fredag, april 26, 2024

Oslo: Dhalinyaro nin Taksiile ah dhacay oo la maxkamadeynayo.

Isbuuca soo socdo waxaa maxkamadda Oslo ka bilaaban doonto maxkamadynta afar dhalinyaro ah, kuwaas oo da ahaan wada jiro bilowba labaatameeyo. Dhalinyaradan ayaa ku eedeysan inay dhaceen, baabuurkana si xoog ah uga kaxeysteen nin taksiile ah.

Falkan ayaa 21-ka bishii September sanadkii 202i ka dhacay waddada caanka ah ee Københavngata ee katirsan xaafadda Dælenenga ee Oslo.

Sida ku xusan eeda xeer ilaalinta, afartan dhalinyaradda ah ayaa biskoolad iyo mindi ula soo baxay darawalka taksiilaha ah oo shaqada ku jiro. Waxeyna ka xoogeen mobilka gacanta iyo boorsadda jeebka. Iyaga oo waxyarna kadibna ka qaatay furaha baabuur, waxeyna ka dajiyeen baabuurkii uu saarnaa oo ay goobta kala baxsadeen.

Booliska ayaa baabuurka lala baxsaday markii danbe kasoo helay xaafadda Tøyen ee magaaladda Oslo. Booliska ayaa sidoo kale baaritaan xoogan kadib oo loo adeegsaday waxyaabo ay kamid yihiin Helikopter iyo baabuur tiro badan, waxa ay afartan dhalinyaradda kasoo qabteen uri kuyaal magaaladda Oslo.

Mid kamid ah dhalinyaradda eedeysanayaasha ah ayaa sidoo kale ku eedeysan inuu isku dayay inuu dhacay dukaanka Narvessen ee kuyaal wadda Dronnings Eufemias ee Oslo.

Dhageysiga maxkamadda eedeysanayaasha afarta ah, ayaa qaadan doonto mudo labo(2) maalmood ah.

Xigasho/kilde: Fire unge menn tiltalt for drosjeran

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x