onsdag, mars 12, 2025
Home Blog Page 21

Dowlada oo taageerada dhaqaale ee ceyrta kordhisay 10%.

Laga bilaabo maalinta beri ah, ee kowda(1) bisha Luulyo(7), dowlada ayaa kordhin doonto taageerada dhaqaale ee la siiyo dadka danyarta ah ee ceyrta loo yaqaan. Waxeyna dowladu ku kordhin doontaa qiyaastii 10%, kadib markii uu cadaadis saaray xisbiga SV.

Arrintan ayaa ka dhigan in dadka qaata lacagta ceryta ah ay heli doonaan lacago dheeraad bil walba, laga bilaabo bishan Luulyo

  • Dadka kaligood nool ee ceyrta qaata ayaa heli doono 7550 kr, halka ay markii hore qaadan jireen 6850. (700 kr dheeraad ah).
  • Lamaanaha is qaba ee ceyrta qaata ayaa heli doono 12.600 kr, halka ay markii hore heli jireen 11450 kr.
  • Qofka dad la degan ayaa heli doono 6350 kr, halka uu markii hore qaadan jiray 5750 kr.

Halkan kasii akhri: Mange får mer penger fra 1. juli. Sjekk hele lista her.

Gudoomiyaha xisbiga Rødt, Xildhibaan Bjørnar Moxnes oo lagu qabtay isaga oo ookiyaale xadayo.

Gudoomiyaha xisbiga Rødt, ahna xildhibaan katirsan baarlamaanka Norway, Bjørnar Moxnes ayaa bishii Juun ee sanadkan lagu qabtay dukaan ku yaalo airportka magaaladda Oslo, isaga oo markaas gacanta ku wato ookiyaale nooca qoraxda ah oo uusan lacagtiisa bixin.

Bjørnar ayaa galay dukaanka, waxa uu soo qaatay ookiyaalaha oo qiimihiisu uu yahay 1199 kr, wuxuuna ka baxay dukaanka isaga oo aan bixin lacagtiisa. Kadib waxaa istaajiyay mid kamid ah waardiyeyaasha ka shaqeeya gudaha Airportka oo ku wargaliyay inuu soo xaday ookiyaale.

Xildhibaankan oo mushaarkiisu uu sanadkii hal milyan oo kr gaaraya, ayaa sheegay inuu isku ilaaway ookiyaalaha, uuna rabay inuu lacagta bixiyo. Balse waxaan warkaas ka rumeysan waardiyaha, wuxuuna ogolaaday inuu bixiyo ganaax dhan 3000 kr.

In Xildhibaankan uu ogolaaday bixinta ganaaxa, ayaa ka dhigan inuu ogolaaday inuu ookiyaalaha si ula kac ah ula tagay isaga oo aan lacagtiisa bixin, taas oo ka dhigan xatooyo bareer ah.

Moxnes ayaa sheegay in markii waardiyuhu istaajiyay oo uu weydiiyay ookiyaalaha uu dareemay yax-yax, balse uusan ujeedkiisu aheyn inuu xado ookiyaalaha, balse uu ilaaway bixinta lacagtiisa, kahor inta uusan dukaanka kala bixin.

Xigasho/kilde: Bjørnar Moxnes tatt for tyveri på Gardermoen

Xeer cusub: Uma baahnid inaad dhakhtarka tagto, si aad «Sykemelding» u hesho.

Laga bilaabo kowda(1) bisha Luulyo, waxaa dhaqan-gali doono xeer cusub kaas oo suurtogalinayo in dhakhtaradu ay si online ah( fogaan arag ah) qofka u qori karaan waraaqda ogolaanshaha fasaxa xanuunka (Sykemelding).

Dhakhaatiirta ayaa hada loo ogolaaday inay waraaqda fasaxa qori karaan iyaga oo aan qofka si waji ka waji ah ula kulmin. Waxaana adeegan cusub loo yaqan E-konsultasjon, Waxaase shardi ah in dhakhtarku uu aqoon hore u leeyahay jiridaada iyo xaaladaada caafimaad.

Dowlada ayaa xeerkan meelmarisay bilowgii sanadkan, balse wuxuu dhaqangalkiisu bilaabanayaa maalinta beri ah. Waxaana dhakhtarada waxaa waajib ku ah inay qiimeeyaan xaalada qofka, kahor inta aysan go aansan inay qaab online ah waraaqda fasaxa shaqada ee xanuunka u qoraan qofka bukaanka ah.

Xeerkan cusub ayaa sidoo kale dhakhaatiirta u ogolaanayo inay qofka qaab online ah ula kulmaan, hadii ay jirto cabsi laga qabo xanuun faafa oo dhibaato u keeni karo dadka kale.

44 sano jir sawiro qaa-qaawan ka iibsaday gabdho yar-yar oo xabsi lagu xukumay.

Maxkamadda racfaanka gobolka Rogoland ayaa ayaa sagaal bilood oo xabsi ah ku xukuntay nin 44 sano jir ah oo lagu helay danbi ah inuu sawiro qaa-qaawan ka iibsan jiray gabdho yar-yar oo aan qaan-gaar aheyn.

Ninkan oo qirtay danbiga lagu soo oogay, ayaa sawirada waxaa loogu soo diri jiray snap-chat, halka uu isaguna lacagta ku diri jiray Vipps. Wuxuuna ninkan bixiyay lacago isku dar gaarayp 24.000 kr, isaga oo hawashan soo bilaabay sanadkii 2022.

Maxkamadda degmadda hoose ayaa horey ninkan ugu xukuntay 9 bilood oo xabsi ah, balse waxa uu xukunkaas ka qaatay racfaan. Hada maxkamadda racfaanka gobolka ayaa ku xukuntay 9 bilood oo xabsi ah, waxeyna ku raacday go aanka xukunkiii maxkamadda koowaad.

Booliska iyo hey adda amniga ayaa mudooyinkan aad walaac ugu muujinayo xad-gudubyada lagula kaco caruurta yar-yarka ee aan qaa-gaarin, kuwaas oo lacago looga badasho sawiro anshax-xumo ah.

Shirkadda Vipps ayaa horey digniin ugu dirtay waalidiinta dhalay 19 gabdhood oo lacago ka helay niman aysan xiriir qaraabinimo la laheyn. Halkan kasii akhri.

Xigasho/kilde: Mann dømt for kjøp av nakenbilder fra mindreårige jenter.

Dowlada oo kordhisay lacagta waalidka lagu siiyo caruurta.

Dowlada ayaa wax ku kordhisay taageerada dhaqaale ee la siiyo waalidiinta heysta ilmaha ka yar 18-ka sano.

Ilmaha ka yar lixda(6) sano ayaa waxaa waalidku ku qaadan doonaa 1766 kr, halka ilmaha ka weyn 6 sano lagu qaadan doono 1310 kr. Lacagtan ayaa 200 kr ka badan bishii lacagtii ay markii hore dowladu waalidiinta ilmaha siin jirtay.

Waalidiinta qaarkood ayaa laga yaabaa inay xaq u lahaadaan lacago dheeri ah, hadii ay qabaan baahiyo dheeraad ah oo dhaqaale, ama gaar ah.

Halkan ka akhri lacagaha iyo jaantuskooda ah: barnetrygden øker fra 1. juli 2023.

Dalalka caalamka oo aad uga fal-celiyay falkii quraanka kariimka ah lagu gubay.

iraaq, Iiraan, Sacuudi Carabiya iyo dalalka kale ee Bariga Dhexe ayaa maanta cambaareeyey falkii uu nin Ciraaqi oo ku nool Sweden ku gubay Kitaabka Qur’aanka, ayaga oo ka digay in ficillada noocan ah ay hurinayaan dareenka Muslimiinta caalamka.

Ayada oo ay joogaan boolis tiro badan, ayaa Salwan Momika oo ah 37 jir usoo qaxay Sweden dhowr sano kahor, wuxuu Arbacadii ku istaagay Kitaabka Qur’aanka kahor inta aanu bogag ka mid ah dab ku hor qabadsiin Masjidka ugu weyn magaalada Stockholm.

Booliska caasimadda Sweden ayaa Salwan siiyey fasax uu dibadbax ku dhigo, si waafaqsan waxa loogu yeero xoriyadda hadalka, hase yeeshee waxay goor dambe sheegeen inay fureen baaritaan ka dhan ah oo la xiriira “kicin”.

Dhacdadan ayaa timid ayada oo Muslimiinta caalamka ay u dabbaal-degayeen maalinta Ciidul Adxa.

Ciraaq ayaa mas’uuliyiinta Sweden ku cambaareysay go’aanka ay “xagjir” ku siiyeen fasax uu ku gubo qur’aanka.

“Dhacdooyinkan waxay kicinayaan dareenka Muslimiinta caalamka, waxayna ka dhigan yihiin daan-daansi halis ah oo lagu sameeyey,” ayey tiri wasaaradda arrimaha dibedda Ciraaq.

Iiraan ayaa sidoo kale ku biirtay cambaareynta, ayada oo gubitaanka qur’aanka ugu yeertay mid “daan-daansi ah, aan laga fiirsan, oo aan la aqbali karin.”

“Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan… uma dulqaataan aflagaaddada noocan, si xooggan ayeyna u cambaareynayaan,” waxaa sidaas yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Nasser Kanani.

Sacuudi Carabiya ayaa sidoo kale si xooggan u cambaareysay falkan.

«Falalkan naceybka ah ee soo noqnoqda laguma aqbali aqbali karo wax cudur daar ah,” ayay tiri wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga.

Masar, oo ah dalka ugu dadka badan Carabta, ayaa ku tilmaamtay gubista Qur’aanka Kariimka ah “fal fool-xun oo ka caraysiinaya dareenka Muslimiinta.”

Ururka Jaamacadda Carabta ee fadhigiisu yahay Qaahira ayaa isna ku tilmaamay gubista Qur’aanka Kariimka ah «weerar lagu soo qaaday xuddunta diinteena Islaamka.»

Kuwait ayaa ku baaqday in dambiilayaasha falalka noocan ah cadaawadeed la horkeeno cadaaladda «lagana hortago in mabaadi’da xorriyadda ay qiil uga dhigtaan cadaawad ka dhan ah Islaamka ama caqiido kasta oo muqaddas ah.»

Gubitaanka Qur’aanka ayaa waxaa sidoo kale cambaareeyey lixda dal ee Golaha Iskaashiga Khaliijka, halka Morocco ay u yeertay safiirkeeda Stockholm.

Sidoo kale, kooxda awoodda badan ee Xizbullah ee dalka Lubnaan ayaa ku eedeysay Sweden “inay qeyb ka tahay dambiga.”

Xizbullah ayaa ugu baaqday Sweden inay joojiyaan falalka noocaan ah “halkii ay ku dhuuman lahaayeen xoriyadda hadalka.”

Waxay ku boorisay Mas’uuliyiinta iyo dalalka Islaamka iyo Carabta inay qaadaan «dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah» si ay ugu qasbaan Sweden iyo dalalka kale in laga hortago soo noqoshada dhacdooyinka noocan oo kale ah iyo joojinta «fidinta dhaqanka nacaybka ah.”

Bishii Janaayo, nin xagjir oo Swedish-Danish ah, kana tirsan kooxaha garabka midig, ayaa ku gubay nuqul ka mid ah Qur’aanka Kariimka ah meel u dhow safaaradda Turkiga ee Stockholm, taasi oo sidoo kale ka careysiisay dunida Muslimka.

Vipps oo digniin siiyay waalidiinta 19-gabdhood oo ay niman lacag u direen.

Shirkadda adeega lacag isku dirista ee Vipps ayaa digniin u dirtay waalidiinta 19 gabdhood oo yar, kuwaas oo lacago ay shirkadu ka shakisay ka helay niman da´ahaan waaweyn. Shirkadda ayaa waalidiinta ku wargalisay lacagahaas ay gabadhahooda ka heleen rag da ahaan qaarkood ay jiraan 70 sano.

Gabdhaha lacagta ayaa qaarkood waxa ay da´ahaan jiran 10 sano.

Waxa ay ahaayeen lacago shaki leh oo loo diray gabdhahan, waxaana ka digay adeega maamula lacag dirista. Dhamaan lacagahan la isku diray mawada ahan kuwo laga shakiyo, balse waxaan dooranay inaan wargalino waalidka gabdhahan. Waxaa sidaas wargeyska VG u sheegay Silje Øverbye oo ah madaxa maamulka halisaha shaqo ee shirkada Vipps.

Hadii aysan jirin wax xiriir ah oo ka dhaxeeyo labadaas, waa sabab aan uga shakin karno. Waa wax su aal la iska weydiin karo hadii tusaale ahaan odey 60 sano jir ah uu lacag u diro gabar 14 sano jir ah. Waxaa intaas raaciyay Cecilie Clement oo ah madax ka hortaga lacag dhaqista ee

– Hvis vi ikke finner en relasjon mellom de to – det kan være en grunn. Det er underlig hvis for eksempel en 60-åring sender penger til ei fjorten år gammel jente i Oslo, sier hvitvaskingsansvarlig Cecilie Clement i Vipps.

Vipps oo hawsha digniinta ah bilaabay bishii August ee sanadkii 2022, ayaa waalidiinta la wadaagtay qoraal ay ku wargalinayaan in ilmahooda uu helay ka helay qof ay ka shakiyeen, sidaas darteed ay waalidiinta fiirin karaan qofka ay ilmahooda lacagaha la wadaagaan.

Ilaa hada waxa ay shirkadu qoraal la wadaagtay waalidiinta 19 gabdhood oo lacag loo diray.

Xigasho/kilde: Vipps har varslet om 19 barn.

Oslo: Maamule raali-galin ka bixisay ficil ay ku sameysay ardey salaan-gacmeed ka diiday.

Dhowrkii maalmood ee ugu danbeeyay waxaa baraha bulshada aad ugu faafay muuqaal muujinayo wiil ardey muslim ah oo dhameeyay fasalka 10.aad ee dugsiga dhexe ee Norway, kaas oo diiday inuu gacanta ka salaamo maamulaha iskuulka xili la qeybinayay shahaadadda sanad dugsiyeedka.

Falkan ayaa ka dhacay iskuul kuyaalo magaaladda Oslo.

Waxaa muuqaalka oo aad ugu faafay Tiktok uu muujinayaa magaca ardeyga oo lagu dhawaaqay, iyo isaga oo usoo istaagay si uu u gudoomo shahaadadda sanad-dugsiyeedka. Maamulaha iskuulka oo qeybinayay shahaadooyinka ayaa gacanta usoo taagtay ardeygan, balse ardeyga ayaa diiday inuu gacanta ka salaamo. Maamulaha ayaa intaas ka dib isku deyday inay qabato gacanta ardeyga, ayna salaanto, balse mar kale ayuu ka leexday oo dib uga degay.

Maamulaha ayaa intaas ka dib qabsatay mikrofoonka, waxeyna ardeydii u sheegtay in arrintaas ay tahay mid aan la aqbali karin.

Dadyow, waxaan deganahay Norway, sidaas ma socon karto. Waalidiintow, Norway ayaan ku noolnahay, waxaad la shaqeyn doontiin dumar Norwiiji ah ama horumar ma gaari doontaan. Arrintaas wax ka qabta, waalidiintow arrintaas wax ka qabta.

Goobta uu falkan ka dhacay, ayaa waxaa sida muuqaalka laga arki karo ku sugan ardey kale, waalidiinta, macalimiinta iyo shaqaalaha iskuulka.

Maamulaha oo raali-galin bixisay:

Sida uu qoray wargeyska Aftenposten, maamulaha iskuulkan ayaa markii danbe bixisay raali-galin ku saabsan qaabkii ay ula falgashay arrinta dhacday, iyada oo waraaq qoraal ah u dirtay waalidiinta iyo macalimiinta iskuulka.

Maamulaha ayaa sidoo kale sheegtay in muuqaalka lasoo galiyay baraha bulshada uusan aheyn kii saxda ahaa, balse uu yahay mid la jarjaray uu muuqaalkii saxda ahaa uusan aheyn.

Muuqaalkan ayaa baraha bulshada iyo dadweyhaha Norway ka dhex abuuray dood xoogan. Dadka qaarkood ayaa taageersan macalimadda oo sida ay sheegeen lagula kacay faquuq la xiriira jinsigiisa, aana loo muujin wax xurmo ah. Halka dadka qaarkoodna ay ka biyo diidsanyihiin qaabka ay macalimadda ula dhaqantay ardeygan oo sheegay inuusan rabin inuu gacanta ka salaamo.

Xigasho/kilde: Oslo-rektor langet ut mot elev som ikke ville håndhilse: – Vi bor i Norge.

Wasiiradii dhaqanka Norway oo xilkeedii ku weyday shaqo ay saaxiibteed siisay.

Wasiiradii dhaqanka iyo sinaanta Norway, Anette Trettebergstuen ayaa iska casishay xilkii wasiirnimo, kadib markii ay soo baxday fadeexad la xiriirto inay shaqo siisay saaxiibteed. Wasiiradda oo shir jaraa´id qabatay jimcihii ayaa sheegtay inay guud ahaanba isaga degtay xilkii ay heysay, iyada oo raaligalin siisay dadweynaha iyo dowlada Norway oo ay ka tirsaneydba.

Wasiiradda ayaa saaxiibteed oo aad ugu dhow u magacowday kamid noqoshada gudiga maamulka aqalka Operaen ee lagu dhigo xafladaha. Waxaana guriga mulkiyadiisa iska leh wasaaradda dhaqanka oo iyadu wasiir ka aheyd.

Sida uu sharciga Norway qabo, waxa aheyd in wasiiradu ay banaanka ka istaagto dhamaan howlaha la xiriira shaqo bixinta saaxiibteed, si loo xaqiijiyo cadaaladda shaqo-bixinta, maadaama ay aad isugu dhowyihiin. Wasiiradda ayaa jabisay xeerkaas, taas oo markii danbe hada sabab u noqday inay xilkeedii wasiirnimo isaga tagto.

Xigasho/kilde: Anette Trettebergstuen slutter som statsråd.

Trondheim: Waxaan qoxootiga sharci loo diiday siin doonaa xuquuq «muwaadinimo».

Golaha deegaanka magaaladda Trondheim ayaa go aamiyay in degmaddu ay xuquuq muwaadinimo siin doonto dadka magaaladaas kunool, balse sharci la aanta ah, kadib marii ay diidmo kama dambeys ah ka heleen codsiyadda magangalyada.

Xuquuqaha ay degmadda Trondheim sheegtay in dadkan ay siin doonto ayaa waxaa kamid ah guri, adeega caafimaad iyo adeegyadyada xanaanadda guryaha ee lagu hayo dadka waayeelka ah.

Go aanka kasoo baxay degmadda ayaa lagu qeexay in arrintan ay khuseyso dadka sharci la aanta ku ah Norway, marka ay jiraan arrimo iyo sababo culeys nololeed ah oo qofkaas uu la noolyahay. Sida tusaale ahaan qoysaska caruurta leh iyo dadka waayeelka ah ee baahiyahha gaarka ah qabo.

Isla go aanka degmadda ayaa lagu sheegay in xuquuqaha cusub ay marka hore khuseeyaan oo ka faa’ iideysan kara oo kali ah dadka sharci la aanta ah ee xiriirka la leh kaamka qoxootiga Sandmoen ee Trondheim. Dadka aan xiriirka la laheyn kaamka qoxootiga Sandmoen ee Trondheimm ayaan fursaddan ka faa\ iideysan karin sida lagu sheegay go aanka degmadda Trondheim.

Xigasho/kilde: Gir papirløse i Trondheim rett til bolig, hjemmetjeneste og sykehjemsplass.

Booliska OSLO: Waxaan joogteynta ku badin doonaa xaafadda Grønland.

Madaxa qeybta booliska Oslo  Ida Melbo Øystese ayaa sheegtay in booliska magaaladdu ay joogteynta iyo la socoshada ku badin doonaan xaafadda Grønland, taas oo maalmihii ugu danbeeyay ay ka dhaceen falal danbiyeedyo isugu jiro dhac iyo isxabadeyn.

Talaadadii isbuucan waxaa bartammaha suuqa xaafadda Grønland ka dhacay fal danbiyeed xabado loo adeegsaday, kaas oo sida goob-joogayaal ay xaqiijiyeen dhex-maray dhalinyaro soomaali ah. Cidna waxbo kuma noqon falkaas, balse wuxuu abuuray argagax iyo cabsi xoogan oo ay la kulmeen dadkii ka ag-dhawaa goobta uu falkaas ka dhacay. Waxeyna boolisku falkan ku eedeeyeen oo dacwad lagu oogay dhowr qof oo lala xiriirinayo dhacdadan.

Wargeyska Aftenposten ayaa warbixin uu dhawaan qoray ku sheegay in buundadda Grønland iyo wadooyinka ku hareereysan ay yihiin goobo ay ka taliyaan kooxaha ka shaqeeya iibinta daroogadda. Ayna adagntahay in qof caadi ah uu maro xiliyadda danbe ee fiidkii.

Booliska Oslo ayaa galabta la shiraya maamulka Oslo, waxeyna sheegeen inay joogteynta ku badin doonaan xaafadda Grønland, si ay si dhow ula socdaan xaaladda xaafadaas.

Arrintan ayaa sidoo kale kusoo aadeyso xili booliska Oslo ay maalmo kahor sheegeen inay xafiis cusub oo roondo joogto ah ka hayo xaafaddan, ka furi doonaan Grønland. Halkan kasii akhri.

Xigasho/kilde: Politimesteren i Oslo: − Kommer til å trappe opp tilstedeværelsen på Grønland

Dowlada: Caruur badan oo ka cabsi qabo in dalka dibadiisa looga soo tago ayaa nala soo xiriiray.

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay dowlada, caruurtii ugu badnaa abid oo ka cabsi qaba in iyaga oo aan raali ka aheyn looga soo tago dalka dibadiisa ayaa lasoo xiriiray hey addaha dowlada. Dowlada ayaa dhankeeda sheegtay in arrintan ay ku heyso walaac xoogan, waxeyna dowladu fariin u dirtay hey addaha arrintan ku shuqul leh, iyada oo ku wargalisay muhiimadda sidoo hawshan looga hortagi lahaa.

Afar wasiir oo katirsan xukuumadda reysulwasaare Jonas Gahr Støre ayaa waraaq wareegto ah u diray hey addaha ka shaqeeya arrimaha caruurta, maamuladda goboladda iyo degmooyinka, barnevernka iyo hey addaha waxbarashada, waxaana lagu amray ka shaqeyta sidii arrintaas looga hortagi lahaa.

Wasiiradda isdhexgalka iyo shaqada Marte Mjøs Persen ayaa sheegtay:

Inaan aragno kor u kaca kiisaska caruurta soo gudbineyso wel-welka ah in dalka dibadiisa looga soo tago, waxey noqon kartaa in dad badan ay hada ogaadeen meelaha lala xiriiro ama caawinta laga dalban karo. Sidaas oo jirtana waa wax aad u xanuun badan in caruur badan ay caawin soo dalbadaan, waana arrin wel-welkeeda leh.

Arrin muhiim ah oo keeneysa wel-welka ayaa ah in ay xadidantahay awooda ay dowlada Norway ku caawin karto caruurtan, marka ay ku suganyihiin dalalka dibadda, gaar ahaan meel amni ahaan ay dowlada Norway dalka kula taliso inaysan u safrin.

Kiisaska ugu badan ayaa la xiriira caruur ka cabsi qaba in laga saaro dalka ay ku dhasheen ama ku koreen ee Norway, kadibna qaab aysan raali aheyn looga soo tago dalka dibadiisa, halkaasna lagu hayo iyaga oo aan raali ka aheyn. Kiisaska qaarkood ayaa la xiriira caruur aad u yar-yar oo 18 sano ka yar.

Hadii aad macluumaad dheeri ah uga baahantahay arrintan, fadlan la xiriir ama macluumaad dheeri ah ka fiiri halkan: https://www.imdi.no/nora/

Halkan ka akhri warka kasoo baxay dowlada: Unge søker hjelp – redde for å bli sendt til utlandet mot sin vilje.

Soomaaliya oo amar ku saabsan arrintii Visaha siisay shirkadaha diyaaraddaha.

Amar kasoo baxay hey adda duulista rayidka Soomaaliya ee SCAA, ayaa dhamaan muwaadiniinta soomaalida ah iyo shirkadaha diyaaradaha lagu wargaliyay inaan wax viso ah oo dalka dibadiisa laga bixiyo aan lagu xirin muwaadiniinta soomaalida ah ee heysta baasabooradda dalalka kale. Waxaa lagu xaqiijiyay in Visaha laga qaadan doono garoomaddaha diyaaraddaha ee gudaha Soomaaliya, sidii horey caadadda u ahaan jirtay.

Arrintan ayaa jawaab u ah warar maalmihii ugu danbeeyay la isla dhex-marayay baraha bulshada, kuwaas oo ku saabsanaa in shirkaddaha diyaaraduhu ay garoomadda diyaaraddaha Yurub ka celiyeen caruur la socday waalidiin soomaali ah. Kuwaas oo laga codsaday inay wataan Viso, kahor inta aysan Soomaaliya u safrin.

War qoraal oo kasoo baxay hey adda duulista hawadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay:

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA), waxay ku wargelinaysaa muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo cidda ay quseyso; inan wax fiiso ah looga baahneyn inuu horay usoo qaato qof kasta oo Soomaali ah ee sita Baasaboor kasta (DUAL NATIONALITIES ) iyo goob walba oo uu ka soo dhoofayo, waxaana fiisaha lagu siinayaa garoommada Dalka (visas on arrival), tan oo sidoo kale la wargeliyay diyaaradaha.

Warkan ayaa sidoo kale xoojinayo qoraal maalin kahor kasoo baxay hey adda socdaalka iyo arrimaha soo galootiga u qaabilsan dowlada Soomaaliya. Halkan kasii akhri.

Erdogan oo shuruudo kale oo cusub kusoo rogay Sweden.

Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan ayaa u sheegay Sweden inaysan ka sugin rajo ku saabsan dalabkooda xubinnimada NATO ee shirwaynaha isbahaysiga reer galbeedka ee bisha soo socota, ilaa ay ka hortagto mudaaharaad ka dhan ah Turkiga oo ka dhacaya Stockholm.

“Turkigu uma dhawaan dalabka Sweden ee NATO ilaa inta ay argagixisad ku mudaharaadayeen Stockholm” ayaa laga xigtay Erdogan.

Mawqifka Turkiga ayaa mar kale lagu caddeeyay wadahadal uu la yeeshay saraakiisha Sweden Arbacadii.

Si loo caddeeyo diidmadooda ku aaddan xubinnimada Sweden, Turkiga ayaa Stockholm ku eedeeyay inay gabbaad siiyaan xubno ka tirsan kooxaha Kurdiyiinta ee uu u arko inay yihiin argagixiso.

Xiisadda u dhaxeysa Turkiga iyo Sweden ayaa waxaa dhawaan ka dhashay dibad bax looga soo horjeedo Turkiga iyo NATO oo bishii hore ka dhacay magaalada Stockholm, iyada oo calanka kooxda Kurdistan Workers’ Party (PKK) ee laga mamnuucay Turkiga uu kasoo muuqday dibad-baxyadaas.

Xigasho/kilde: VOA + Reuters.

UDI: Waxaan fashilinay kiiska qoys ka kooban 60 qof oo qaab been ah ku helay jinsiyada Norway.

Sida uu qoray wargeyska Aftenposten, hey adda arrimaha soo galootiga u qaabilsan dowlada Norway ee UDI-da, ayaa ku dhawaaqday inay fashilisay mid kamid ah kiisaskii ugu cuslaa ee la xiriira dabagalka dadka looga shakisanyahay inay ka been-sheegeen aqoonsigooda shaqsiyeed, qaabka aan saxda aheyna ku helay jinsiyadda Norway.

Kiiskan ayaa khuseeya qoys sheegtay inay kasoo jeedaan dalka Afgaanistaan, balse UDI-du ay ka shakisantahay inay yihiin qoys Pakisani ah.

Qoys weeraray gabadhooda, kuna eedeysnaa isku dey dil ah:

Kiiska ayaa ku bilowday fal danbiyeed danbiyeed sanadkii 2017 ka dhacay deegaanka Oppegård ee magaaladda Oslo. Waxaana uu ku saabsanaa qoys si wadajir ah weerar mindiyo loo adeegsaday ku qaaday gabadhooda, kadib markii sida la sheegay ay gabadhu sameysay wax aysan qoysku raali ka aheyn. Kiiskan oo markii danbe is furfuray, ayaa waxaa ku lug lahaadaay qeybo kamid ah qoyska gabadha, gaar ahaan waalideenteed, walaalaheeda iyo xubno kale oo qoyska ka tirsan.

Intii uu socday baaritaanka kiiskan iyo dhageysigiisa maxkamadda, ayaa waxaa sida soo baxay macluumaad kale oo sheegaya in qoyskan ay kasoo jeedaan dalka Pakistan, aysana kasoo jeedin dalka Afgaanistaan oo ay isku dhiibeen, sharcigana ku heleen. Aabaha qoyska oo danbiga ku eedeysnaa ayaa waxaa la ogaaday inuu sanado badan ku noolaa dalka Pakistan, uuna luuqadda Urdu-ga ee looga hadlo Pakistan kula hadlayay mid kamid ah ilaaladd maxaabiista oo asal ahaan reer Afgaanistaan ah. Waxaana sidaas qoray wargeyska Aftenposten.

UDI-da oo warbixin ka heshay booliska, ayaa bilowday baaritaanka kiiskan sanadkii 2020. Waxeyna sida ay sheegeen soo baxay macluumaadyo kale oo cadeynayo in qoyska ay ka been-sheegeen macluumaadkooda shaqsiyeed, ayna qaab sharci daro ah ku heleen jinsiyadda Norway. Baaritaanadda ayay sidoo kale ku sheegeen in wadarta xubnaha qoyska balaaran oo gaaraya ilaa 60 qof ay siyaabo kala duwan iyo aqoonsiyo kala duwan isaga dhiibeen dalkan Norway iyo dalalka kale ee Yurub.

Waxyaabaha kiiskan ku cusub ayaa waxaa kamid ah in UDI-da ay adeegsaday computerka adeegsada garaadka macmalka( Artificial intelligence), si la isugu baaro, la isugana aadiyo xogta, macluumaadka ay qoyska bixiyeen iyo sawiradooda. Waxaana soo baxday in xubanah qoyskan qaarkood ay ka dhiibanyihiin dalal kale oo Yurub ah, iyaga oo adeegsanayo magacyo iyo aqoonsiyo kale.

UDI-da Norway ayaa caadi ahaan marka ay qiimeynayaan kiisaskan oo kale, waxa ay adeegsadaan macluumaadyo kala duwan oo la isku geeyay, kuwaas oo ay kamid yihiin, xogaha uu qofka bixiyay, meelaha uu lacagta u diray, meelaha uu ganacsiyadda ku leeyahay ama u safro inta badan, macluumaadka cusub ee qofku uu ku bixiyo wareysiyadda laga qaaday iyo waxyaabo kale oo wadartoodu ay sawir ka bixin karaan aqoonsiga qofka.

Waxaa xusid mudan in wali uu socdku baaritaanka kiiskan, walina aysan hey addaha qoxootigu gaarin go aan kama dambeys ah. Balse kiiskan ayaa sida muuqato noqon doono mid kamid ah kiisaskii ugu waaweynaa ee ay si wadar ah u go aamiso hey adda qoxootiga Norway.

Xigasho/kilde: Norges mest omfattende asylbløff kan være avslørt ved hjelp av ny teknologi og kunstig intelligens.

Dowlada Soomaaliya oo beenisay warka ku saabsan Visaha caruurta qurbaha ku dhashay.

Isbuucyadii ugu danbeeyay, waxaa soo badanayay tirada dadka Soomaaliyeed ee kunool Norway iyo dalalka qurbaha, kuwaas oo ka cabanayay in shirkadaha diyaaraddaha ay ka dalbadeen Viso caruurta Soomaalida ah ee ku dhashay qurbaha, heystana baasaboorka aan soomaaliga aheyn.

Waalidiin badan oo nala soo xiriiray, iyo kuwa kale oo cabasho kusoo gudbiyay baraha bulshada ayaa sheegay inay ka warheleen waalidiin ay la socdeen caruur ku dhalatay qurbaha, kuwaas laga soo celiyay garoomadda diyaaraddaha Yurub. Waxeyna sheegeen in ay shirkadaha diyaaraduhu ay shardi ka dhigeen inay Viso dal ku gal ah oo u dalbaan caruurtooda, kahor inta aysan ay ka dhoofin garoomadda diyaaraddaha qaaradda Yurub.

Waalidiintan ayaa arrintaas ka muujiyay walaac, waxeyna aad u cabanayeen dalabka Visaha ah ee ay kusoo rogeen shirkaddaha diyaaraddaha. Arrintaas oo ku tilmaameen mid lala yaabo, maadaama waalidku ay rabaan in xiliyadda fasaxa ay ilmaha soo tusaan, dal-barasho iyo dhaqan-barashana u geeyaan caruurtooda Soomaaliya.

Shirkaddaha diyaaraddaha oo qaarkood aan la xiriirnay, ayaa iyaga dhankooda sheegay in arrintan ay tahay wax socdo, iyo dalab uga yimid dowlada Soomaaliya, iyaguna ay fulinayaan amarkaas la siiyay.

Dowlada Soomaaliya oo beenisay arrintaas:

Caadi ahaan qofka Soomaaliga ah ee ku socdaalayo baasaboorka dalalka kale( aan wadan baasaboor soomaali ah), wuxuu Visaha Soomaaliya oo qiimihiisa uu yahay 60$ ka qaataa gudaha Soomaaliya, marka uu ka dago garoomadda diyaaraddaha Soomaaliya( visa on arrival). Waxaana baasaboorkiisa lagu dhuftaa Viso ay bixisay waaxda socdaalka Soomaaliya oo shaqeysa mudo cayiman.

Waaxda socdaalka iyo arrimaha soo galootiga ee dowlada Soomaaliya, ayaa war saxaafadeed ay baahisay ku beenisay jiritaanka arrintan ku saabsan amarka la xiriira in Viso laga qaado caruurta Soomaalida ah ee ku dhalatay qurbaha, heystana baasabooradda dalalka kale. Waxeyna waaxdu beenisay wararka lagu qoray baraha bulshadda ee arrintaas la xiriira.

Waaxda socdaalka u qaabilsan Soomaaliya ayaa shirkaddaha diyaaraddaha ku amartay inaysan wax Viso ah ka dalban karin muwaadiniinta Soomaalida ah( Caruurta iyo dadka waaweynba) ee ku safraha baasabooradda dalalka kale, waxeyna sheegeen in Visaha laga bixiyo garoomadda Soomaaliya.

Arrintan ayaa hada u muuqanajeyso mid dajineyso wel-welka ay qabeen waalidiin badan oo soomaaliyeed oo ku sugan dalalka qurbaha, kuwaas oo ka cabsi qabay in laga baajiyo safaradda ay ku tagi lahaayeen Soomaaliya, ama in la kala reebo, iyaga iyo caruurtooda.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) ayaa maalintii Talaadadda aheyd magaaladda Oslo kulan kula qaatay boqolaal katirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway. Wasiirka oo ka qeybgalayay shirka ayaa ka warbixiyay safarkii uu ku yimid Norway, shirarkii uu ka qeybgalay iyo muhiimadda ay shirarkaas u lahaayeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka jawaabay su aalo badan oo bulshada Soomaaliyeed ee Norway ay ka qabeen baahiyahha adeega dowladnimadda, gaar ahaan arrimaha la xiriira baasabooradda, waraaqaha dhalashada, cadeymaha geeridda xubnaha qoyska iyo adeegyadda kale ee la xiriira.

Sidoo kale waxaa shirka kasoo qeybgalay masuuliyiin ka socdo safaaradda Soomaaliya ee Sweden kuwaas oo ka warbixiyay qaabka ay u shaqeyso safaaradda, iyo adeegyadda ay bixiyaan.

Muuqaalka kulanka wasiirka iyo su aalaha dadweynaha oo dhameystiran dib ayaan kasoo galin doonaa..

Ku waalidiinta Oslo: Fursad barashada dabaasha ee ilmaha dhigta fasaladda 4-7.

Iskuulka dabaasha ee Oslo ayaa koorso barashada dabaasha ah u fidinayo ardeyda dhigata fasaladda 4.aad ilaa 7.aad ee dugsiga hoose, kuwaas oo aan dabaasha ku baran waxbarashada dabaasha waajibka ah ee lagu dhigto iskuuladda Norway.

Ardeyda fursaddan hesha ayaa maalin walba heli doono waxbarashada dabaasha, kadib marka laga qaado imtixaan dabaasha ah, lana ogaado heerkiisa aqoonta dabaasha.

Halkan kasii akhri faah-faahinta arrintan.

VG: Ugu yaraan 70 «bekymrings-melding» ayaa ka baxay systemka barnevernka.

Sida uu qoray wargeyska VG, ugu yaraan 70 waraaq wel-wel ama «bekymrings-melding» oo ku socday hey addaha ilaalinta ilmaha ee barnevern-ka, ayaa ka baxay systemka hey´addaas. Waxaana arrintan sabab u ah cilado farsamo oo ku yimid systemka hey´adda barnevern´ka.

Ciladan farsamo ayaa keentay inay hawada ku lumaan( aysan meeshii loo waday gaarin) waraaqaha wel-welka ee hey addaas loo diro, marka ay jirto xaalad shaqaalaha dowliga ah ama dadka kale ee ay khuseyso ay ay u diraan hey addaha ilaalinta caruurta ee barnever-ka.

Waxeyna ciladdan farsamo saameysay laamaha hey´adda barnevern-ka ee 244 degmo oo Norway kuyaal.

Degmadda Bergen ayaa aheyd degmadii ugu horeysay ee ogaatay qaladkan farsamo oo soo jiray tan iyo sanadkii 2020. Waxaana degmadda Bergen oo kali ah ka lumay 21 waraaqadood oo ku socday hey addaha barnevern-ka magaaladaas. Sidoo kale degmooyinka Tromsø, Kristiansand, Oslo iyo Asker ayaa kamid ah meelaha ay ciladdan saameysay.

Madaxa hey adda ilaalinta xuquuqda caruurta( Barneombud) ayaa arrintan ku tilmaamtay mid wel-wel leh, iyada oo sheegtay inay dhici karto in caruur xaaladdo adag ku jiray, aysan helin caawintii ay u baahnaayeen.

Xigasho/kilde: Bekymrings­meldingene som forsvant: Disse kommunene er rammet.

Oslo: Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo galabta la kulmi doono jaaliyada S Norway.

Waxaa dalka Norway booqasho iyo safar shaqo ku joogo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac ( Huruuse) oo hogaaminayo wafdi ka socdo Soomaaliya. Wasiirka oo ka qeybgalayo shir ka dhacayo Oslo, ayaa shaley kulan la yeeshay dhigiisa Norway Anniken Huitfeldt.

Wasiir Abshir ayaa sida uu ku xusay qoraal uu soo dhigay bogiisa Twitterka, waxa uu wasiiradda arrimahadda Norway kala hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii aan kor loogu qaadi lahaa wadashaqaynta dhinacyada xoojinta nabadda, dib u heshiisiinta, horumarinta dhaqaalaha iyo shirka caalamiga ah ee ilaalinta carruurta goobaha dagaaladu ka jiraan.

Wafdiga wasiirka arrimaha dibadda oo ay kamidyihiin xubno ka socdo safaaradda Soomaaliya ee Sweden ayaa galabta kulan furan oo kala warqaadasho iyo xog-wareysi ah la qaadan doono jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway. Kulanka ayaa galabta saacadda 17:00 ka dhici doono Oslo( Macluumaadka kulanka hoos ka fiiri):

error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.