ka yahay weeraro lagu qaaday rayidka.

Sidoo kale waxay dawladdu Mareykanku maanta sheegtay inay liiska madaw ku dartay xubno kale oo ka mid ah Al-Shabaab iyo hay’ado lagu eedeeyey inay ku xiran yihiin ururka.

Dadka la bartilmaameedsaday waxaa ku jira 15 qof oo la sheegay inay fududeeyaan maaliyadda ururka, afar ka ganacsada dhuxusha sharcidarrada ah iyo toddoba hay’adood oo ku xiran.

Xubnahaas kalena waxaa ku jira Xasan Abshir Xuurow oo Mareyanku sheegay inuu hoggaaminayey koox Al-Shabaab lacagta uga ururiisay rayidka Kismaayo, Aadan Yusuf Saciid Ibrahim (Ibrahim) oo Mareyanku sheegay inuu Al-Shabaab hanti uga ururiyo Shabeella Hoose iyo Mumin Dheere (Dheere) iyo Macalin Burhaan oo Mareykanku sheegay inay kala yihiin ku-xigeenka amiirka deegaanka Wayanta oo tirsan Shabeellada Hoose.

Xubnaha ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah; madaxa xisbada Al-Shabaab ee isla degaankaas, iyo 14 qof oo kale oo iyagana lagu eedeeyey dhaqaale u ururiyeen Al-Shabaab iyo 9 ka ganacsiga dhuxusha, iyo shirkado.

Sweden: Labo walaalo ah oo qorsheynayay gubitaanka kaniisado.

Dalka Germany waxaa laga soo qabtay labo(2) nin oo walaalo ah, kuwaas oo ku eedeysan inay qorsheynayeen gubitaanka kaniisad ku taal dalka Sweden. Labaddan nin ayaa la sheegay inay ka fal-celinayeen, kana shidaal-qaateen kitaabo quraan ah oo horey loogu gubay dalka Sweden.

Lama sheegin kaniisadda ay rabeen inay gubaan, iyo meesha ay ku taalo midna, balse Wakaaladda wararka ee TT ayaa sheegtay in ogaatay in labaddan walaalaha ay ka xanaaqeen kitaabadii quraanka ahaa ee lagu gubay banaanbaxyadda ka dhici jiray dalka Sweden.

Labaddan nin ee walaalaha ah oo aan la shaacin dalka ay u dhasheen asal ahaan, ayaa sidoo kale ku eedeysan maalgalin argagaxiso. Laanta sirdoonka ee Sapo wali wax war ah kama soo saarin arrintan.

Gubitaanka quraanka kariimka ee uu ka danbeeyo siyaasiga heysta dhalashada dalalka Sweden iyo Denmark ee Rasmus Paludan ayaa horey sabab ugu ahaa in Sweden ay ku guuleysan la dahay kamid noqoshada ururka Nato.

Xigasho/kilde: Terrorplaner mot svensk kirke skal ha vært motivert av koranbrenning.

Baarlamaanka: Cabitaankan lagama iibin karo dhalinyarada ka yar 16 sano.

Baarlamaanka Norway ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay hindise sharciyeed ahaa, in dhalinyarada ka yar 16-ka sano aan laga iibin karin cabitaanadda awooda keena ee «Energydrikk»( Redbull iyo kuwa kaleba).

Arrintan ayaa ka dhigan in dukaamadda iyo goobaha kale ee Ganacsiga, aysan dadka ka yar 16 sano ka iibin karin cabitaanaddan oo ay ku jiraan maaddadda Kofein-ka ee dadka u diida hurdada, balse wadata saameyno kale oo caafimaad.

Daraasad ay sameysay machadka caafimaadka ee FHI, ayaa lagu ogaaday in ilmaha iyo dhalinyaradda caba cabitaanaddan, ay dhibaato ku qabaan hurdadda, ay dareemaan nasasho la aan iyo wel-wel, iyo cabitaanadda oo saameyn ku yeesho neerfaha qofka oona keena caafimaad daro saameyn xoogan ku yeelata ilmaha.

Xigasho/kilde: Stortinget enige om energidrikk-forbud.

Booliska Innlandet oo loo ogolaaday adeegsiga biskooladda Korontada.

Booliska gobolka innlandet ee dalkan Norway ayaa bilaabi doono adeegsiga biskooladda danabka korontada, laga bilaabo bisha Juun ee sanadkan 2023.

Afar qeyb-gobol oo katirsan booliska dalkan Norway, ayaa tan iyo sanadkii 2019 si tijaabo loogu ogolaaday adeegsiga biskooladda korontada. Waxeyna wasaaradda cadaaladu bishii September sanadkii 2021 go aamisay in dhamaan qeybaha goboladda ee booliska Norway loo ogolaado adeegsiga biskooladdan.

Biskooladdan oo ku shaqeysa danabka korontada, ayaa marka qofka lagu dhufto, waxa ay mudo kooban qofka ka qaadaa awooda jireed, iyada oo saameysa neerfaha qofka. Taas oo booliska u sahleysa inay qofkaas qabtaan ama ka joojiyaan howl halis ah oo uu markaas sameynayo.

Biskooladdan ayaa mararka qaarkood sababta dhaawacyo qofka soo gaara, laakiin dhaawacyadaas oo fud-fudud intooda badan ma ahan kuwa ka dhasha biskooladda, ee waa kuwa qofka soo gaara marka uu dhulka ku dhacayo iwm.

Xigasho/kilde: Politiet i Innlandet tar i bruk elektrosjokkvåpen.

Magaaladdan oo dhamaan raacitaanka gaadiidka dadweynaha ka dhigtay bilaash.

Degmadda Stavanger ayaa raacitaanka gaadiidka dadweynaha ka dhigtay lacag la aan, laga bilaabo Kowda(1) bisha Luulyo ee sanadkan 2023. Taas oo ka dhigan in dadweynaha kunool magaaladdaas ay lacag la aan ku raaci karaan dhamaan gaadiidka dadweynaha ee ka shaqeeya magaaladaas, sida Bussas-ka, Tareenadda iyo doomaha.

Stavanger ayaa noqoneyso magaaladii ugu horeysay ee Norway oo raacitaanka gaadiidka dadweynaha ka dhigtay lacag la aan.

Duqa magaaladda Stavanger, Kari Nessa Nordtun ayaa sheegtay in ujeedka arrintan laga leeyahay ay tahay inay yaraato adeegsiga dadka ee baabuurtam taas badalkeedana ay dadku adeegsadaan baaskiil iyo gaadiidka dadweynaha oo hada lacag la aan laga dhigay.

Degmadda Stavanger ayaa rajeyneyso in arrintan ay 70% hoos u dhigto adeegsiga dadka ee baabuurta.

Xigasho/kilde: Gratis buss, båt og tog i Stavanger.

Dowlada: Norwiijiyaanku waa inay dhalaan wax ka badan 2 ilmood.

Wasiiradda qoyska iyo caruurta dalkan Norway, Kjersti Toppe, ayaa sheegtay in dowladu ay rabto in dadka Norwiijiga ah ay dhalaan wax ka badan 2 ilmood, dowladuna ay wax ka badal fiican ku sameyn doonto siyaasadda arrimaha qoyska.

Dhowrkii sano ee ugu danbeeyay waxaa aad hoos ugu dhacay tirada ilmaha ay dhalaan dadka Norwiijiga ah, iyada oo taranka ama ilmaha ay dhalaan dadka Norwiijiga ah uu sanadkii lasoo dhaafay gaaray heerkii ugu hooseeyay abid. Isku cel-celis ahaan labadda qof ee Norwiijiga ah, ayaa dhala 1,44 ilmood, taas oo ka dhigan inay ka hooseeyaan heerkii ugu yara ee aheyd inay dhalaan 2 ilmood oo labadda waalid badala.

Wasiiradda qoyska Norway ayaa wargeyska VG u sheegtay in lagama maarmaan ay tahay in isbadal xoogan oo xowli ah lagu sameeyo siyaasadda qoyska Norway, si arrintan wax looga qabto.

Wasiiradda oo iyada ah hooyo heysata lix(6) caruur ah ayaa hoosta ka xariiqday in dhalista ilmaha iyo tirada uu qofku rabo inuu dhalo, ay tahay doorasho uu isagu leeyahay. Laakiin hadii dadkay ay dhalaan caruur tiro ahaan ka yar intii uu rabay, ay markaas wax badan qaldami karaan.

Dowlada ayaa ka fakareyso inay qodobaddan soo rogto, si kor loogu qaado tirada ilmaha ay dhalaan dadka Norwiijiga ah.

  • In la xoojiyo taageeradda dhaqaale ee la siiyo ardeyda iyo dhalinyaradda kale ee ilmaha heysta.
  • In canshuurta laga yareeyo ama taageerooyin dhaqaale oo kale loo sameeyo waalidka heysta wax ka badan 2 ilmood.
  • In deynta waxbarashadda( studiegjeld) laga cafiyo ardeyda ilmaha dhala, iyaga oo waxbarashada ku jira.
  • In kor loo qaado taageeradda dhaqaale ee la siiyo waalidka heysta ilmaha u dhaxeeyo 6 ilaa 18 sano.
  • In siyaasadda guryaha wax laga badalo, si deegaan fiican loo siiyo waalidka ilmaha badan dhalay ee ku nool magaalooyinka waaweynka.
  • In la balaariyo xaqa ilmaha ee goobaha xanaanadda, ama ilmaha mar kasta oo uu rabo uu goobaha xaaanadda bilaabo karo.

Norway ayaa kamid ah dalalka reer Yurub ee ay sii yaraaneyso taranka cusub ama tiradda ilmaha cusub ee dhalanayo.

Xigasho: Kjersti Toppe: − Vil at nordmenn får flere barn.

Oslo: Dhalinyaro nin Taksiile ah dhacay oo la maxkamadeynayo.

Isbuuca soo socdo waxaa maxkamadda Oslo ka bilaaban doonto maxkamadynta afar dhalinyaro ah, kuwaas oo da ahaan wada jiro bilowba labaatameeyo. Dhalinyaradan ayaa ku eedeysan inay dhaceen, baabuurkana si xoog ah uga kaxeysteen nin taksiile ah.

Falkan ayaa 21-ka bishii September sanadkii 202i ka dhacay waddada caanka ah ee Københavngata ee katirsan xaafadda Dælenenga ee Oslo.

Sida ku xusan eeda xeer ilaalinta, afartan dhalinyaradda ah ayaa biskoolad iyo mindi ula soo baxay darawalka taksiilaha ah oo shaqada ku jiro. Waxeyna ka xoogeen mobilka gacanta iyo boorsadda jeebka. Iyaga oo waxyarna kadibna ka qaatay furaha baabuur, waxeyna ka dajiyeen baabuurkii uu saarnaa oo ay goobta kala baxsadeen.

Booliska ayaa baabuurka lala baxsaday markii danbe kasoo helay xaafadda Tøyen ee magaaladda Oslo. Booliska ayaa sidoo kale baaritaan xoogan kadib oo loo adeegsaday waxyaabo ay kamid yihiin Helikopter iyo baabuur tiro badan, waxa ay afartan dhalinyaradda kasoo qabteen uri kuyaal magaaladda Oslo.

Mid kamid ah dhalinyaradda eedeysanayaasha ah ayaa sidoo kale ku eedeysan inuu isku dayay inuu dhacay dukaanka Narvessen ee kuyaal wadda Dronnings Eufemias ee Oslo.

Dhageysiga maxkamadda eedeysanayaasha afarta ah, ayaa qaadan doonto mudo labo(2) maalmood ah.

Xigasho/kilde: Fire unge menn tiltalt for drosjeran

Daawo: Dhalinyarada iyo bahda ciyaaraha Norway oo soo dhaweyn u sameeyay laacibka Yaasiin A.A

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway, gaar ahaan dhalinyarada iyo bahda ciyaaraha ayaa jimcihii lasoo dhaafay kulan soo dhaweyn, taageero iyo dhiirigalin ah u sameeyay laacibka Yaasiin Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo dhawaan kasoo noqday dalka Algeria, kana mid ahaa laacibiintii xulka qaranka Soomaaliya ku matalayay koobka qaramadda Afrika ee 17-jirada.

Kulanka oo ahaa mid balaaran ayaa waxaa kasoo qeybgalay laacibiintii hore ee xulka qaranka Soomaaliya, bahda ciyaaraha Norway, odoyaasha jaaliyadda Norway iyo hooyooyin badan oo u yimid inay taageero iyo dhiirgalin u muujiyaan Yaasiin oo tusaale u noqon kara dhalinta soomaalida Norway.

Marka uu kulanka soo dhamaaday, waxaa aragtiyahooda weydiinay qaar kamid ah kasoo qeybgalayaashii kulanka iyo bahda ciyaaraha Norway:

Sababtan ayaad u waayi kartaa Lacagta fasaxa(Feriepenger) ee aad xaqa u leedahay.

Marka la gaaro dhamaadka bishan Mai ilaa bartamahha bisha , dad badan oo ay usoo noqotay canshuur, ayaa cela lacagihii ay xaqa u lahaayeen ee ah canshuurta dheeraadka ahaa ee ay bixiyeen. Sidoo kale waxaa xiligan oo kale soo dhacda lacagta fasaxa ee ah 12% lacagta uu qofku shaqeystay sanadkii hore.

Hadii aad tahay qof ay dowladu deyn ku leedahay ama aan bixin canshuur lagu lahaa, sanadkii hore, hey addaha dowlada ayaa jidka u istaagi kara lacagtii aad xaqa u laheyd ee canshuurta kuu soo noqotay ama lacagta fasaxa ee aad sanadkii hore shaqeysatay. Waxaana lacagta kaa leexsan kara NAV, waaxda uruurinta deymaha ee dowlada( Statens innkrevingssentral) iyo waaxda canshuuraha.

Sida ku xusan tirokoob ay sameysay NAV, ilaa 66.000 qof oo ay dowladu deyn ku leedahay ayay arintan taaban doontaa sanadkan.

NAV iyo hey addaha kale ee dowlada ayaa inta aysan qofka ka goyn lacagta, waxa ay qiimeeyaan qarashaadka qofka ee bilaha, iyaga oo markaas kadib go aamiyo inta ay tahay in laga gooyo lacagta usoo dhici laheyd.

Xigasho/kilde: Advarer om Navs «feriepengetrekk».

Maxkamad: Ururka «diinlaawayaasha» oo raba in loo aqoonsado urur-diimeed.

Ururka diinlaawayaasha( Ateistene) ayaa maxkamad la fuulay dowlada Norway, iyaga oo ka dacwoonaya in loo diiday diiwaangalinta aqoonta urur-diimeedyada. Maxkamadan u dhaxeyso dowlada iyo ururkan ayaa isniinta bilaaban doonto.

Sanadkii 2021 ayay ururkan oo sida ay sheegteen ay ku mideysanyihiin dadka aan rumeysneyn wax diin ah, waxa ay diidmo ka heleen codsi ay u gudbisteen dowlada Norway, iyaga oo rabay in loo aqoonsado urur-diimeed. Dowlada ayaa diidmadaas ku sababeysay in waxqabadka iyo shaqada ugu weyn ee ururka ay la xiriirto la dirirka diimaha, sidaas darteed aan loo aqoonsan karin urur diimeed.

Ururka ayaan ku qancin diidmadaas, waxa ayna hada maxkamad la fuulayaan dowlada Norway, iyaga oo dowlada ku eedeynayo inay si qaldan u turjuntay sharciga, qaladna ay ka fahmeen ururkooda. Waxa ayna aaminsanyihiin inay buuxiyeen dhamaan shuruudaha la xiriira kamid noqoshada ururaha diimaha Norway.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay ururka maxkamad la fuulaan dowlada Norway, iyaga oo ku andacoonaya inaan loo aqoonsan urur diimeed ahaan. Sanadkii 1983 ayay ururkan dowlada Norway la fuuleen maxkamad sidan oo kale ah, waxa ayna kusoo dhamaatay guuldaro.

Xigasho/kilde: Ateistene ble nektet registrering. Nå møter de staten i retten-

Shiinaha: Qofka heysta baasaboorka Norway, 6 maalin ayuu viso la aan joogi karaa.

Isbuucan waxaa dalka Norway booqasho rasmi ah ku joogay wasiirka arrimaha dalka Shiinaha Qin Gang oo la kulmayay dhigiisa dalkan Norway. Waxeyna ka wada hadleen xoojinta xiriirka labadda dal, iskaashiga dhaqaale iyo dagaalka ka socdo dalka Ukraine.

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Shiinaha ayaa qoraal saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in dowlada Shiinaha ay dadka Norwiijiyaanka ah u ogolaaneyso in dalka Shiinaha ay joogi karaan lix maalin viso( dal ku gal) la aan. Hadii ay usoo socdaalayaan dal kale, oo ay transit ahaan Shiinaha usii marayaan.

Norway ayaana ku biireyso 54 dal oo dowlada shiinuhu ay muwaadiniintooda u ogolaatay inay dalkeeda viso la aan joogi karaan mudo u dhaxeyso 72 ilaa 144 saacadood.

Wali lama shaacin goorta ay ka bilaaban doonto dhaqan-qalka ogolaanshahan cusub.

Xigasho/kilde: Kina gir nordmenn 144 timers visumfri innreise.

error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.