onsdag, april 24, 2024

Maalintan dhamaan «mobilada» Norway giriir iyo dhawaq ayaa ka yeeri doono.

Dalkan Norway waxaa bishii February laga dhaqangaliyay nidaamka cusub ee digniinta xaaladda deg-dega ah, kaas oo dowladu ay fariinta dadka kula wadaagi doonto mobiladda gacanta.

Adeegan digniinta fariimeysan ee mobilka gacanta ayaa kaabi doono adeegga digniinta sameecaddaha, wuxuuna gaari doonaa inta badan dadka Norway kunool. Waxaana fariintan heli karo qofka heysto adeega internetka ee 4G ama 5G, sidoo kale heysto mobilada gacanta ee casriga ah. Fariinta kadib, waxaa qeylin doono ama dhawaaq digniin ah oo ka yeeri doonaa mobilka gacanta ee qofka, xitaa hadii uu codka ka xiranyahay mobilka( Silent).

14-ka bisha Juni ayay dowladu tijaabin doontaa adeegan cusub, taas oo ka dhigan in mobil walba oo Norway laga adeegsado ama leh anteeno shaqeyneyso uu heli doono fariin tijaabo ah oo lagu hubinayo qaabka uu adeegan u shaqeynayo.

Isla maalintan dowlada ayaa sidoo kale tijaabin doonto 1200 sameecadood oo kuyaal Norway, si loo hubiyo inay u shaqeynayaan qaabkii loogu talagalay.

Xigasho/kilde: Test av nytt varslingssystem 14. juni – mobiler over hele Norge vil pipe og vibrere.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x