onsdag, mai 8, 2024

Maxkamad: Ururka «diinlaawayaasha» oo raba in loo aqoonsado urur-diimeed.

Ururka diinlaawayaasha( Ateistene) ayaa maxkamad la fuulay dowlada Norway, iyaga oo ka dacwoonaya in loo diiday diiwaangalinta aqoonta urur-diimeedyada. Maxkamadan u dhaxeyso dowlada iyo ururkan ayaa isniinta bilaaban doonto.

Sanadkii 2021 ayay ururkan oo sida ay sheegteen ay ku mideysanyihiin dadka aan rumeysneyn wax diin ah, waxa ay diidmo ka heleen codsi ay u gudbisteen dowlada Norway, iyaga oo rabay in loo aqoonsado urur-diimeed. Dowlada ayaa diidmadaas ku sababeysay in waxqabadka iyo shaqada ugu weyn ee ururka ay la xiriirto la dirirka diimaha, sidaas darteed aan loo aqoonsan karin urur diimeed.

Ururka ayaan ku qancin diidmadaas, waxa ayna hada maxkamad la fuulayaan dowlada Norway, iyaga oo dowlada ku eedeynayo inay si qaldan u turjuntay sharciga, qaladna ay ka fahmeen ururkooda. Waxa ayna aaminsanyihiin inay buuxiyeen dhamaan shuruudaha la xiriira kamid noqoshada ururaha diimaha Norway.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay ururka maxkamad la fuulaan dowlada Norway, iyaga oo ku andacoonaya inaan loo aqoonsan urur diimeed ahaan. Sanadkii 1983 ayay ururkan dowlada Norway la fuuleen maxkamad sidan oo kale ah, waxa ayna kusoo dhamaatay guuldaro.

Xigasho/kilde: Ateistene ble nektet registrering. Nå møter de staten i retten-

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x